Hillary
Clinton Oo Bandhig Siyaasadeed Wanaagsan Ka Muujisay Dooddii Xalay –
Xoghayihii hore ee arrimaha dibedda
Mareykanka Hillary Clinton, ayaa la rumeysan yahay inay bandhig siyaasadeed
wanaagsan ka muujisay dooddii xalay ee musharaxiinta xisbiga Dimuqraadiga,
waxaana dadka siyaasadda taxliiliya ay sheegayaan in taasi ay kusii adkeyn
karto madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Joe Biden, inuu xilli dambe soo galo
loolanka 2016-ka.
Biden ayaa
waxaa la filayaa inuu maalmo gudahood go’aan kaga gaaro inuu tartanka kusoo
biirayo iyo in kale. Tallaabadaas waxa ay isku shaandheyn doontaa loolanka
xisbiga dimuqraadiga dhexdiisa ah, halkaasi oo Clinton ay la xarbineysay inay
iska riixdo fadeexadda email-ka iyo loolan adag oo lama filaan ah oo kaga
imanaya dhinaca senator Bernie Sanders oo laga soo doorto gobolka Vermont.Sanders
iyo Clinton ayaa ahaa diiradda kowaad ee dooddii
dimuqraadiga ee habeennimadii talaadada.
Clinton ma aysan muujin wax niyad
jab ah, waxa ay weerartay Sanders, waxayna u muuqatay inay jug xooggan ku
gaarsiisey arrimo ay ka mid yihiin xakameynta hubka iyo siyaasadda dhaqaalaha.
“Gacanta ay ku heysay arrimaha, way
deganeyd waxaana ka muuqatay kalsooni, si wanaagsan ayayna diiradda u saareysay
arrimaha” waxaa sidaas VOA u sheegay Craig Varoga oo ah Istaraatiijiiste
dimuqraadi ah.
Bandhig siyaasadeedkaas wanaagsan ee
xalay ay dooda ka sameysay darted, rajada laga qabay in Biden uu tartanka soo
galo way sii yaraatay, sida ay lee yihiin siyaasad taxliiliyayaasha.
E-mail: Samater2013@gmail.com
Fb: Abdiasiis Jama Haji Cami
Hargeisa Somaliland
-
Comments
Post a Comment