Skip to main content

Muxuu Daranaa Kulankii Xalay Madaxweyne Silaanyo La Qaatay Xubnihii Iska Casilay Qabanqaabada Shirka Kulmiye -



Muxuu Daranaa Kulankii Xalay Madaxweyne Silaanyo La Qaatay Xubnihii Iska Casilay Qabanqaabada Shirka Kulmiye - 
Hargeysa(HWN) Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa xalay kulan la yeeshay xubnaha iska casilay guddida qabanqaabada shirka Kulmiye ee loo asteeyay 10-ka November. Kulanka ayaa lagu lafo guray arrimaha salka u ah muranka dib uga curtay garabyada kulmiye.
Guddoomiyaha labaad ee Kulmiye xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye, guddoomiye xigeenka saddexaad ee Kulmiye xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle, guddoomiye xigeenka koowaad ee wakiillada Baashe Maxamed Faarax iyo guddoomiye xigeenka labaad ee wakiillada Dr Cali Yuusuf Axmed ayaa madaxweynaha la kulmay, waxayna dhammaantood metelayeen garabka musharaxiinta isbahaystay ee kala ah Maxamed Biixi Yoonis, xildhibaan Kijaandhe iyo Cabdicasiis Samaale.
Dhinaca madaxweynaha waxaa kulanka ku wehelinayay wasiirka gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, wasiirka maaliyadda Samsam Cabdi Aadan iyo wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, kuwaasi oo qaarkood garabka Muuse Biixi yihiin.
Ma jiro war rasmi ah oo kulanka laga soo saaray, balse xogaha laga helayo ayaa sheegaya in xubnahan madaxweyne Siilaanyo hore ugu igmaday qabanqaabada kulmiye ee kala ah xildhibaan Waabeeye iyo Cabdiraxmaan Talyanle ay madaxweynaha u sharaxeen sababta ay uga tageen qabanqaabinta shirka, iyagoo sheegay in garabka Muuse Biixi afduubay qabanqaabinta, diideena in si hufan wax la isula eego.
Sidoo kale xubnaha shir guddoonka ee Baashe iyo Cali oo kulanka ka hadlay waxay sheegeen inay la qabaan walaaca garabkan musharaxiinta isbahaystay ka qabaan hanaanka loo wado qabanqaabada shirka golaha dhexe ee Kulmiye
Madaxweynaha ayaa sidoo kale la filayaa inuu maanta kulan la yeesho xubnaha Muuse Biixi taabacsan ee shirka qabanqaabadiisa gacanta ku haya Maxamed Kaahin iyo xoghaye Xasan Siciid, kuwaasi oo uu kala hadli doono cabashada garabka kale qabo.
Illaa hadda ma cadda in madaxweyne Siilaanyo si siman iskugu soo jiidi doono garabyada Kulmiye oo ay muuqato inay ku kala fogaadeen aragtida qabanqaabada shirka iyo loolanka Kulmiye, maadaama madaxweynaha lagu eedeeyay inuu dhinac yahay, taasi ayaa sii xumaysay xal laga gaadho khilaafka Kulmiye.
Hargeisa Somalailand


 

Comments

Popular posts from this blog

Somaliland international partners urge political stakeholders to agree on a timely roadmap election.

  For the first time ever, Somaliland's foreign allies have officially spoken out against the extension of President Bihi's tenure by the house of elders by two years. The international partners emphasized the significance of a consensus-driven process that enables elections to be held as soon as possible in a manner consistent with the technical considerations laid out by Somaliland's National Electoral Commission, without specifically stating whether or not the mandate extension was appropriate. In a statement, they urged the political stakeholders to work together constructively to agree on a timely roadmap for the elections for Somaliland’s democratic credibility and stability. The declaration was made only a few days after opposition parties explicitly criticized the house of elders' decision to extend President Bihi's term by two years and stated they would no longer accept him as "a legitimate president" when his term ends on November 13. a ...

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA”

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA” - Guddoomiyaha/ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyey duhurkii Maanta. Muuse Biixi Cabdi oo kolkii la soo dhaweeyey kaddib fagaare kala hadlay Taageerayasha soo dhaweeyey, ayaa u mahad naqay bulshada reer Burco ee halkan ku soo dhaweeyey, isagoo ku hambalyeeyey doorka ay kaga jiraan guulaha xisbiga Kulmiye tan iyo markii la aasaasay . guddoomiyaha ayaa sidoo kale shacbiga Gobolka Togdheer ku booriyey inay ka qayb-qaataan diwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee laga bilaabayo Gobolka Togdheer. waxaan salaan idiinka sidaa Madaxweynaha Somaliland, aasaasihii Kulmiye, guddoomiyihii SNM ee halganka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo Shacbiga la hadlayey. ” waxa kale oo aan idiinka mahad naqaya codkii...

SOOYAALKA TAARIIKHEED EE 29 ASKARI OO MADAXWEYNEYAAL KASOO NOQDAY WADAMADDA UGU AWOODA BADAN DUNIDA

SOOYAALKA TAARIIKHEED EE 29 ASKARI OO MADAXWEYNEYAAL KASOO NOQDAY WADAmada UGU AWOODA BADAN DUNIDA. Ciidan-nimadu   Ma Wax Lagu Faannaa Mise Waa Wax Laga Faanno?. raar ama Hor-dhac Ku sinnaan muddo haatan laga joogo illaa 5000 [shan kun] oo sannadood ayaa sooyaal taban ay mahadh-dhadu kasoo werisay taariikhda uu ina-nebi aadan ku lahaa kownkan, taas oo milicsiga raadadkeedu qaarad illaa qaarad dunida oo dhan xog waran wanaagsan laga daalacan karo. Taariikhahan haddii aad u dhab-bo gasho waxaa ay xogo kaaga iftiiminayaan qaab dhismeedka nololeed ee bulshooyinkaas noolaan jiray, noloshoodu sida ay ahayd, cuntadoodu waxa ay ahayd, qaabka qoysaskoodu u dhisnaayeen, maamul ahaan iyo is kaashi ahaan sida uu nidaamkoodu ahaa.  Waxa kale oo taariikhahaas ku suntan sida uu ammaankoodu ahaan jiray iyo asbaabaha dhalin jiray colaadaha  ay geli jireen. Dhammaan bulshooyinka noolaa wakhtiyadaa hore oo ay ka mid ahaayeen (faraaciintii, Romankii, Giriigii, dawladihii Kiris...