Skip to main content

Sharafta iyo Hungurigu Meel Ma Wada Galaan. Qalinkii ;Aqoonyahan Mohamed Ali bile “Bile aqoonta u adeegta Nolasha



Qalinkii ;Aqoonyahan Mohamed Ali bile
“Bile aqoonta u adeegta Nolasha


Mohamed Abdiraxman (Lugooyo) AHUN, wuxu ahaa nin fara badan – Sarkaal ciidan, Abwan, Siyaasi iyo Bulshaawiba. Waxan an wada shaqeyn jirney 1995 illaa 1997 oo xiligaa an diyaarin jirney manhajka dugsiyada. Isagu waxa uu madax u ahaa gudigii qorayey buugaagta Culuumta Bulshada. Intaa ka sakow waxa uu naga caawin jirey arimaha dawladda naga gala maadaama uu ahaa saaxiib aad uugu dhow madaxweynihii markaa joogey ee Mohamed Ibrahim Cigal (AHUN). Wax kasta oo carqalad ah oo naga horymaada isaga ayaan kala tashan jirney oo soo dhameyn jirey.
 Dadka mashruucan manhajka ka shaqeeyn jirey oo tiradoodu aheyd illaa 100 qof waxa ay qaadan jireen mushahar an u maleynayo inu ahaa $300 bishii. Maalin maalmaha ka mida ayuu Mohamed Abdirahman ii yeedhey aniga oo mashruuca hawlwadeen ka ahaa iyo Abdillahi Yassin “Abdillahi Shaandho” oo madax ka ahaa Xarunta Horumarinta Manaahiijta ee Hargeisa, wuxuuna naga codsadey inaan laba bilood mushaharkiisa u sii qadinno maadaama uu tegeyo Jabuuti oo uu isku soo daweynayo.
 Mohamed waxa uu in badan nooga sheekeyn jirey xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya isaga iyo madaxweynaha. Wuxu noo sheegey in maalmaha uu isku yara buuqsanyahay ina Cigaal uu odhan jirey waar kii Lugooyo iigu yeedha. Lugooyo oo ahaa nin aad u bulshey ah wey sheekeysan jireen oo wuxu ahaa ninka uu madaxweynuhu ku nafiso ee ay si saaxiibtinimo ah u sheekeystaan.
 Lugooyo ayaan ku idhi waar ninkaagii an islahaa madaxweynaha isagaa uugu dhow oo manta waxa uu uuga baahdo intey doonto ha leekaate uu siinayaa, waa maxay dhowrkan boqol ee doolar ee horumarinta ah ee ad na weydiineysaa. Xaajiga u tag oo kharashka safarka iyo ka dhakhtarkaba ka soo qaadh.
 Lugooyo intuu nagu qosley ayuu sheeko noo galay. Wuxu yidhi u maleyn mayo inu noolyahay qof ibnu aadam ah oo madaxweynaha iiga dhow. Waxa dhacdey ayuu yidhi maalin anaga oo madaxweynaha la fadhina oo ay joogaan odayaal iyo Wasiirro ayuu madaxweynuhu nin siyaasi ah ka cawdey isaga oo cadheysan. Markuu madaxweynihii hadalkii dhameeyey ayaan ku idhi buu yidhi, waar ina Ibraahinow kibir ayaa ku hayaa ee ninkaa hebel ah adaa ka gardaran ee meel fadhiiso. Cigaal oo markii uu hadlayey hadalkiisu dalacnaa oo xanaaqsanaa, ayaa markii an hadalkaa ku idhi inta uu dib u fadhiistey yidhi, maxaan ku gardaranahay?.  Odayaasha iyo wasiirada meesha fadhiyaa indhaha ayay taageen sida an u wada hadleyno. Waxan ku idhi ayuu yidhi, ninkaasi si hagar la’aan ah ayuu kuula shaqeeyey, adna markii ad ka dan dhameysatey ayaad iminka cidlo kaga tagtey. Waa abaalkaa hadduu manta kaa soo horjeesto. Markii uu hadalkii cabbaar socdey ee la kala tagayey, ayuu madaxweynihii yidhi waar ina Cabdirahmaanow ha tegin ee I sug. Markey dadkii kale baxeen ayuu ku yidhi, waar bal ninka la soo hadal oo waxan uu tabanayo weydii.
 Wuxu yidhi, muu jirin qof ina Cigaal runta u sheega oo si toos ah uula hadlaa. Sababta ay Lugooyo uugu suuragasheyna inu sidaa yeelaana wuxu ku sifeeyey isaga oo aan wax weydiisan jirin. Wuxu yidhi dadkan kale oo dhami dan ayay ka leeyihiin oo waxbey ka rabaan. Qaarna waa dawladiisa oo wuxu yidha haa mooyee hadal kuma soo celiyaan. Wax si caadi ah uula hadla anaa jira ayuu yidhi waayo horena wax uugamaan qaadan iminkana wax kama rabo. Wuxu yidhi habeenada qaarkood ayaa marka an ka soo baxo een isasoo macasalaameyno an u sii lugeeyaa gurigeyga oo ku yaalla Xero Awr. Waana taasi ta an kaga adkaadey waayo haddii an wax weydiisan lahaa imuu ixtiraameen. Markaa ninkeygaa ad aragtaan ee madaxweynaha ay saaxiibka yihiin, waxa an sahey ka sii dhiganayaa waa mushaharkaa ad ii sii qadimeysaan.
Markii uu geeriyoodey Mohamed Abdirahman (AHUN), waxa lagu aasey meel u dhow “Badhka” (meeshii dadka lagu toodan jirey) oo dad badan oo an ku jiraa ay ka soo qeyb galeen. Xabaasha markii la qodayey dadkii u soo horeeyey waxa ka mid ahaa madaxweyne Cigal iyo Mohamed Abdirahman aabihii. Markii meydka xabaasha lagu foorariyey, ayuu Cigaal yidhi, walle ninraggaa manta baxay  Sheekada wax iiga soo baxay, in sharafta iyo hungurigu aaney meel wada gelin.

Comments

Popular posts from this blog

Somaliland international partners urge political stakeholders to agree on a timely roadmap election.

  For the first time ever, Somaliland's foreign allies have officially spoken out against the extension of President Bihi's tenure by the house of elders by two years. The international partners emphasized the significance of a consensus-driven process that enables elections to be held as soon as possible in a manner consistent with the technical considerations laid out by Somaliland's National Electoral Commission, without specifically stating whether or not the mandate extension was appropriate. In a statement, they urged the political stakeholders to work together constructively to agree on a timely roadmap for the elections for Somaliland’s democratic credibility and stability. The declaration was made only a few days after opposition parties explicitly criticized the house of elders' decision to extend President Bihi's term by two years and stated they would no longer accept him as "a legitimate president" when his term ends on November 13. a

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE.

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE . Waxaan Hargeisa imid iyada oo dalka lagu jirey dhowr bilood 1991-kii. Waxaana an ka bilaabey shaqo mushaharkeedu yahay $400 bishii. Waxey aheyd mushahar uugu sareeya ee xiligaa qof qaadan jirey. Dalku sida uu dhanyahayba qof mushahar qaataa muu jirin, marka laga reebo dhowr qof oo hey’ado u shaqeyn jirey mooyaane. Madaxweyne ilaa Wasiir iyo Taliye Ciidan ilaa Xildhibaanka Golaha Dhexe ee SMN ka tirsanaa, muu jirin qof hal shilin oo mushahar ah qaadan jirey, haddey bil noqoto iyo haddey sannad noqoto iyo afar sanadood noqotaba. Bal adigu ka warran ummad dhan oo dawlad ah, oo ciidan leh oo bileys leh oo wasiiro leh, oo macalimiin leh oo dhakhtaro leh, oo dawladda hoose leh, oo jeel maxaabisi ku xidhantahay leh, oo maxkamado leh, oo idaacad aroor iyo habeenba hadasha leh, oo hadana aanu ku jirin hal qof oo mushahar qaataa. Dadkaasi sida ay dhanyihiin wey soo shaqo tagaan aroor kasta 8-da

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA”

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA” - Guddoomiyaha/ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyey duhurkii Maanta. Muuse Biixi Cabdi oo kolkii la soo dhaweeyey kaddib fagaare kala hadlay Taageerayasha soo dhaweeyey, ayaa u mahad naqay bulshada reer Burco ee halkan ku soo dhaweeyey, isagoo ku hambalyeeyey doorka ay kaga jiraan guulaha xisbiga Kulmiye tan iyo markii la aasaasay . guddoomiyaha ayaa sidoo kale shacbiga Gobolka Togdheer ku booriyey inay ka qayb-qaataan diwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee laga bilaabayo Gobolka Togdheer. waxaan salaan idiinka sidaa Madaxweynaha Somaliland, aasaasihii Kulmiye, guddoomiyihii SNM ee halganka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo Shacbiga la hadlayey. ” waxa kale oo aan idiinka mahad naqaya codkii