WARBAAHINTA
CAALAMKA OO SAADAALISAY IN SOMALILAND 2017 MUJ.MUUSE BIIXI CABDI MADAXWAYNE KA
NOQONAYO
Haji cami
Wargeyska caanka ah Africaintelligence ee ka faalooda
arrimaha siyaasada Afrikada Bari ayaa, cadadkiisi maanta(18/03/2016) maqaal
dheer kaga faaloodey saadaalinta Beesha Caalamka ee natiijada Doorashada
Madaxweynaha Somaliland ee la filayo in ay dhacdo horaanta sannadka fooda inagu
soo hayaa 2017. Wargeyskan ayaa, faaladiisa ku sheegey in bilihii u
dambey Murashax Muuse Biixi Cabdi toos ula wareegey hogaaminta Siyaasada
Arrimaha Debbada Somaliland, waxaanu dhawaan socdaal xog wareysi ah ugu direy
wadamada Deriska wafdi La Taliyaashiisa Arrimaha Debbada ah oo u hogaaminaayo
La Taliyihiisa Gaarka ah, Dr. Maxammed Cabdilaahi Cumar, Wasiirkii Hore
Arrimaha Debbada Somaliland. Wargeyska ayaa, sheegey in horaantii bishan uu
wafdigaas la kulmey Xildhibaanada Congreska Mareykanka, Dana Rohrabacher iyo
Chris Smith oo xubno ka ah Guddida Arrimaha Debbada Golaha Congreska Mareykanka
« Foreign Affaires Comity ». Wafdigan Somaliland ee Murashax Muuse
Biixi Cabdi direy ayaa sidoo kale la kulmey Saraakiil Sar-Sare oo ka tirsan
Xafiiska Arrimaha Debbada ee Midawga Yurub. Wafdigan Somaliland ayaa
Xildhibaanada Congreska Maraykanka iyo Saraakiisha Reer Yurub uga xog waramey
Siyaasada Xisbiga Kulmiye iyo Murashaxoodu ku hogaamin doonaan Somaliland 5-ta
sanno ee soo socota haddii ay Doraashada ku guuleystaan.
Dhanka kale, wargeyska ayaa, sheegey in Dawlada Federaalka
Soomaaliya aad uga war-warsan tahey saadaasha Beesha Calaamka ee Doorashada
Somaliland tiiyo wadahadaladii Somaliland-Soomaaliya haatan hakad ka yimi
dhanka Somaliland soo galey. Walaaca Madaxda Dawlada Federaalka Soomaaliya ayuu
wargeysku ku tilmaamey mid la xidhiidha shaqsiyaadka Murashax Muuse Biixi Cabdi
oo Dawlada Soomaaliya ogtahey halka uu ka taagan hayey Qadiyada Madaxbanaanida
Somaliland. Dawlada Soomaaliya ayaa aaminsan in wadahadaladu adkaan doonaan
haddii kursiga Somaliland looga arimiyo uu ku fadhiisto Mudane Muuse Biixi
Cabdi.
Si kasta ha ahaante Haddii saadaasha Beesha Caalamku
rumowdey ayaa noqon doonta Guul weyn oo u soo hoyatey Somaliland iyo Shacabkeeda,
waxaana arrintaas daliil u ah walaaca durba ka soo yeedhaaya Madaxda Dawlada
taagta daran ee Soomaaliya.
Blogger: Haji Cami
E-mail: Samater2013@gmail.com
Hargeisa Somaliland
Comments
Post a Comment