Wednesday, 30 September 2015

Fanaaniinta Xidigaha Geeska Oo Dib U Helay Xoriyadoodii,Markii Ay Boolisku Ku Guul Daraysteen In Ay Maxkamada Keenaan Cadaymo


Fanaaniinta Xidigaha Geeska Oo Dib U Helay Xoriyadoodii,Markii Ay Boolisku Ku Guul Daraysteen In Ay Maxkamada Keenaan Cadaymo


Hargaysa Guddoomiyaha maxkamada gobolka ee Hargeysa Axmed Dalmar Ismaaciil, ayaa amar qoraal ah oo uu soo saaray maanta wuxuu go'aamiyay in xoriyadoodii loo soo celiyo fanaaniinta Nimcaan Cabdiraxman Xasan, Maxamed Axmed Bakaal, Cabdiraxman Caydiid Cabdi iyo Xamda Cabdi Queen.
Fanaaniinta ayaa boliisku ka qabteen gegida dayuuradaha ee Hargeysa iyagoo Axadii ka soo laabtay magaalada Muqdisho oo ay bandhig faneed ka soo dhigeen Ciidii.
-
maxkamadu waxay ku amartay taliyaha qaybta boliiska ee dambi baadhista CID iyo taliyaha saldhiga dhexe ee booliiska ee Hargeysa inay isla maanta sii daayaan maxaabiistaasi afarta fanaan.
Maxkamadu waxay sheegtay booliisku inuu ilaa hadda ku guuldareystay inay maxkamada horkeenaan sabab sharci oo macquul ah oo ay uga baaqsadeen inay ku dalbadaan amar qabasho iyo inay keenaan xogaha dhacdada, sababta xadhiga iyo cadaymaha la helay oo faah-faahsan.
Qoraalka maxkamadda waxaa kaloo lagu sheegay in iyadoo maxkamadu ka duuleysa distoorka Somaliland qodobka 25-aad oo daamanad qaadaya xorriyaadka aasaasiga ah ee shakhsiyaadka ay reebantay inaan qofna xorriyadiisa looga qaadi karin si aan sharciga waafaqsaneyn.
Maxkamadu waxay sheegtay inaanay banaaneyn in qofna la qabto, la baadho, ama la xayiro haddii aanu markaasi denbi faraha kula jirin , ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo xidhin garsoore awood u leh.
Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay in garsooraha maxkamada gobolka Hargeysa shalay ku diiday booliiska inuu sii hayo maxaabiistan, isagoo u cadeeyay booliiska garsoorhu inaanay maxaabiistani garsoorka u xidhneyn.
Wasiir ka tirsan xukuumada Somaliland ayaa hore u sheegay in afartan fanaan ee Xiddigaha Geeska loo xidhay iyagoo kaga soo qayb galay Muqdisho barnaamij ka soo horjeeda madaxbanaanida Somaliland.
Hanaanka dib u habayneed ee Garsoorka Somaliland ayaa u muuqda mid caddaaladda ku salaysan islamarkaana dhawraya xuquuqda dadka, iyadoo guddoomiyaha maxakamadda sare dhawaan sheegay in qofka iyadoon la xidhin dacwadiisu maxakamadda ka socon doonto.

Cisbitaalka Guud ee Hargeysa oo ay Biyo la’aani soo food saartay iyo Bukaanada oo Mooya-saxo Miciin mooday



Cisbitaalka Guud ee Hargeysa oo ay Biyo la’aani soo food saartay iyo Bukaanada oo Mooya-saxo Miciin mooday




Hargeysa(Waaheen) Cisbitaalka Guud ee Hargeysa oo ku yaala badhtamaha Hargeysa, gaar ahaana xarumaha Dawladda Somaliland ayay haysaa Biyo la’aan ba’ani, waxaanay taasi keentay in bukaanka jiifa waadhadhka kala duwani iibsadaan biyaha qaaliga ah ee Mooya sixaha, kuwaas oo ay u adeegsadaan cabitaan iyo inay Musqulaha ku galaan.
Wariye ka tirsan Waaheen oo booqday Bukaan jiif ku jira qolalka lacagta ah ee Cisbitaalka Hargeysa ayaa u sheegay in dhibaatada haysata ay u raacday mudadii uu ku jiray cisbitaalka Biyo la’aan xoogan, taasoo sababtay in uu iibsado maalin kasta mooya saxo, waxaanu xusay inay madhan yihiin taangiyada cisbitaalka ku dhex yaala, kuwaas oo ay bukaanku ku tiirsan yihiin.
Bukaan-jiifka Cisbitaalka yaala oo dhan ayaa arrintan ka siman sida uu sheegay bukaankaasi, waxaanu tilmaamay inay tahay arrin adag, isagoo iftiimiyey in dhacdadani ay tahay mid u baahan in xukuumadda Somaliland wax ka qabato, isagoo cadeeyey wax badan inay iska bedeleen cisbitaalka, hadana waxa uu qiray inay wax badani ka dhiman yihiin.
Bukaan-jiifka dhacdadani ay taabatay ayaa sheegay in ay wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ugu deeqday Booyad biyo ah, kadib markii ay arrintan murugada leh kula kulantay bukaan-jiif ay ku soo booqatay Cisbitaalka Guud ee hargeysa, waxaanay isla markiiba amartay in lala soo gaadho booyad.
Biyo la’aanta Cisbitaalka Guud ayaa beryo hore la maqli jiray, hase yeeshee xaaladda imika taagan waa mid walaaceeda leh, maadaama Cisbitaalka Guud soo saaro dhaqaalaha uu hawlihiisa ku wado badh ahaan, sidoo kale na uu leeyahay Miisaaniyad Qaran oo ay gacanta ku hayso wasiir Samsam Cabdi Aadan oo la ogyahay wasiiraddii ka horeeyey inay u taaban jirtay daryeelka Cisbitaalku sida ay iyadaba dhacdadan biyo la’aanta ahi u taabatay, waxaana loo baahan yahay in maamulka Cisbitaalka iyo Xukuumadda Dhexe iska kaashadaan sidii duruufaha yar yare e magic xumada usoo jiidaya Cisbitaalka wax looga qaban lahaa.

Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...