Wednesday, 14 October 2015

uddoomiyaha Komishanka Maamul-wanaaga iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa oo Soo Bandhigay Deraasad Ay Kasameeyeen Musuqa iyo maamul-xumada regaadiyey Qaranka Somaliland



Awoodihii Aanu Musuqa Kula Dagaalami Lahayn Waa La Rifay Oo Waxanu Arkaynaa Mas’uuliyiiin Iyaga Oo Shaadh & Surwaal Xidhan [Xilka] Loo Dhiibay, Maantana Hanti Badan Leh”


Musuqmaasaqa Waxaa Ka Mid Ah Saacadaha Shaqada Dawladda Oo La Lumiyo, Waxa  Ka Mid Ah Eeda & Qaraabo-kiilka, Waxaa Kale Oo Ka Mid Ah Ku Takri-falka Awoodda Mas’uulka”


Guddoomiyaha Komishanka Maamul-wanaaga iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa oo Soo Bandhigay Deraasad Ay Kasameeyeen Musuqa iyo maamul-xumada regaadiyey Qaranka Somaliland


Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha Komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa Somaliland Md. Axmed Muxumed Madar ayaa warasi dhinacyo badan taabanaya oo uu siiyey todobaadkan barnaamijka ka baxa Universal TV ee Milicsiga Siyaasiga waxaa uu kaga warramay taariikhda hay’adiisa iyo waxyaabaha laga filayay in ay wax ka qabato ee aan hirgelin. Barnaamijkan oo uu soo saare ka yahay weriye Feysal Fadhfadhle ayaa guddoomiye Axmed Muxumed Madar kaga jawaabay su;aalo door ah oo la xidhiidhay hay’addiisa iyo sharciyadda ay ku shaqayso oo uu sheegay in muddo saddex sanno ah dhaqangelinteedu u xanibnayd hawlo badan oo u qorshaysnaa. Barnaamijkaas oo Wargeyska Hubaal qaybo ka mid ah idiinka soo xulay isla markaan su;aalihii la weydiiyey iyo jawaabahaoodii oo uu soo koob koobay idiin soo diyaariyey ayaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa ee nala wadaaga. Weydiimaha guddoomiyaha la weydiiyey waxaa kamid ah “Illaa hadda ma jiraa wax musuqmaasuq ah oo aad cid ku qabateen oo aanu tusno dadka?”
hay’adani may ahayn mid hore u jirtay oo waa hay’ad la dhalatay xukuumaddan KULMIYe uu dhisay, horena waxaa aynu u haynay odhaah amma maahmaah soomaaliyeed oo odhanaysa ‘musuqmaasuq waa soomaali meheradeeda’, runtii maahmaahdaasi Soomaalida uma gaar aha laakiin innaga uun baa Is garanaynay oo isu sheegaynay marka sidaas la leeyahay  waana aafo qaran oo dunida oo dhan ku baahsan kuwo wax haysta iyo kuwo aan wax haysanba. Haddii aan su;aashaada u soo noqdo hay;addani waa curdin, horena waxaa u jiray hay’ado kale shaqadan oo kale sameeya sida xisaabiyaha guud, baarlamaankeena oo toban jirsaday isaguna waxaa uu lahaa guddida daba galka iyo ilaalinta hantida qaranka”. Sidaas ayuu yidhi guddoomiyaha komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasaqu Muj. Axmed Muxumed Madar, waxaana uu intaa ku daray “ haddaan si gaaban kaagaga jawaabo su’aashaada, hawlgallo waanu galnay laakiin cid aanu illaa hadda maxakamad ku soo taagnay wax musuq ahi ma jiro sababuhuna waxaa weeye hay’addii oo ah mid dhismaysa iyo shaqaallihii oo aan lahayn awooddii ay ku daba geli lahaayeen hay;daha dawladda”. Mar guddoomiyuhu ka jawaabayay su;aal laga weydiiyey isu ekaanshaha shaqada xafiiskooda iyo xafiiska hanta dhawrka qaranka oo mararka qaarkood la isku qaldo shaqadooda, waxaa uu yidhi guddoomiyuhu “xafiiskaasi waxaa uu ahaa mid naga horeeyey oo soo jiray dawladihii hore intii ay jireen oo dhan waxaanu ahaa xafiis jira oo marba heer marayay. Sharciyada xafiiskaasi marka la eego iyo annaga meel aanu iska soo galayno oo shaqada aanu iskaga mid noqonaynaa waa ay jirtaa meello aanaan isku soo faro gelinayn oo aanu ku kala duwannahayna waa ay jiraan. Horta labadayaduba hanti ummadeed uun baanu ilaalinaynaa  laakiin lMarkaanu sharcigayga iyo kooda aanu isu eegno waxaa  ay taayadu tahay sida loo dhigay  in xataa xafiiskayagu uu yeesho awood hanta-dhawrka [audit] laftiisa aanu baadhno oo aanu eegno hawlaha uu qabanayo iyo sida uu u qabanayo ayaan darro se markaanu sharciyadayadii oo aanu la ka kaashanay dad aqoon u leh oo aanu samayntiisa ka soo minguurinay shuruucda caalamka ee aanu  qabyo-tirkiisa [draft] u gudbinay golaha xukuumadda [golaha wasiirrada] waxaa dhacday in mudadii ay sharciyadu naga maqnayd ay dheeraatay, oo waxaanu gudbinay dabayaaqadii 2010-kii, waxaase uu xeerkaasi ka soo baxay golaha wakiillada oo madaxweynuhu dhaqan geliyey 2013-kii,  mudadaasna waxaa uu xeerku dhex yaallayay oo uu dhex marayay golaha xukuumadda iyo golaha wakiillada  iyo golaha guurtida oo markii dembe loo gudbiyay, mudadaas ay qaadatay ka sokow waxaa dhacday in qaabkii aanu u dhignay xeerka ee aanu samaynay wax badan laga beddelay  oo laga rifay, sidaasi ayaanu immika ku shaqaynaa” ayuu guddoomiyuhu hadalkiisa ku ladhay.

Fb:Abdiasiis jama Haji Cami
Hargeisa Hargeisa


No comments:

Post a Comment

Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...