Axmad Xasan Cawke (AHUN) uu Fara
Badnaa. Kee Ayaad Taqaan?
Waxay aheyd badhtamihii todobaatanaadkii oo markaa
ay socdeen riwaayado aad dalka looga jeclaa oo heeso fiican lahaa oo ay ka Sanadihii bilowgii todobaatanaadkii
waxa uu la shaqeyn jirey weriyihii weynaa ee Weli Xaaji Cali oo markaa aad can
uguu ahaa tebinta ciyaaraha. Cawke markuu muddo yar wadey tebinta ciyaaraha
waxa uu noqdey weriyaha loogu jecelyahay tebinta ciyaaraha.
Wakhtiyadii hore, warbaahinta keli
ah ee dalka ka jirtaa waxa ay aheyd raadiyo Hargeisa iyo raadiyo Muqdisho.
Labadaa idaacadood ayaa dadka madadaalin jirey warkana laga dhageysan jirey.
Heesaha cusub ee soo baxa waxa laga dhageysan jirey labadaa idaacadood. Gaar
ahaan waxa jirey barnaamij la odhan jirey “I Maqashii, I Madadaali” oo soo geli
jirey qiyaastoo 5ta galabnimo maalin kasta. Barnaamijkaa waxa caan ka dhigay
Alla ha u naxariistee Cawke iyo –
Cabdalla Nuuradiin iyo
xakiimo Caalin. Waxay aheyd badhtamihii todobaatanaadkii oo markaa ay socdeen
riwaayado aad dalka looga jeclaa oo heeso fiican lahaa oo ay ka mid ahaayeen
“Dab Jaceyl kari Waa” “Jini iyo Jaceyl” “Habloyohow hadmaan Guursan Doontaan”.
Riwaayadahaasi waxaa ay lahaayeen heeso aad u fiican oo dadku waxa ay sugi
jireen barnaamijkaasi si ay u maqlaan qaar ka mida heesahaa iyo kuwa kale ee
dadku xiiseeyaan. Heesaha ka sakow, waxa xiiso barnaamijkaa xiiso badan u sii
yeeley, hadalada dhex taalka ah ee saddexda weriye ay ku dari jireen.
Idaacadaha berigaa waxa looga bartay hadalo toosan oo aan kaftan ku jirin.
Balse Cawke iyo Nuuradiin waxa ay ku soo kordhiyeen, kaftan iyo suugaan ay ku ladhaan
dalaabaadka. Xakiima Caalin oo la daadihin jirtey barnaamijka, iyana wey la
qabsatey oo waxa ay odhan jirtey “Cawke iyo Nuuradiinow, Culimadii jaceylkaay”
bal soo daaya waxa ad manta heysaan.
Markii uu sida weyn u can baxay Alla
Ha U Naxariistee Cawke, waxa ay aheyd dagaalkii Soomaalida iyo Itoobiya dhex
marey 1977 iyo 1978. Waxa uu markaa ahaa weriye sheega warka. Waxa ay aheyd
xilli Soomaalidu aad u qiireysneyd oo ay dagaal ku jirtey. Cawke oo lahaa cod
aad u reen badan, afsoomaaligana aad uugu fiicnaa, kalsooni badana ka muuqato
ayaa marka uu warka sheegayo lagu soo ururi jirey makhaayadaha radiyayaashu
yaalaan. Ka sakow xaqiiqda warka ee uu sheegayo, waxa dadku raali ka noqon
jireen sida waafiga ah ee kalsoonidu ku jirto ee uu warka u tebin jirey. Warka
Cawke waxa uu qeyb weyn ka ahaa dagaalka oo waxa uu u dhigmaayey ciidanka
dagaalamaya. Warka waxa uu raacin jirey halkudhegyo uu sameystey oo ay ka mid
ahaayeen “Taliska Nafla Caariga ah”, “Taliska Tiisii Dhamaatay, “Taliska Maata
Dooxa ah”. Wararka sidoodaba waxa soo diyaariya tafatire. Balse hadana maalinta
weriye kale loo dhiibo warku macno muu yeelan jirin oo dadku waxa ay kaga
kalsoonaayeen marku Cowke sheegayo oo codkiisa iyo hadalkiisa ayaa u dhigmaayey
in la guuleystey. Cawke iyo Alla Ha U naxariistee Abwaan Cabdi Bashiir
Indhobuur waxa ay dagaalkaa kaga soo qeyb qaatey codkooda iyo suugaantooda.
Badhtamahii sideetamaadkii oo ay
aheyd xiliyadii uu soo baxay Telifishankii Soomaaliya, Cawke waxa uu noqdey
weriya aragiisa lawada barto oo dalka oo dhan can ka noqdey. Waxa
barnaamijyadiisa lagu xusuustaa kaftan iyo hadalo si furfuran oo niyadsami ku
jirto. Ka sakow shaqada idaacadda iyo telefishanka, waxa uu Cawke ku can ahaa
bulshada dhexdeeda oo aad loo xiiseyn jirey la joogistiisa iyo wehilkiisa.
Xiliyadaa badhtamihii sideetamaadkii waxa soo baxday cajalad aheyd gabayadii
silsiladdii “GUBA” oo ay wada duubeen Cawke iyo nin la odhan jirey Lamumbe oo
taariikhyahan ahaa. Lamumbe waxa uu ahaa ninka gabayada marinaya, Cawkane wuxu
ahaa ninka wareysanayaa ee la macaaneynaya sheekada. Waxa ay noqotey cajalad
dalka iyo dibedaba meel kasta lagu dhageysto oo soo koobtay taariikh sanado
badan soo socotey.
Inkasta oo an anigu aqaaney, hadana,
sanadadii u danbeeyey ee burburkii ka hor ayaan shakhsiyan is baraney AHUN
Cawke oo xiligaa uu degenaa xaafad Xamar ku taala oo la odhan jirey “Xamar
Bila” dadka qaarna u yaqaaneen If iyo Aaakhiro. Muddo yar ka bacdina waxaaban
noqoney isku xaafad oo hal dhisme ayaanu wada degeneyn isaga iyo reerkiisaba
xaafad la odhan jirey “African Village”. Waxa guursadey oo ay reer wada
sameysteen weriyadii weyneyd ee caanka aheyd Sacdiya Candilaahi Salad.
Markii danbe waxa uu Cawke noqdey
weriyaha Madaxweyne Siyaad Barre (AHUN) oo uu shaqadaa hayey ilaa intii ay
dawladdu burbureysey. Cawke weligii mucaarid muu noqon oo lama maqal isaga oo
dawlad uu la shaqeeyey wax ka sheegaya. Hadana waxa uu ahaa shakhsi ay
mucaaridka laftoodu jecelyihiin. Wixii intaa ka danbeeyey waxa uu soo marey
guud ahaan dhamaan warbaahinta caanka ah ee Soomaalidu dhageysato ee ay ka
midyihiin BBC-da, VoA-da, telefishanka Universal, Telefishanka Horn Cable,
Telefishanka Qaranka Soomaaliland.
Maxaa lagu xasuusan karaa Cawke Alla
ha U Naxariistee:
1.
Alla Ha U naxariistee Cawke waxa uu ahaa qof umadda afka Soomaaliga ku hadasha
oo dhami ay jecleyd oo ay u sineyd. Xiliyadan danbe ee Soomaalidu kala yaacdey,
dadka waxa lagu amaaradeystaa qabiil iyo gobolo. Balse Cawke waxa lagu
amaaradeystaa inu ka taagnaa Soomaali oo dhan meel kasta oo ay joogto. Qofka jooga
Jabuuti, iyo ka Burco jooga iyo ka Cadaado jooga iyo ka muqdisho jooga iyo ka
Jigjiga joogaa mid kastaa waxa uu u heystey inu Cawke xaafadooda ama reerkooda
yahay. Cawke Sida Hargeisa iyo wajaale looga jecelyahay si ka badan ayaa
Muqdisho iyo Jawhar looga jecelyahay. Cawke uumuu baahneyn qabiil gaar ah,
balse isaga ayaa qabiil ahaa keligii oo lagu biiri jirey. Meeshii Soomaali
joogto ee uu tago isaga iskugu mid ayey aheyd oo bulsho ayuu ka dhex sameysan
jirey o isagaa lagu biiri jirey.
2.
Dadku waxa ay shaqooyinka u galaan manaafacaad iyo lacag iyo mushahar, balse
Cawke shaqada weriyenimadu waxa ay kaga jirtey dhiiga oo marna uugumuu jirin
hunguri iyo xoolo ku yeelo. Waxan qabaa inu weli weriye uun ahaan lahaa xataa
haddaan mushahar la siin. Noloshiisu waxa ay markasta qeyb ka aheyd halkii
bulsho joogto.
3.
Waxa uu karti u lahaa inaan laga xiiso dhicin oo uu jiil kasta la heysto halka
ay wax marayaan. Waxa uu wakhti la soo qaatay oo uu isku dhereriyey
weriyayaashii waaweynaa ee caanka ahaa sida Yaasiin xaaji Ismaaciil (AHUN) iyo
Cabdi Xaaji Gobdoon. Waxa uu soo wareystey abwaaniintii gobanimo doonka sida
Cabdilaahi qarshe iyo Xuseen Aw Faarax. Waxa uu soo wareystey
fanaaniintii waaweyneyd sida Maxamed Saleebaan (AHUN) iyo Kuluc (AHUN). Waxa uu
weriyenimadiisa halkii u sareysey ka gaadhey 40 sanadood ka hor isagoo da’diisu
labaatanka uun inyar kor u dhaftey. Sidaasooy tahay, waxa uu ilaa maanta la
heystey halka ay wax marayaan 2015 ka. Marka ad dhageysato wareysiga uu la
yeeshey fanaanada Seynab Cige iyo sheekooyinkii dhowr iyo afartan sanadood ka
hor, waxa ad moodaa iney meel kuwada noolaayeen oo ay isku jiil ahaayeen.
Hadana marka ad dhageysato wareysiyada uu la yeeshey Farxiyo Fiska iyo Ikraan
Caraale iyo Fu’aad Cumar Yare, waxa ad moodaa inu yahay jiilkii dhashay
sagaashamaadkii sida uu uula heysto sheekada. Cawke waxa uu karti u lahaa inu 4
jiil oo Soomaali oo laga soo bilaabo 1973 ilaa 2015 uu la fal galo oo uu mid
walba waayihiisa iyo xamaasadiisa yeesho.
4.
Markii dalku burburey, dadka Soomaalida ah niyad jab badan ayaa ku dhacay,
waayo warka keliya ee ay dalkooda ka maqlaan waxa uu ahaa dhimasho, abaar iyo
dagaalo. Barnaamijyada Cawke waxa ay dad badan oo Soomaalida ah u ahaayeen
niyad dhisid oo waxa ay codkiisa iyo hadalkiisa ku xusuusan jireen wakhti hore
iyo beri samaad la soo marey. Barnaamijka uu Cawke sheegayo qiimiyiisu uu
libinlaabmi jirey oo shakhsiyadiisa iyo codkiisa iyo aftanimadiisa ayaa
barnaamijka u yeeli jirtey qiime ka badan kuu barnaamijku leeyahay.
Ehlu Janno ayuu ahaa Axmad Xasan
Cawke, waayo waxa Raali Ka Noqdey dad 10 malyuun kor u dhaafay oo umad Muslim
ah oo Ilaahey ducadooda ka aqbalayo.
Ilaahey
Ha U naxariisto Axmad Xasan cawke, Inagana ha Inooga daba naxariisto. Aamiin
Maxamed
Cali Bile
Blogger:hajicami.blogspot.com
E-mail: Samater2013@gmail.com
-
Comments
Post a Comment