Skip to main content

Xaqiiqada Calanka Somalia iyo Cida Samaysey!


Xaqiiqada Calanka Somalia iyo Cida Samaysey!




Maadaama ay maanta ku beegan tahay, Kow iyo lixdan guuradii maalinta ay Somalidu tidhaahdo waxaa la sameeyay Calanka Buluuga ah ee xidigta shanta gees lihi dhexda kaga taalo oo ku beegan 12.October,1954. iyadoo la yidhaahdo waxaa sameeyay, Mudane Maxamed Cawaale Liibaan.

Haddaba Astaamaha aad halkan Sawiradooda ku aragtaan Bidix ka bilow: Astaantii Somalia, Waxa ku xiga Astaantii,Waddankii Cyrenaica oo caasimadiisu Bangaasi ( Benghazi).ahayd. Iyo Astaantii Tripolitania oo caasimadeedu Tripoli ahayd, labbadan waddan ee danbe labbaduba Waddanka Libya ayay maanta ka tirsan yihiin.

Haddaba Astaamahan aad halkan ku aragtaan, wuxuu talyaanigu u sameeyay waddamadaas uu guumaysan jiray, 03.April.1919. Waa mudo iminka laga joogo lix iyo sagaashan sannadood. Waxay saddexdan astaamood ka siman yihiin, Calanka Buluuga ah iyo Xidigta cad ee shanta gees leh..

Wuxuu talyaanigu isla maalintaas iyana Astaan u sameeyay waddanka Erateriya. lakiin iyada astaanteedu waxay ahayd Calan midab cad leh, oo dhaxda ay xidig Cas oo shan gees lahi kaga taalo, Libaaxna dhexda kaga sawiran yahay.

Sidaas aad Sawirka ku aragtaan Astaanta Somaliya uu Talyaanigu u sameeyay, waxay ka kooban tahay Labba qaybood, qaybta hoose oo Casaan ah, Labba xidigood oo lix gees ahina ka taagan yihiin iyo qaybta sare oo ah Calan Buluug ah oo Xidig cadi dhexda kaga taalo.Xidigtaas waxaa ka hooseeya, (Shabeel ama harimacad.Hadba sidaad u taqaanan), oo ah xayawaan dhulka Somalida aad u joogi jiray amaba ay Caan ku ahayd Somalidu siiba tii uu talyaanigu guumeysan jiray..

Haddaba Calankan Buluuga ah iyo Xidigta Shanta Gees leh, muxuu Talyaanigu uga jeeda?

1.Calanka Buluuga ah iyo Talyaaniga.

Midabka Buluuga ah oo talyaanigu u yaqaanan midabka Qaranka Talyaaniga, waa midab ay ka curaafeystaan oo ay aad u jecel yihiin, wuxuuna ka soo bilawdaa mudo siddeed boqol oo sano laga joogo, Waana Midabkii ay Gurigii reer Boqor ee "'Hous of Savoy" lahayeen, Isaga iyo mibadka Casiba. Waa astaamahii reer Boqorkii Talyaanigu lahayeen ee caanka ku ahayeen.. Taasi waxay keentay in Kooxaha Ciyaaraha Talyaaniga oo dhan Midabkooda ama dharka ay ku ciyaaran, Buluug laga dhigo, Sida Kooxda Xulka Qaranka Talyaaniga ee Kubada Cagta. Xulka Qaranka Talyaaniga ee Basket Ballka, Kuwa Rugby-da, Kuwa Berefka ku Ciyaara ee Ice Hokey-da la yidhaahdo. Iyo qaar kaloo baddanba. Aduunyada oo dhan ayaana isla og in Midabka Buluuga ahi uu yahay Midabka Qaranka Talyaaniga... Hadda ku darsoo Calanka Talyaanigu waa saddex midab oo kala ah, Cagaar iyo Cadaan iyo Casaan... Waxaase ka qiimo baddan oo shacabka Talyaaniga ku dheer Midabka Buluuga.

2. Xidigta Shanta Gees leh iyo Talyaaniga.

Xidigta Shanta gees leh ee Cad, oo Talyaaniga iyo Aduunkuba u yaqaano Xidigtii Talyaaniga (Stella d’Italia). ama Xidigtii Weyneyd ee Talyaaniga (Stellone d'Italia). Waa xidigta keliya ee lagu aqoon sado Talyaanigii hore. Shacabta Talyaaniguna waxay aamin Sanyihiin inay Xidigtaas, Qaranka Talyaaniga Ilaaliso,Difaacdana!. Waa xidig ilaa Boqortooyadii Roomanka ay Talyaanigu ka soo curaafaysan jireen.. Waana Xidigta Astaantooda ah ilaa Maanta. Halkan ka Akhri faahfaahin dheeraada oo xidigtaas ku saabsan.
https://en.wikipedia.org/wiki/Stella_d’Italia.

Haddaba Talyaanigu isagoo dhaqankiisa iyo wixii uu jecelyahay Tix-gelinaaya ayuu Afartii waddan ee uu guumeysan jiray ee Afrika ku yaalay, Saddax ka mida, u sameeyay Astaamo ka kooban Calan Buluug ah iyo Xidig cad oo shan gees leh..wuxuuna ku daray wixii waddamadaasi ay caanka ku ahayeen oo Somaliya wuxuu siiyay, Shabeel oo uu astaantii dhexda kaga sawiray.

Markii UU Xukunka Talyaaniga,Qabsaday, Xisbigii Faashiistaha ee Museliini hogaaminayay,1924-kii. Astaanta waddamadan qaybta sare ee koofiyada Boqortooyadu saaran tahay, wuxuu ku bedelay, Astaan Midab cas leh oo Faashkii uu Xisbigiisu caanka ku ahaana dhexda kaga sawiran yahay. Markii Dagaalkii labbaad ee aduunku dhamaadayna, ee Ingiriisku Qabsaday Waddamadii Talyaanigu Gumaysan jiray, Astaamahoodii waxba kamuu bedelin, ee keliya wuxuu ka tuuray Calaamadii Xisbgii Faashiistaha..

Haddaba Calankaas Buluuga ah iyo Xidigtaas cad ee Lix iyo sagaashanka jir satay, ayaa waxay rag ku andacoonayaan waxaanu sameynay 1954-kii. Hadda 35 SANO Ka hor xiligaas ay sheegayaan ayuu Talyaanigu sameeyay oo ASTAAN uga dhigay Somalida uu guumeysan jiray.

Waxaa keliya ee kuu soo baxayaa waxa weeye, in Maxamed Cawaale illaahay ha u naxariistee uu Astaantii Talyaanigu Somalida u sameeyay Qaybteedii Sare soo gooyey, Shabeelkii dhexda kaga yaaleyna ka jaray. Xidigtii Shanta Gees lahayd ee Talyaanigu ka curaafeysan jirey ee Stella d’Italia.. uu ku sheegay inay Shantii Soomaaliyaad u taagan tahay.. kABAX!
Odaygu Caqli badnaayee!! Allaw kuu Naxariiso..

Haddal iyo dhamaan waxaa halkas ka cad in Calankan Soomaaliya uu sameeyay talyaanigu, Midabka Buluuga ah iyo Xidigta Shanta Gees ahina ay Dhaqankiisa ku arooraan.

W/Q. Suleyman Yusufdhakhtar
Hargeisa Somaliland

Comments

Popular posts from this blog

Somaliland international partners urge political stakeholders to agree on a timely roadmap election.

  For the first time ever, Somaliland's foreign allies have officially spoken out against the extension of President Bihi's tenure by the house of elders by two years. The international partners emphasized the significance of a consensus-driven process that enables elections to be held as soon as possible in a manner consistent with the technical considerations laid out by Somaliland's National Electoral Commission, without specifically stating whether or not the mandate extension was appropriate. In a statement, they urged the political stakeholders to work together constructively to agree on a timely roadmap for the elections for Somaliland’s democratic credibility and stability. The declaration was made only a few days after opposition parties explicitly criticized the house of elders' decision to extend President Bihi's term by two years and stated they would no longer accept him as "a legitimate president" when his term ends on November 13. a

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE.

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE . Waxaan Hargeisa imid iyada oo dalka lagu jirey dhowr bilood 1991-kii. Waxaana an ka bilaabey shaqo mushaharkeedu yahay $400 bishii. Waxey aheyd mushahar uugu sareeya ee xiligaa qof qaadan jirey. Dalku sida uu dhanyahayba qof mushahar qaataa muu jirin, marka laga reebo dhowr qof oo hey’ado u shaqeyn jirey mooyaane. Madaxweyne ilaa Wasiir iyo Taliye Ciidan ilaa Xildhibaanka Golaha Dhexe ee SMN ka tirsanaa, muu jirin qof hal shilin oo mushahar ah qaadan jirey, haddey bil noqoto iyo haddey sannad noqoto iyo afar sanadood noqotaba. Bal adigu ka warran ummad dhan oo dawlad ah, oo ciidan leh oo bileys leh oo wasiiro leh, oo macalimiin leh oo dhakhtaro leh, oo dawladda hoose leh, oo jeel maxaabisi ku xidhantahay leh, oo maxkamado leh, oo idaacad aroor iyo habeenba hadasha leh, oo hadana aanu ku jirin hal qof oo mushahar qaataa. Dadkaasi sida ay dhanyihiin wey soo shaqo tagaan aroor kasta 8-da

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA”

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA” - Guddoomiyaha/ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyey duhurkii Maanta. Muuse Biixi Cabdi oo kolkii la soo dhaweeyey kaddib fagaare kala hadlay Taageerayasha soo dhaweeyey, ayaa u mahad naqay bulshada reer Burco ee halkan ku soo dhaweeyey, isagoo ku hambalyeeyey doorka ay kaga jiraan guulaha xisbiga Kulmiye tan iyo markii la aasaasay . guddoomiyaha ayaa sidoo kale shacbiga Gobolka Togdheer ku booriyey inay ka qayb-qaataan diwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee laga bilaabayo Gobolka Togdheer. waxaan salaan idiinka sidaa Madaxweynaha Somaliland, aasaasihii Kulmiye, guddoomiyihii SNM ee halganka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo Shacbiga la hadlayey. ” waxa kale oo aan idiinka mahad naqaya codkii