Skip to main content

Posts

Showing posts from October, 2015

Muxuu Daranaa Kulankii Xalay Madaxweyne Silaanyo La Qaatay Xubnihii Iska Casilay Qabanqaabada Shirka Kulmiye -

Muxuu Daranaa Kulankii Xalay Madaxweyne Silaanyo La Qaatay Xubnihii Iska Casilay Qabanqaabada Shirka Kulmiye -  Hargeysa(HWN) Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa xalay kulan la yeeshay xubnaha iska casilay guddida qabanqaabada shirka Kulmiye ee loo asteeyay 10-ka November. Kulanka ayaa lagu lafo guray arrimaha salka u ah muranka dib uga curtay garabyada kulmiye. Guddoomiyaha labaad ee Kulmiye xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye, guddoomiye xigeenka saddexaad ee Kulmiye xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle, guddoomiye xigeenka koowaad ee wakiillada Baashe Maxamed Faarax iyo guddoomiye xigeenka labaad ee wakiillada Dr Cali Yuusuf Axmed ayaa madaxweynaha la kulmay, waxayna dhammaantood metelayeen garabka musharaxiinta isbahaystay ee kala ah Maxamed Biixi Yoonis, xildhibaan Kijaandhe iyo Cabdicasiis Samaale. Dhinaca madaxweynaha waxaa kulanka ku wehelinayay wasiirka gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, wasiirka maaliyadda Samsam Cabdi Aadan iyo wasiirka

Madaxweynaha Somaliland Oo Saacadihii Dembe ee Xalay Isku Shaandhayn Ku Sameeyey Xukuumaddiisa Iyo Wejiyada Shakhsiyaad Cusub Oo Ku Biiray golaha Wasiirrada

Madaxweynaha Somaliland Oo Saacadihii Dembe ee Xalay Isku Shaandhayn Ku Sameeyey Xukuumaddiisa Iyo Wejiyada Shakhsiyaad Cusub Oo Ku Biiray golaha Wasiirrada   Gudaha Ka Akhri: Magacyada 21 Mas’uul Oo Isugu Jira Wasiirro cusub, Wasiir ku xigeenno, Agaasimeyaal Iyo La Taliyeyaal+ Xilalka Jagooyinkii Ay Banneeyeen Xubnihii Is Casilay Oo Loo Magacaabay Xubno Hayalsan     Hargeysa ( Hubaal )- Warsaxaafadeed xalay habeen badhkii ka soo baxay aqalka looga taliyo dalkan Somaliland ee Madaxtooyada ayaa shaaca ka qaaday isku shaandhayn lagu sameeyey golaha wasiirrada JSL qaarkood kuwaas oo qayb ka ah buuxinta xilalkii ay banneeyeen wasiirradii dhawaan iska casilay xukuumadda.  Warsaxaafadeedkann oo abaaro Madaxtooyada ka soo baxay saacadda Hargeysa markay ahayd abaaro 11: 40 habeennimo ee xalay   ayaa madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) digreeto ku magacaabay xilal cusub oo isugu jira wasiirro, wasiir ku xigeenno, agaasimeyaal guud iyo la taliyeya