SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO;
WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE.
Waxaan Hargeisa imid iyada oo
dalka lagu jirey dhowr bilood 1991-kii. Waxaana an ka bilaabey shaqo
mushaharkeedu yahay $400 bishii. Waxey aheyd mushahar uugu sareeya ee xiligaa
qof qaadan jirey. Dalku sida uu dhanyahayba qof mushahar qaataa muu jirin,
marka laga reebo dhowr qof oo hey’ado u shaqeyn jirey mooyaane. Madaxweyne ilaa
Wasiir iyo Taliye Ciidan ilaa Xildhibaanka Golaha Dhexe ee SMN ka tirsanaa, muu
jirin qof hal shilin oo mushahar ah qaadan jirey, haddey bil noqoto iyo haddey
sannad noqoto iyo afar sanadood noqotaba. Bal adigu ka warran ummad dhan oo
dawlad ah, oo ciidan leh oo bileys leh oo wasiiro leh, oo macalimiin leh oo
dhakhtaro leh, oo dawladda hoose leh, oo jeel maxaabisi ku xidhantahay leh, oo
maxkamado leh, oo idaacad aroor iyo habeenba hadasha leh, oo hadana aanu ku
jirin hal qof oo mushahar qaataa. Dadkaasi sida ay dhanyihiin wey soo shaqo
tagaan aroor kasta 8-da ilaa duhurkana wey shaqeeyaan. Waxaa shaqo socota,
marna arrin lacag la yidhaa sheekada muu soo geleyn. Sidaasi oo ay tahay,
hadana shaqaalaha dawladda waa la xukumi jirey, oo amar ayaa la isasiin jirey.
Dawlad waxa an maanta u
naqaanaa, Xafiis, Mas’uul qurux badan, Daar qurux badan, Gaadhi, Amar la kala
qaato, Mushahar la bixiyo, Warqad la Saxeexo, askar madaxda ilaalisa. 1991 ilaa
1994, mey jirin daar dawladi leedahay oo xafiis ku habboon, mushahar muu jirin,
darajo ciidan mey jirin, baabuur mas’uul fuulaa muu badneyn. Iyada oo aaney
jirin waxa an maanta dawladnimada ku tilmaamsanno oo dhami, ayaa haddana la
ahaa dawlad cid walba ka xoog badan oo isku kalsoon. Dawladnimadu gebigeeduba
waxa ay aheyd niyadda iyo kalsoonida. Ciidamadii Mareykanka ee ka soo degey
Muqdisho 1992-gii, iyo ciidankii kale ee dawladaha kale ka socdey ayaa in badan
la isku deyey iney Soomaaliland yimaadeen oo ay xafiis ka furtaan Hargeisa.
Dawladdii xiligaa Soomaaliland ka jiretey ayaa diidey arintaasi. Markii loogu
hanjabey in ciidankaasi xoog ku iman doono Soomaaliland, waxa uu madaxweyne
Cabdiraxmaan Axmed Cali uugu jawaabey, inaanu xoogga mareykan shaqeyn doonin ee
xoog lagala hortagi doono.
Magaalada
Hargeisa oo an degeenaa xiligaa dalka la soo galey, aqal beetalmey hagaagsan
lihi kumuu oolin. Marka meel la isku yimaado ee la qayilayo, biyo badan lama
cabbi jirin, waayo qofku wuxu iska ilaalinaya iney kaadi qabato. Qofka ay kaadi
qabato uu iska xajisanaya, marka ay ku adkaatana inta uu jaadkiisa qaato ayuu
dadka kale macasalaameynayaa, waayo meesha uugu dhow ee loo kaadi tagaa waa
dooxa. Kol hadduu qofku dooxa tagana, soo noqon maayo ee gurigiisii ayuu iskaga
sii carraabaya. Dadka ladani wiigii hal mar ayey meydhan jireen, waayo biyo
socdaa may jirin oo wax la cabbo ayaaban la heyn.
Madaxweyne
Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), AHUN, wax lacag iyo maal kale oo uu wax ku
maamulo muu heynin. Waxa uu wadan jirey gaadhi “FORD” ah oo uu ammaaneysiiyey
nin la odhan jirey Maxamed Jaamac Bootaan (Indha Case), waayo gaadhigii
madaxweynaha, dhaliyaro jabhad aheyd ayaa ka afduubtey oo qaadatey. Gaadhi
labaad oo ammaano ah oo uu lahaa Maxamed Baarjeex, waxa madaxweynaha laga
qaadey qiyaastii dhammaadkii 1992-gii
oo ciidan
jabhadda ahaa ayaa suuqa dhexdiisa kaga qaadey oo ka dejiyey, isna uu iskaga
lugeeyey illaa gurigiisii. Xiligaa madaxweynaha gaadhiga laga qaadey waxa ay
aheyd fiid, madaxweynuhuna waxa uu yimid xafiiskayaga si uu tilifoon uuga
dirto, waayo madaxtooyada dalka laga xukumaa tilifoonba mey laheyn, magaaladana
waxa ka jirtey hal shirkad oo tilifoon laga dirto oo daqiiqddii la bixiyo $18.
Madaxweynuhu wuxu lahaa hal askari oo ilaalo u ah oo ahaa inan dhalinyaro ah oo
cabdirisaaq la odhan jirey oo keli ah. Inta bandanna, waabu iskaga tegi jirey
oo keligii ayaa gaadhiga kexeyan jirey.
Madaxtooyada
jamhuuriyadda laga xukumana, biyoole dameer wata ayaa u dhaamin jirey.
Madaxweynaha waxa cuntada u Karin jirey isla ninkii Janaraal Moorgan wax u
Karin jirey oo la odhan jirey Baafo. Marka laga reebo Maaweel Hotel,
Madaxtooyada iyo Idaacadda Radiyo Hargeysa ayaa wax jaanareetar leydhka u shida
lahaa. Iyaguna saacado go’an ayuunbaa la shidi jirey. Shidaalka lagu shubo janareetarada
madaxtooyada iyo janareetarka Raadiyo Hargeysa, waxa laga soo ururin jirey
dhalinyaradayada shaqeysa ee magaalada joogta oo bilba qof ayaa laga qaadi
jirey foosto shidaal ah.
Guryaha
magaalada ka dhisan midhmidh mooyaane wey dunsanaayeen oo bilaa jiingad ayey
ahaayeen, reer kastaana gurigoodii ayuu ka ag dhistey BEBE oo ah, aqal qoryo
iyo baco iyo kartoono laga sameeyey. Reerka koonteenar hela waxa ay ahaayeen
sidii oo ay fooq degenyihiin oo kale. Wasaaradaha dawladda badankooda reero
ayaa wada degenaa, iskuuladu la mid oo guryo ayey wada ahaayeen reero
degenyihiin. Jaamadda Hargeysa waxa ay aheyd xaafad ay deggenyihiin 90 qoys.
Qofka reer magaalka ah ee magaalada yimaadda 1991 waxa uu seexan jirey ama
barandhaha madaxtooyada ama meel ka mida deyka madaxtooyada gudihiisa.
Dhakhtarka Hargeisa laftiisa, gaar ahaan waadhadhka lacagta reero ayaa degenaa.
Kiniisadda gaalada ee Hargeysa ka dhisan lafteeda qoysas ayaa degennaa oo
kiniisadda dhex seexan jirey. Waxa dadka u darneyd uun meel la huluusho oo caruurtana
dhaxanta lagaga celiyo. Hoggaamiyayaasha maanta dalka hawlwadeenada ka ah, qaar
badan oo an aqaanaa waxa ay ku jireen guryahaa Bebega ah iyo guryo dusha laga
saarey bacdii buluugga aheyd ee qaxootiga. Dhalinyarada maanta joogta ee
jaamiciyiinta ahna, in badan waxa ay ku dhashey koonteynaro iyo Bebeyo iyo
guryo daaqadaha kartoon lagu awdey.
Wasiiradii
joogey dalka gaar ahaan kuwa aan Hargeisa guryaha ku laheyn, badankoodu waxa ay
degenaayeen Maaweel hotel oo an aniguna degenaa. Waxa jirtey mar ay hotelka ila
degenaayeen 11 wasiir. Waa makhsino yaryar oo aan laba mitir ka weyneyn.
Wasiirada ila degenaan jirey waxan ka xusuusta Ina Xaabsade, Deeqa Colujoog,
Ibraahin Ciid, Saleeban Gaal, Abdillahi Mohamed Ducale, Cabdi Dhiboo (taliyaha
Bileyska) Fagadhe. Intii dhimatey Alla Ha u naxariistee.
anad
guurdadii koowaad ee dabbaaldegga 18 May 1992, waxa an ku dabbaaldegney
magaalada Hargeisa gaar ahaan, xafiiska loo yaqaanno gobolka. Barandaha
xafiiska ayuu isasoo taagey madaxweynaha iyo dhowr wasiir iyo odayaal la socdey
oo ay dadka kala hadleen. Habeenimadii dad aan iyana sidaa u badneyn, ayaa
xaflad kaga qeyb galay madaxtooyada. Dhowr qof mooyee, kuraasi lagu fadhiistaa
meesha mey oolin. Wax sharaab ahna lama cabbayo, cuntana hadalkeed daa.
Nin wasiir
ahaa oo an saaxiib aheyn oo la odhan jirey Adan Saxar (AHUN) ayaan ku idhi,
waadigan oo nin daacad ahna waad tahay, sideed noloshaada u kafeysaa ileyn
lacag ma qaadatide. Xiligaasi weliba waa markii Madaxweyne Cigaal (AHUN) xilka
qabtey. Waxa uu igu yidhi habeenkii marka dadku hurdo ayaan masruufkeyga soo
saara. Wasiirku waxa uu sameyn jirey Nambarada baabbuurta oo halhal ayuu
gacanta uugu qori jirey. Mey jirin mishiinadan iminka Nambarka baaburta
sameeyaa. Wasiirku inta uu soo googoosto jiingad ayuu gaadhi kasta nambarkiisa
gacanta uugu qori jirey oo uu ka soo saari jirey biilkiisa. Habeenkiina waa
ranjiile, aroortiina waa wasiir. Dadku xalaal quutayaal ayey ahaayeen. Qofka
xoolo dawladeed iyo xoolo shakhsi kale leeyahay muu hungureyn jirin. Deydeyga
la odhan jirey dadka ayey dhacaayaana, waxa uugu badan ee ay raadin jireen wuxu
ahaa “maalin dagaal” oo ah wax uu maalintaa uun cuno. Qofkaa raadinayey waxa uu
maalintaa cuno, ayaa weliba loo heystey tuug iimaan la’ oo wax dhaca.
Midhmidh mooyee, iskuuladu wey wada dunsanayeen, caruurtana waxa wax
lagu bari jirey geed hoostii iyo gidaarada iskuuladaa dunsan, iyada oo caruurto
ku fadhiisata daasadaha caana NIDO ama sanduuqa rasaasta lagu keeno oo laga soo
urursan jirey xeryaha ciidanka. Ardeyga daasadda caana NIDO ah oo madhan helaa,
waxba kamey maqneyn. Ardeyda iyo macalinkuba waxa ay la wareegi jireen
cadceedda. Marka ay cadceedu cabbaar socotaba ardeydu wey la durkayaan
daasadaha ay ku fadhiyaan oo waxa ay ku dhawaanayaan hadba dhinaca uu hadhku u
wareego. Ardeydii ad laba sacadood horteed ka tagtey iyaga oo fadhiya oo
koonfur eegaya ayuunbaad barqadii ama duhurkii u imaneysaa iyaga oo dhinac kale
u jeedda. Sabuuradana xadhig ayaa ku xidhan oo geedba ayey ka laalaadaa oo
kolba dhinaca ay ardeydu u wareegto ayuu macalinku u wareejiyaa. Iskuulada
dulsanna, gelinka horena dhinaca galbeedka xiga ee hadhku jiro ayaa gidaarka
laga maraa, kuwa gelinka danbe dhigtaana, dhinaca kale ee hadhku jiro ayey
fadhiistaan. Noloshaa cadceedda lala wareegayo ayaa dadku wax ku soo bartey.
Marka la rawaxo, ardeygu daasaddaa uu ku fadhiyo ayuunbuu buugaagtiisa ku dhex
ridan jirey, xadhig yar oo sidde ahna oo hooyadii uugu sameyseyna garanbka ayuu
sudhan jirey. Halka iminka aroortii caruurta laga leeyahay shandadaad qaado oo
iskuulka tag, xiligaa marka 3 midh oo laxooxa inanka ama inanta la siiyo,
daasadaada qaado ayaa la odhan jirey. Daasadaasi waxa ay aheyd hubka uugu weyn
ee lagu soo dagaal galey. Macalinkuna sabuuradda gidaarka sudhan ayuu qataa oo
uu gurigiisa la tagaa.
hadduu iskuulku
dhamaado, cidna dhulka wax kama yaalaan. Ama roob ha da’o, ama riyo ha soo
galaan, iskuulkiiba waa meel cidlo ah. Taasi waxa ay ku tuseysaa, in tacliintu
aaney aheyn daarta iskuulka oo la dhiso oo la qurxiyo iyo kuraasi qurux badan
oo lagu fadhiisto iyo basas caruurta lagu qaado toona. Wax kastaa waa niyadda.
Haddii la helo macalin niyad wanaagsan u haya shaqada, wax kale oo dhan waa
laga maarmi karaa. Caruurtii wax ku soo baratey cadceedaa lala wareegayo, qaar
ayaa maanta wasiiro ah. Qaar ayaa Borofisooro ah oo jaamacado wax ka dhiga,
qaar ayaa Dhakhtaro ah, qaar ayaa macalimiin ah, qaar ayaa hoggaamiyayaasha
ciidanka ah. Ragga iyo dumarkaasi maanta kartidooda iyo wax qabadkooda toona
kama muuqato iney daasado wax ku soo barteen iyo iney cadceedda la wareegi
jireen toona.
Waxa laga
yaabaa qofka aan xiligaa dalka joogin ee akhriya maqaalkeygan iyo waxan an soo
taxay, inu isyidhaa meeshu meel lagu ba’ay ayey aheyd. Balse xaqiiqdu waxa ay
aheyd, dadkii xiligaa joogey iney aad u niyad fiicnaayeen, si fiicanna ay u
garanayeen waxa ay u soo dagaalameen iyo waxa ay doonayaanba. Muu jirin qof
sawirka mustaqbalku ka maqanyahay. Dadka xiligaa joogey higsigoodu wuxu ahaa
marxaladda maanta la marayo oo ah iney dalkooda dhistaan, iyagu is xukumaan,
xorna ahaadaan. Inkasta oo ay jiraan dhibaatooyin cusub oo aan lagaba sii
fikirin oo iminka uun lagu baraarugey, hadana waxa an rumeysanahay in himiladii
ay umaddu laheyd 25 sanadood horteed lahaayeen ay rumowdey. Hablaha iyo inamada
maanta dabbaaldegayaa, waxa wejigooda ka muuqata nafaqo fiican iyo iney
caafimaad iyo raaxo lagu soo koriyey. Halka ad iminka ka arkeyso indho cadcad,
dhabano qurux badan, dhar nadiif ah, iyo jidh buuxa, 25 sanadood horteed marka
dadku meel isku yimaaddo waxa kuu muuqanayey waji urursan, indho cascas iyo
ilko cadcad oo qofka ka soo horeeya. Ibedelkaasi waxa keeney koritaanka
aqoonta, iyo dhaqaalaha iyo nolosha oo kor u kacdey. Caruurtii 25 sanadood
gacanta la hayey ee laga ilaalinayey iney ku qaraxdo 2-da malyuun oo miinada ah
ee dalka ku aasnaa, waa kuwa maanta ka dabbaaldegeya boqolaalka magaalo ee
adduunka hareerihiisa. Waa dhalinyaradii wax ku soo baratey geedaha hoostooda
iyo iskuulada dunsan. Qaarkood cloosha hooyadood ayey ku jireen markii dalka
lagu soo noqdey oo guryahaa BEBEYADA ah iyo koonteenarada ayey ku dhex
dhasheen. Dadka dabbaaldegaya markaan eegey nafaqada ka muuqata iyo dharka ay
xidhanyihiin iyo tilifoonada iyo kamaradaha ay isticmaalayaan, iyo baabuurta ay
wataan iyo internetka ay adeegsanayaan, ee an barbar dhigo 25 sanadood horteed
halkii anu ku dabbaaldegney 18 May, maskaxdu isma barbardhigi karto, waayo waa
laba wax oo aan isu dhaweyn.
Riyadaa rumowdey
kumeyn iman dhibaato la’aan. Heer kasta oo la soo marey iyo wakhti kasta oo la
joogey waxa jirey dhibaatooyin badan. Dhibaatooyinkaana waxa laga soo gudbey
dhabar adeyg iyo hoggaamiyayaal bulsho oo talada qabtey. Sideedaba dadka in yar
ayaa guusha aragta marka guusha la sameynayo. Dadka intiisa badani waxa ay
gartaan uun marka
ay dhaafto
ee uu wakhti ka soo wareego. Alla Ha U Naxariistee madaxweyne Maxamed Ibrahim
Cigaal waa shakhsiga loogu hadalheynta badanyahay marka laga hadlayo dhisidda
nidaamka dawladda. Sidaasooy tahay, madaxweyne Cigaal waxa uu ahaa shakhsiga
loogu mucaridad badnaa ee dhankasta dhibaato looga geystey markii uu xilka
hayey. Geyd adeygnimo iyo dawladnimada oo uu u lahaa aqoon wanaagsan mooyee,
qof kale uu ku waalan lahaa. Mudadii uu dalka hoggaaminayey, waa xiligii la
dhisayey heykalka hey’adaha dawladda sida wasaaradaha, waa xiligii la sameeyey
in shaqaaluhu mushahar qaato, waa xiligii la daabacey lacagta Soomaaliland, waa
xiligii, jabhadda la qarameeyey ee laga dhigey Ciidanka Qaranka, waa xiligii
Calanka maanta taagan la sameeyey, waa xilligii la sameeyey baasaboorka
Soomaaliland. Waa xiligii wasiiradu u eekaadeed madax dawladeed. Mudadii uu
waxaasi oo dhan qabanayey, maalin iyo habeen waa la caayayey, waa lala
dagaalamayey, joornaalada dalka ka soo baxayaa aroor kasta waxbey ka
sheegayeen. Maantana, umadda inteeda badani waxa ay rumeysantahay inu ahaa halyey,
hoggaamiye iyo indheer garad dadka ka horeeya. Khudbadihiisa ayaa marka ad
maanta dhageysato ad ka arkeysaa inu dadka meesha joogeyba ka horeeyey.
Hoggaamiyayaasha dawladda iyo kuwa xisbiyada iyo kuwa bulshadana sidaa ayuunbaa
maanta loo caayayaa. Qof wax wanaagsan laga sheegayaa kuma jiro. Rag badan iyo
dumar badan oo maanta hoggaamiyayaal ah ama bulshada magac ku leh oo intaa la
dhaliilayo ama la caayayo, waa kuwa taariikhdu marka ay dhintaan ku tilmaami
doonto iney ahaayeen dad wanaagsan.
Guulahaa badan ee 25 sanadood ee la soo dhaafey la gaadhey, waxa ay soo
faruureen dhibaatooyin hor leh oo waajib ay tahay in la furdaamiyo. 25 sanadood
ee la soo dhaafey ummadda iyo hoggaamiyayaasheedu wey garanayeen waxa ay
doonayaan. Waxa lagu hawlanaa in dalka dib loo dhiso, in si jiilka soo korayaa
u helaan mustaqbal wanaagsan tacliin la baro, in la abuuro Ciidan Qaran oo
dalka difaaca iyo Bileys nabadgelyada ilaaliya. Intaa iyo in badan oo kaleba
waa la sameeyey. Arinta uugu weyn ee u baahan in laga fikiraa waa iyada oo la
sameeyo aragti umadeed oo la higsado 10 sanadood iyo 25 sanadood ee soo socda.
Arigtida noocaas ihi iminka wey maqantahay oo ma jiro HIGSI QARAN oo la isla
ogyahay. Dadka maanta nool 60% waxa ay dhashen 1991 iyo wixii ka danbeeyey, waa
dad ka warhaya halka caalamku marayo. Waxa loo baahanyahay in siyaasiyiinta
hoggaanka lexejecladu ka heysaa ay la yimaadaan fikir cusub oo ay Soomaaliland
kaga dhigayaan dawlad caalamka la tartanta. Aragtidii hore ee umadda lagu soo
dhaqayey oo ay ka mid ahaayeen: (1) Annagu Dawlad madax banana ayaanu nahay oo
Soomaaliya kama mid nihin; (2) Nabadda hala ilaaliyo oo hala wada noolaado; (3)
Magaalooyinkeena dumay halla dhisto; (4) Caruurta haloo furo iskuulo, kuwa
waaweyna jaamacado ha galaan; (5) Maamul iyo kala danbeyn iyo dawladnimo hala
sameeyo; (6) Dalka hala difaaco oo ciidan adag hala dhiso. Qodobadan iyo kuwa
kale ee la midka ahba waa kuwa dalka iyo umaddu 25 sanadood horumarka ku soo
gaadhey. Guulahaasi laftooda ayaa dhaliyey dhibaatooyin cusub oo aan laga sii tashan.
Guusha 10
kii sanadood ee la soo dhaafey laga gaadhey waxbarashada, ayaa waxa ay dhalisey
iney soo baxaan kumanaan dhalinyaro waxbaratey ah oo aqoon wanaagsan leh, balse
dhan ay u dhaqaaqaan aan garaneyn ama aaney jirinba. Waa dhibatada ay guushaa hore
keentey. Waxa loo baahanyahay in lala yimaaddo aragto siyaasadeed iyo dhaqaale
oo mideysan oo shicib iyo dawladba la higsado. Waa muhiim in lala xisaabtamo
siyaasiyiinta gaar ahaan Xisbiyada Qaranka iyo musharaxiintoodaba oo si adag
loo weydiiyo, aragtidooda Soomaaliland 10 sanadood dabadeed, iyo 20 sanadood
dabadeed. Dhalinyarada maanta joogtaa nabadda hala ilaaiyo iyo guurtida oo laga
sheekeeyaa wax macne ah oo ay u sameyneysaa ma jirto. Nabadgelyada waxa dhaliya
dhaqaale xumada, shaqo la’aanta, iyo rajo la’aanta. Waa iney timaadaa aragti
cusub oo rajo gelisa ummadda. Arimihii 10 sanadood iyo 20 sanadood horteed lagu
soo caano maaley, sida nabadda iyo guurtida iyo Xamar ma dooneyno, iminka waa
“Expire” oo ma shaqeynayaan.
Abuuridda
himilooyinka cusub waxa keenti karta dhisidda dawlad adag oo nidaam iyo kala
danbeyn leh oo nidaam dhaqan-dhaqaale leh abuurta. Dawlad kasta oo cusub oo
timaadda kal danbe haddii Alla yidhaa waxa ay u baahantahay in niyadda ku heyso
saddex qodob oo kala ah, (1) in guulaha ilaa hadda la gaadhey aan la yareysan
ama la caayin ama la xaqirin ee la garowsado in dalakani ku taaganyahay
maalgelin, iyo maskaxgelin, iyo muruqgelin lagu sameeyey 25 sanadood ee la soo
dhaafey. Dhaqanka ah in dawladdii timaadaaba ay quudhsato wixii kuwii ka
horeeyey sameeyey ama ay garan marto waxa ay ina dhaxasheeneysaa khasaare bada.
(2) Dawlad kasta oo cusub oo timaadaa waa iney aasaas ka dhigataa guulahaa hore
ee la gaadhey oo aaney tuurin. (2) waxa muhiim ah in dawladda cusub ee timaadaa
ay cashar ka barataa qaladaad maamul iyo hoggaamin ee jira amah ore u jirey oo
ay isku deydaa iney si cilmiyeysan u saxdo. (3) 1983 illaa 1991 hadafka ummaddu
uu cadda, waxaanu ahaa in dalka laga sifeeto nidaamkii dawlldii markaa jirtey.
Wuxuu ahaa mabda’ ka dagaalka ku jira iyo ka dalka gudihiisa jooga iyo ka
qorbaha joogaa ay ka sinaayeen oo ay si fiican u wada fahamsanaayeen. 1991
illaa 2016, hadafku umaddu uu caddaa oo wuxu ahaa in dalka la dhisto, caruurta
mustaqbal loo abuuro, dawlad madax bannaan la sameysto, nabad iyo xornimo lagu
wada noolaado. Taasina waa la gaadhey. Waxa maanta maqan waxa hadafkeenu yahay
10 sanadood ee soosocda. Suuro gal maaha ineynu u socono sidii geed daad soo
qaadey oo biyaha iska dul sabbeynaya. Balse waxa muhiim ah in maskax la isu geeyo
oo la keeno aragti cusub oo umadda yar iyo weyn la higsado.
Alla Mahad leh
Alla Mahad leh
Maxamed cali Bile
Aqoonta U Adeegta Nolosha
qorane.bile@gmail.com
Comments
Post a Comment