Skip to main content

1. Inta ad yartahay khatar badan qaado oo meeluun ha fadhiyin. Noloshu xagga danbe wey ka adagtaa gaar ahaan markaad reer iyo caruur yeelato. Kol haddey reer iyo caruur iyo rimoodh kugu xidhmaan fuleynimada ayaa kugu badaneysa oo waxad is odhaneysaa haddaad halkan ka dhaqaaqdo tolow yaa biilka keeni. Intaa ka horeysa meel kasta ka bood. Meeluun haku banjarin oo nafta ha u baqan. Hadday meel kugu xumaato iskaga tag. Samirku uu fiicanyahay, balse samirka badani waa nacasnimo. 2. Maadad ama farsamo ha u baran wey fiicantahay ama waa la jecelyahay awgeed ama lacag ayaa lagu helaa. Ha ku dayan dad kale oo kuu amaanna waxa ay barteen. Baro maadadda ad xiisaha badan u heyso ee ad ogtahay inad ku fiicnaan doonto. Shariciga baro hebelba lacag ayuu ka dhergey ama dhakhtar noqo waa lagugu ixtiraami awgeed ha u baran. Waxa ka fiican adoo barta maaddada ad xiisaha u heyso. Wax laguu ammaaney ama ad qof kaga dayatey xattaa haddaad ku shaqeysato kuma faraxsanaaneysid. Waa run oo waxa jiraa maadado shaqo lagu heli ogyahay, balse haddii aaney aheyn mid ad xiiso u heysa ama ad hiwaayad u leedahay, wax badan ku tari meysid 3. Wakhtigu laba shay uun hakaaga lumo: inad wax baraneyso iyo inad shaqeyneyso oo dakhli wanaagan ku soo gelayo. Waxa labadaa sii dheer shaqo aan lacag badneyn balse khibrad wanaagsan ad ka heleyso oo ad ku faraxsantahay. Shaqada ad heysaa haddii aaney lacag fiican laheyn, ama aanad waaya aragnimo ad la dhacsantahay ka heleyn, iskaga tag oo wakhti ha iska lumin. Xataa marka ay shaqadu lacag fiican leedahay, adoo ku jira hadana dhinaca ka wad tacliin korodhsi, waayo aqoonta yar ee ad iminka la ordeysaa, muddo ka dib waa laga baxayaa oo meel cidlo ah ayaa lagaaga tegeyaa. Adoo dhalinyaro ah, calooshaada oo keliya ha u shaqeysan ee sees adag u samee nolosha. 4. Dadka haya waxa ad rabto iyo halka ay joogaan baro. Waxa ad inta badan la macaamishaa waa asxaabtaada, waana kuwo ad isku jiil tihiin oo u badan dad ad isku duruuf tihiin. Waa qaar iyaba u baahan waxa ad adiguba u baahantahay. Markaa talo mooyee wax badan kugu biirin mayaan. Bal inta ad nafta la showrto, isweydii dadka haya ama kuu sheegi kara waxa ad rabtaa halka uu yaalo iyo sida lagu heli karo. Masalan haddaad dooneyso inad ku shaqeyso aqoonta bangiyada, balse ad maalin oo dhan wada socotaan dhalinyaro sidaada oo kale ah oo aan shaqo heyn ama dhalinyaro kale oo meelo kale ka shaqeeya, sidey suuro gal u tahay inad bangi shaqo ka hesho. Raadi cid ama bangiyada ka shaqeysa ama cid cidaa sii garaneysa oo iskiin barta. 5. Adduunka melena ma jirto shaqo lagu bixiyo aqoon iyo maxaad taqaan oo keliya. Waxa uugu wanaagsan ee shaqo lagu helaa waa aqoontaada oo lagu daray ayaad taqaan. Laba qof oo isku aqoon ah waxa shaqada hor helaya ka la garanayo ama qof garanaya la garanayo. Waa inu qof yidhaa anaa garanaya oo anaa la shaqeeyey ama arkey isaga ama iyada oo shaqeynaya oo uu fiicanyahay. Dabcan qofkan ku garanaya waa inu yahay qof la aaminsanyahay oo laga danbeeyo aqoon ahaan ama shaqo ahaan. Shabakadaada balaadhi oo xidhiidh la sameyso dadka ad isleedahay waa lagu ixtiraama aqoonta ama shaqada. Adduunka melena ma dhacdo shaqo aqoon keliya la isku siiyaa. 6. Kumanaan ardey ah ayaa sanad kasta jaamacado ka qalinjebiya, balse dhowr boqol oo shaqo ayaa haddii ay u bataan furma. Inta kale xagey tegi haddii shaqo doon uun la wada noqdo. Ka fikir inad adiguba shaqo abuurto. Ka fikir shaqo ad adiga iyo saaxiibadaa haddaad isku tagtaan ad qaban kartaan. Hawl kastaa bilowga ayay adagtahay, balse marka ad bilowga hore dhaafto, wey isku dubba dhaceysaa. Dadka ad aragtey ee shirkadaha waaweyn leh meelo yaryar oo soke ayay ka bilaabeen. Intad ad cid uun u shaqeyn laheyd, ka fikir inad adigu shaqeysato oo weliba adiga laguu shaqeeyo. Wax weyn haka fikirin oo ha is odhan dahabshiil oo kale noqo. Wax yar ka fikir oo aan cidiba sida uuga fikireyn. Wax iminka ay dad xeyraan ihi ku shaqeystaan yara casriyee oo shaqo sharafle u bedel. 7. Dalkaagu waa dalkaagii waanad jeceshahay. Balse haku indho beelin ee shaqo raadiskaaga ballaadhi. Masalan eeg meelaha laga eego shaqooyinka jigjiga ama Puntland ama Soomaaliya amaba Nairobi, ama Yemen oo iminka shaqooyin badani ka furmayaan. Waa laga yaabaa inad qodobkan meelo ka booddo, balse waa xaqiiq ay tahay inaad aqbasho. Adiga waxa kuu darán inad bilowga hore madaxa shaqo la gasho. Hadhow markaad isku dubbadhacdo adiga kala doran meelaha ad ka shaqeyneyso. Balse marka hore, meel kasta gal, oo qolqol joognimada iyo qalada ka bax. 8. Aqoonta iyo xifadda aad taqaan, hoos uga sii dhaadhac oo xifad kuu sii gaara oo lagugu yaqaan sameyso si marka arinkaa loo baahdo loo yidhaa heblaayo ama hebel inoo doona. Masalan, ku caan bax inaad tahay qof shirarka iyo siminaaradda si hufan u hagi kara oo ciddii siminaar sameyneysaaba tidhaa inoogu yeedha ha inoo hagee. Maaddo guud iyo tacliin ay kumanaan kale kula soo barteen oo keliya hala meereysan. Wax yar oo kuu gaar ah iyo xirfad lagaaga danbeeyo yeelo. 9. Macluumaadka ad rabtaa marar badan wuxu la yaala dad caadi ah oo aad marar badan indhaha ka laliso ood yareysato. Waxa dhici karta inaad dadwaaweyn iyo wasiirro barashadood ku mashquusho. Marka ad halgameyso dadka waaweyni kuumaba jeedaan oo uuma tirsanid ee wakhti ha iskaga lumin. Dadkan ad dhaafdhaafeyso ayay fikrado badani ku jiraan. Qaar ad dabeecadooda diidantahay ama hab nololeedkooda ayaa laga yaaba iney wax badan kugu kordhin karaan. Sidaa darteed, dadka cawlan ama adiga kaa duwan ama aan madax u muuqan ha quudhsan ee dhageyso oo wax weydii. 10. Weligaa ha is dhiibin. Haddey baddu kula sii degeyso oo madax ku soo jeedo, is diidsii inaad is dhiibto. Noloshu heer kasta oo ad mareyso wey adagtahay. Shaqo la’aan. Waalidkaa oo da’ ah oonad weli u shaqeyn oo ad is qoomameyneyso. Qeyrkaa oo nolol wanaagsan galay ood isleedahay tolow miyaad falantahay adigu, goormaad guursan ood guri yeelan waadigan bariiskii la halgamaye. Waxan oo dhami adiga uun kuguma gaar aha ee waa la soo wada marey. Maalinbaa iman doonta inta ad waxaas oo dhan ka baxdo ad dib u xusuusan doonto ood odhan doonto oo ileyn haddaan maalintaa niyad jabi lahaa oon is dhiibi lahaa maanta halkan maan soo gaadheen. Sidaa darteed, haddey dunidu dhan kasta ka soo roganto oo ay kugu adkaato ka isdhiibin. Noloshii iyo wanaagii wey kuu danbeeyaan. Ilaaheyna Aamin.



20 Jir... illaa 30 .....10 Cashar Oonu Macalinkaagu Kuu Sheegin
W/Q; Aqoonyahan Mohamed Ali Bile…Bile aqoonta u adeegta Nolasha!



1. Inta ad yartahay khatar badan qaado oo meeluun ha fadhiyin. Noloshu xagga danbe wey ka adagtaa gaar ahaan markaad reer iyo caruur yeelato. Kol haddey reer iyo caruur iyo rimoodh kugu xidhmaan fuleynimada ayaa kugu badaneysa oo waxad is odhaneysaa haddaad halkan ka dhaqaaqdo tolow yaa biilka keeni. Intaa ka horeysa meel kasta ka bood. Meeluun haku banjarin oo nafta ha u baqan. Hadday meel kugu xumaato iskaga tag. Samirku uu fiicanyahay, balse samirka badani waa nacasnimo.

2. Maadad ama farsamo ha u baran wey fiicantahay ama waa la jecelyahay awgeed ama lacag ayaa lagu helaa. Ha ku dayan dad kale oo kuu amaanna waxa ay barteen. Baro maadadda ad xiisaha badan u heyso ee ad ogtahay inad ku fiicnaan doonto. Shariciga baro hebelba lacag ayuu ka dhergey ama dhakhtar noqo waa lagugu ixtiraami awgeed ha u baran. Waxa ka fiican adoo barta maaddada ad xiisaha u heyso. Wax laguu ammaaney ama ad qof kaga dayatey xattaa haddaad ku shaqeysato kuma faraxsanaaneysid. Waa run oo waxa jiraa maadado shaqo lagu heli ogyahay, balse haddii aaney aheyn mid ad xiiso u heysa ama ad hiwaayad u leedahay, wax badan ku tari meysid
3. Wakhtigu laba shay uun hakaaga lumo: inad wax baraneyso iyo inad shaqeyneyso oo dakhli wanaagan ku soo gelayo. Waxa labadaa sii dheer shaqo aan lacag badneyn balse khibrad wanaagsan ad ka heleyso oo ad ku faraxsantahay. Shaqada ad heysaa haddii aaney lacag fiican laheyn, ama aanad waaya aragnimo ad la dhacsantahay ka heleyn, iskaga tag oo wakhti ha iska lumin. Xataa marka ay shaqadu lacag fiican leedahay, adoo ku jira hadana dhinaca ka wad tacliin korodhsi, waayo aqoonta yar ee ad iminka la ordeysaa, muddo ka dib waa laga baxayaa oo meel cidlo ah ayaa lagaaga tegeyaa. Adoo dhalinyaro ah, calooshaada oo keliya ha u shaqeysan ee sees adag u samee nolosha.
4. Dadka haya waxa ad rabto iyo halka ay joogaan baro. Waxa ad inta badan la macaamishaa waa asxaabtaada, waana kuwo ad isku jiil tihiin oo u badan dad ad isku duruuf tihiin. Waa qaar iyaba u baahan waxa ad adiguba u baahantahay. Markaa talo mooyee wax badan kugu biirin mayaan. Bal inta ad nafta la showrto, isweydii dadka haya ama kuu sheegi kara waxa ad rabtaa halka uu yaalo iyo sida lagu heli karo. Masalan haddaad dooneyso inad ku shaqeyso aqoonta bangiyada, balse ad maalin oo dhan wada socotaan dhalinyaro sidaada oo kale ah oo aan shaqo heyn ama dhalinyaro kale oo meelo kale ka shaqeeya, sidey suuro gal u tahay inad bangi shaqo ka hesho. Raadi cid ama bangiyada ka shaqeysa ama cid cidaa sii garaneysa oo iskiin barta.

5. Adduunka melena ma jirto shaqo lagu bixiyo aqoon iyo maxaad taqaan oo keliya. Waxa uugu wanaagsan ee shaqo lagu helaa waa aqoontaada oo lagu daray ayaad taqaan. Laba qof oo isku aqoon ah waxa shaqada hor helaya ka la garanayo ama qof garanaya la garanayo. Waa inu qof yidhaa anaa garanaya oo anaa la shaqeeyey ama arkey isaga ama iyada oo shaqeynaya oo uu fiicanyahay. Dabcan qofkan ku garanaya waa inu yahay qof la aaminsanyahay oo laga danbeeyo aqoon ahaan ama shaqo ahaan. Shabakadaada balaadhi oo xidhiidh la sameyso dadka ad isleedahay waa lagu ixtiraama aqoonta ama shaqada. Adduunka melena ma dhacdo shaqo aqoon keliya la isku siiyaa.
6. Kumanaan ardey ah ayaa sanad kasta jaamacado ka qalinjebiya, balse dhowr boqol oo shaqo ayaa haddii ay u bataan furma. Inta kale xagey tegi haddii shaqo doon uun la wada noqdo. Ka fikir inad adiguba shaqo abuurto. Ka fikir shaqo ad adiga iyo saaxiibadaa haddaad isku tagtaan ad qaban kartaan. Hawl kastaa bilowga ayay adagtahay, balse marka ad bilowga hore dhaafto, wey isku dubba dhaceysaa. Dadka ad aragtey ee shirkadaha waaweyn leh meelo yaryar oo soke ayay ka bilaabeen. Intad ad cid uun u shaqeyn laheyd, ka fikir inad adigu shaqeysato oo weliba adiga laguu shaqeeyo. Wax weyn haka fikirin oo ha is odhan dahabshiil oo kale noqo. Wax yar ka fikir oo aan cidiba sida uuga fikireyn. Wax iminka ay dad xeyraan ihi ku shaqeystaan yara casriyee oo shaqo sharafle u bedel.

7. Dalkaagu waa dalkaagii waanad jeceshahay. Balse haku indho beelin ee shaqo raadiskaaga ballaadhi. Masalan eeg meelaha laga eego shaqooyinka jigjiga ama Puntland ama Soomaaliya amaba Nairobi, ama Yemen oo iminka shaqooyin badani ka furmayaan. Waa laga yaabaa inad qodobkan meelo ka booddo, balse waa xaqiiq ay tahay inaad aqbasho. Adiga waxa kuu darán inad bilowga hore madaxa shaqo la gasho. Hadhow markaad isku dubbadhacdo adiga kala doran meelaha ad ka shaqeyneyso. Balse marka hore, meel kasta gal, oo qolqol joognimada iyo qalada ka bax.   
8. Aqoonta iyo xifadda aad taqaan, hoos uga sii dhaadhac oo xifad kuu sii gaara oo lagugu yaqaan sameyso si marka arinkaa loo baahdo loo yidhaa heblaayo ama hebel inoo doona. Masalan, ku caan bax inaad tahay qof shirarka iyo siminaaradda si hufan u hagi kara oo ciddii siminaar sameyneysaaba tidhaa inoogu yeedha ha inoo hagee. Maaddo guud iyo tacliin ay kumanaan kale kula soo barteen oo keliya hala meereysan. Wax yar oo kuu gaar ah iyo xirfad lagaaga danbeeyo yeelo.
9. Macluumaadka ad rabtaa marar badan wuxu la yaala dad caadi ah oo aad marar badan indhaha ka laliso ood yareysato. Waxa dhici karta inaad dadwaaweyn iyo wasiirro barashadood ku mashquusho. Marka ad halgameyso dadka waaweyni kuumaba jeedaan oo uuma tirsanid ee wakhti ha iskaga lumin. Dadkan ad dhaafdhaafeyso ayay fikrado badani ku jiraan. Qaar ad dabeecadooda diidantahay ama hab nololeedkooda ayaa laga yaaba iney wax badan kugu kordhin karaan. Sidaa darteed, dadka cawlan ama adiga kaa duwan ama aan madax u muuqan ha quudhsan ee dhageyso oo wax weydii.


10. Weligaa ha is dhiibin. Haddey baddu kula sii degeyso oo madax ku soo jeedo, is diidsii inaad is dhiibto. Noloshu heer kasta oo ad mareyso wey adagtahay. Shaqo la’aan. Waalidkaa oo da’ ah oonad weli u shaqeyn oo ad is qoomameyneyso. Qeyrkaa oo nolol wanaagsan galay ood isleedahay tolow miyaad falantahay adigu, goormaad guursan ood guri yeelan waadigan bariiskii la halgamaye. Waxan oo dhami adiga uun kuguma gaar aha ee waa la soo wada marey. Maalinbaa iman doonta inta ad waxaas oo dhan ka baxdo ad dib u xusuusan doonto ood odhan doonto oo ileyn haddaan maalintaa niyad jabi lahaa oon is dhiibi lahaa maanta halkan maan soo gaadheen. Sidaa darteed, haddey dunidu dhan kasta ka soo roganto oo ay kugu adkaato ka isdhiibin. Noloshii iyo wanaagii wey kuu danbeeyaan. Ilaaheyna Aamin.


Comments

Popular posts from this blog

Somaliland international partners urge political stakeholders to agree on a timely roadmap election.

  For the first time ever, Somaliland's foreign allies have officially spoken out against the extension of President Bihi's tenure by the house of elders by two years. The international partners emphasized the significance of a consensus-driven process that enables elections to be held as soon as possible in a manner consistent with the technical considerations laid out by Somaliland's National Electoral Commission, without specifically stating whether or not the mandate extension was appropriate. In a statement, they urged the political stakeholders to work together constructively to agree on a timely roadmap for the elections for Somaliland’s democratic credibility and stability. The declaration was made only a few days after opposition parties explicitly criticized the house of elders' decision to extend President Bihi's term by two years and stated they would no longer accept him as "a legitimate president" when his term ends on November 13. a

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE.

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE . Waxaan Hargeisa imid iyada oo dalka lagu jirey dhowr bilood 1991-kii. Waxaana an ka bilaabey shaqo mushaharkeedu yahay $400 bishii. Waxey aheyd mushahar uugu sareeya ee xiligaa qof qaadan jirey. Dalku sida uu dhanyahayba qof mushahar qaataa muu jirin, marka laga reebo dhowr qof oo hey’ado u shaqeyn jirey mooyaane. Madaxweyne ilaa Wasiir iyo Taliye Ciidan ilaa Xildhibaanka Golaha Dhexe ee SMN ka tirsanaa, muu jirin qof hal shilin oo mushahar ah qaadan jirey, haddey bil noqoto iyo haddey sannad noqoto iyo afar sanadood noqotaba. Bal adigu ka warran ummad dhan oo dawlad ah, oo ciidan leh oo bileys leh oo wasiiro leh, oo macalimiin leh oo dhakhtaro leh, oo dawladda hoose leh, oo jeel maxaabisi ku xidhantahay leh, oo maxkamado leh, oo idaacad aroor iyo habeenba hadasha leh, oo hadana aanu ku jirin hal qof oo mushahar qaataa. Dadkaasi sida ay dhanyihiin wey soo shaqo tagaan aroor kasta 8-da

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA”

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA” - Guddoomiyaha/ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyey duhurkii Maanta. Muuse Biixi Cabdi oo kolkii la soo dhaweeyey kaddib fagaare kala hadlay Taageerayasha soo dhaweeyey, ayaa u mahad naqay bulshada reer Burco ee halkan ku soo dhaweeyey, isagoo ku hambalyeeyey doorka ay kaga jiraan guulaha xisbiga Kulmiye tan iyo markii la aasaasay . guddoomiyaha ayaa sidoo kale shacbiga Gobolka Togdheer ku booriyey inay ka qayb-qaataan diwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee laga bilaabayo Gobolka Togdheer. waxaan salaan idiinka sidaa Madaxweynaha Somaliland, aasaasihii Kulmiye, guddoomiyihii SNM ee halganka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo Shacbiga la hadlayey. ” waxa kale oo aan idiinka mahad naqaya codkii