Saaxiibkey Cawke, Saaxiibkii Mikrofoonka
Allah ha u naxariisto, Axmed Xasan
Cawke, in badan ayaan war isla qorsheynay, isla qornay oo isla
qaabeeynay. Aad ayay ii dhibeysaa in aan maanta qalinka u qaado in qoro
wax ka qoro Cawke aniga oo adeegsanaya fal tagto ah sida wuxuu ahaa…
Xaqiiqadu waxay tahay Axmed in uu ahaa nin mihnaddiisa
ku sameeyay magac aad u weyn, magaca ugu weyn ee laga sameyn karo. In uu ahaa
nin qoys unkay oo barbaariyay, nin saaxiibbo badan kasbaday nin dad badani ay
aqoon guud ka kororsadeen nus qarnigii uu saxaafadda ka shaqeynayay inta
badanna uu kaalin hormuud ah uga jiray. Markaa waxaan u arkaa nin xusuusta laga
qabi karaa ay tahay mid isugu jirta, wanaag, farxad, ku dayasho xagga horumarka
shakhsigu ka gaari karo shaqadiisa iyo in Ilaaheey looga mahadnaqo in uu
Soomaali ka dhaliyay.
Axmed waxaan isku barannay goob
shaqo, waa Radio Muqdisho horraantii siddeetamaadkii, isaga oo magaciisa iyo
sumcadda uu bulshada ku dhex lahaa ay cirkaa mareyaan. Waxaan berigaa jeclaa in
aan baaritaan ka dib diyaariyo qormooyin ku saabsan dhacdooyika markaa taagan
ee xiriirka caalamiga, difaaca iyo bulshada, kuwaas oo ahaa sida aan Raadiyaha
ku soo galay.
Maalin ay ii diyaarsanayd qormo
wanaagsan oo aan ugu talo galay Bandhigga Raadiyaha laakiin uu codku iga xirnaa
ayaan Cawke ka codsaday in uu tebiyo. Waxaan aad ula yaabay sida ay dadku u
wada xiiseeyeen warbixintii. Intii ka dambeysayna waxaan doorbidi jiray in uu
Cawke akhriyo warbixinnada aan diyaarin jiray marka aan Raadiyaha ku cusbaa
markaana waxa aan sheegayo la fahmayay laakiin aan cidina magceyga aqoon.
Telefishinka Qaranka markii la
furay, in yar ka dib ayuu ku biiray oo Barnaamijyo ku yeeshay. Wuxuu ka mid
noqday weriyayaasha tirada yar ee ka wada shaqeeya Raadiyaha iyo Telefishinka
sida Maxamed Cumar Haydara, Axmed Cabdinur, Shukri Maxamuud Afrax iyo Sacdiya
Cabdullaahi Salaad oo markii dambe ay Cawke is guursadeen isuna dhaleen Xasan
iyo zakariye oo isagu hadda Barnaamij Telefishin sii daaya.
Berigii dambe waxaa uu noqday Af
Hayeenka Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre. Taas Axmed wax badan ayuu ka bartay.
Waa marka koowaade Hoggaamiyihii dalka ka talinayay muddada dheer, khibradda badnaa,
aadna loo eedeyn jiray run iyo beenba, ayuu la shaqeeyay, la noqday wehel,
fursadna u helay in uu u kuurgalo qofka uu yahay. Waxaa uu ka bartay sida loola
kulmo Boqorrada Carbeed iyo Madaxda Afrikaanka iyo sida qasriyada iyo
Madaxtooyada dalalkaasi ay u kala dhismo, dhar iyo dhaqan duwan yihiin.
Waxaa kale oo ay isbartiin Madaxdii
iyo intii kale ee ka ag dhoweyd. Marar badan Cawke wuxuu soo qaadan jiray
sheekooyin uu ka maqlay Xuseen Kulmiye Afrax.
Wuxuu ka bartay koofiyadcastii ay
baabuurta siiblaha ah ku wada safri jireen, sida daqiiqadaha ugu yar raashin
kulul loogu cuno. Khibraddaas oo markii dambe uu uga faa’iideystay Bush House
in isaga oo wakhtigu ciriiri ku yahay uu haddana soo qadeyn karo shaqadiisana
gudan karo.
Markii ay qabtu dhacday oo uu u
qaxay Kenya ka dibna Uganda, waxaan ku xiriiri jirnay telefoonka. Waxaan mar
kale isugu nimid London oo aan ka wada shaqeynay BBC. Waxaan safar shaqo ku
wada marnay magaalooyin badan oo Bariga iyo Geeska Afrika ah.
Raadiye iyo Telefishin
Saxaafadda gaar ahaan raadiye iyo
telefishin, siiba marka ay tebin toos ah yihiin, waxay ku qotomaan qorsheyn
fara badan oo biyo kama dhibcaan ah, diyaar garow maskax ku saleysan, xowli
howsha lagu qabto, gooreyn warbixin kasta xilliga la tebinayo iyo inta ilbiriqsi
ama daqiiqadood ee laga dhigayo si loo helo xog iyo xilli isku sargo’an. Waxaa
kale oo muhiim ah tebidda wixii harsan iyo odoroska wax kasta oo dhici kara oo
aan qorshaha hadda ku jirin sida haddii ay dhacdo in waxa lagu talo galay ay
waxba ka qabsoomi waayaan iyo waxa gudboon, suurta galna noqon kara in laga
yeelo.
Sidaa darteed shaqada Raadiye iyo
Telefishin waa howl-wadareed oo qof keliyihi ma qaban karo. Weriye kastaa wuxuu
kaalin ku leeyahay dheriga la wada karinayo oo ah barnaamijka la soo saarayo -
war, waxbarasho iyo mid bulsho midka uu ahaadaba.
Qorshahaas oo laga yaabo in dhowr
maalmood ama ka badan ay koox dhami ka soo shaqeyneysay waxaa dili kara ama
nooleyn kara waa tebiyaha oo ah qofka farriinta qaadaya ee dhegeystaha iyo
daawadaha ugu gelaya gurigiisa, xafiiskiisa, makhaayadda, ama la raacaya
baaburka si uu farriinta ugu gudbiyo.
Haddii aad koox kubbadda cagta ka
soo qaaddo, tababbar kasta oo la siiyo iyo quwad kasta oo ay kooxdu leedahay
waxay isugu biyo shubaneysaa gool dhaliyaha oo ay tahay in uu ka tarjumo.
Tebiyuhu wuxuu u dhigmaa Gool dhaliyaha.
Axmed Xasan Cawke kaalinta uu ugu
wanaagsanaa oo Ilaah hibada u siiyay oo cid ku gaarta aanan anigu ilaa hadda
arag, waa kaalinta tebinta. Sababtaas ayaa ka dhigtay in uu mar kasta lafdhabar
u ahaado marba kooxda ay Barnaaij wada diyaarinayaan.
Dhanka kale, maaddaama ay Saxaafadda
inteeda badani ay tahay howlwadareed, waxay u baahan tahay dulqaad, dad
afgarad, furfurnaan iyo dabeecad wanaagsan.
Axmed intaas iyo ka badanba wuu
lahaa. Waxaa u dheereyd in uu ahaa nin maad badan oo iyada oo shaqo adag lagu
jiro haddana dadka ka qoslin kara oo illowsiin kara daalka iyo werwerka.
Hibo Allah
Axmed Xasan Cawke, wuxuu ahaa
shakhsi khibrad aad u dheer u leh nolosha iyo warfaafinta. Wuxuuna ahaa nin
Ilaaheey heybad u siiyay waxa loo yaqaan mikrofoonka. Hadduu yahay mid Raadiye,
mid Telefishin iyo midka fagaarayaasha la isugu soo baxo.
Hibadaasi waxay isugu jirtay waa
marka koowaade in aanay maskaxdiisa iyo qalbigiisa meel ku lahayn waxa loo
yaqaan qajilaaad ama fal-ka-nax. Cid kasta oo lala hadlayo wuxuu Allah
garansiin jiray sida wax looga dhaadhiciyo ama ugu yaraan intaa uu hadlayo ayuu
maskaxda ka qabsan jiray.
Wuxuu lahaa cod u gaar ah, oo ku
wanaagsan dhegeysiga, isaguna si wanaagsan ugu tababbartay hadba sida loo rog
rogo, kor in loo qaado iyo in hoos loo dhigo, in la boobsiiyo iyo in si tartiib
ah loo yiraahdo, in la sii cusleeyo iyo in la khafiifiyo. Aammus marka loo
baahan yahay si ay dadku u fahmaan, ugana yara fekeraan waxa aad u sheegtay iyo
inta ilbiriqsi ee uu noqonayo aammuskaasi. Codkaas ma ahan keliya in inta af
Soomaaliga ku hadasha ee barnaamijyadiisa ku taxani ay qiran yihiin. Waxaa
qiray dad aan af Soomaaliba ku hadal. Waa farsamayaqaanna gabdhaha iyo wiilasha
leh ee Ingiriis iyo dhalashooyin kale isugu jira ee ka shaqeeya istuudiyayaasha
BBC.
Taas ayaa keentay in uu Axmed ka
duwanaado weriyayaasha badankood oo iyagu dhinac uun ku kooban ama u badan.
Axmed wuxuu ahaa nin isku si ugu wanaagsan barnaamijyada wararka, kuwa
cayaaraha, waxbarashada iyo dunida madaddaalada.
Hibada kale ee Ilaaheey Axmed siiyay
oo sidoo kale uu ku darsaday dadaalka iyo baaritaanka, waa in uu ahaa nin aqoon
fiican u leh afka, dhaqanka iyo degaannada Soomaaliga. Wuxuu aad u xiiseyn
jiray af guriga degaannada kala duwan ee Soomaalida.
Dabeecad-wanaag
Xagga shakhsiyadda, Axmed wuxuu ahaa
nin aan calool-ku-qaad iyo uurxumo aqoon. Haddii aad is qabataan wuxuu ahaan
jiray nin durba ka soo noqda carada. Marka ay dhacdo in uu soo laaban waayana,
waxaad hubtay in marka aad adigu ka dalabto is afgarad in aad ugu tegeyso
isfaham iyo heshiis dhab ah.
Wuxuu ahaa nin dhug leh oo asaga oo
aan muujin lagana dareemin, haddana si aad ah ula socda dadka hareerihiisa ah
ee ay wada shaqeynayaan sida ay iyagu isula macaamilyaan. Midka howsha
hagranaya, kan cinaadka wada, midka xanta hoose gudbinaya, midka qof hadal u
dusinaya, midka aan la isku hallayn karin, kan caga jiidaya, midka isbeen
farriimaya iyo kuwa la midka ah (ikm).
Sidoo kale wuxuu la socday midka
kaalintiisa gacan ku siiya, kan dadaalka badan, kan khatar ka diga amaba ka
xalliya, midka khalad ka saxa, midka si hagar la’aan ah howsha ula fuliya ikm.
Xagga howl karnimada, sannadihii aan
London ka wada shaqeynay, Axmed waxaa ka muuqday firfircooni aad u badan iyo ku
kalsoonaan shaqadiisa.
Wuxuu ahaa nin xarrago jecel oo si
wanaagsan u lebbista, ilaaliya muuqaalka timihiisa iyo garka iyo shaaribka uu
caanka ku ahaa.
Axmed wixii aan isla soo marnay,
waxa aan kala kororsannay, howlaha aan isla qabannay, inta aan isla safarnay,
inta aan kaftannay inta aan aan wax u soo joognay, ma ahan kuwo aan qormo iyo
laba ku soo koobi karo.
Axmed wuxuu ahaa nin salaadda ku
fiican. Waxaan Ilaaheey uga baryayaa naxariista Janno in uu siiyo. Qof kasta oo
codkiisu gaarayna waxaan ka codsanayaa in haddii ay wax ka tabanayaan ay cafiyaan,
una duceeyaan.
Muqdisho
Dad badan ayaa shalay iyo xaly iiga
tacsiyadeeyay geerida Axmed Xasan cawke iyaga oo ka fekeraya in aan wada
shaqeyn jirnay saaxiibna aan ahayn. Nin ka tirsan madaxda Sportigu wuxuu xalay
ii sheegay in iyaga oo dhowr ah ay isu yimaadeen oo ay Ilaaheey u baryeen.
Cayaaraha Gobollada ayuu noo raaci jiray ayuu yiri.
Wasiir hooyadii dhimatay oo aan tacsi ugu tegey, waxay Xildhibaanna ag fadhiyay u sheegeen Wasiirka in uu anigana iiga tacsiyeeyo geerida Cawke.
Shalay markii aan warkan naxdinta leh maqlay, qoraal aad u kooban ayaan dhigay Facebook. In ka yar 14 saacadood, waxaa ducada Cawke soo qoray 2794 waxaana share gareeyay 432.
Waxaase i taabatay markii xalay meel isbaaro taallo oo mugdi ah uu soo istaagay baabuur aan la socday. Askarigii noo yimid ayaa wadaha ku amray in uu nalka gudaha shido. Askarigii markii uu i aqooday ayuu baabuur la soo wareegay oo dhankeyga yimid. Intuu i salaamay ayuu yiri Cawke Allah ha u naxariisto adigana samir iyo iimaan.
Wasiir hooyadii dhimatay oo aan tacsi ugu tegey, waxay Xildhibaanna ag fadhiyay u sheegeen Wasiirka in uu anigana iiga tacsiyeeyo geerida Cawke.
Shalay markii aan warkan naxdinta leh maqlay, qoraal aad u kooban ayaan dhigay Facebook. In ka yar 14 saacadood, waxaa ducada Cawke soo qoray 2794 waxaana share gareeyay 432.
Waxaase i taabatay markii xalay meel isbaaro taallo oo mugdi ah uu soo istaagay baabuur aan la socday. Askarigii noo yimid ayaa wadaha ku amray in uu nalka gudaha shido. Askarigii markii uu i aqooday ayuu baabuur la soo wareegay oo dhankeyga yimid. Intuu i salaamay ayuu yiri Cawke Allah ha u naxariisto adigana samir iyo iimaan.
W/Q: Yusuf Garaad Ahmed
Blogger: hajicami.Blogspot.com
Comments
Post a Comment