“Madaxweynaha Waxaan Aad & Aad Uga Raalligelinayaa Qaabkii Aan Isu Casilay Oo Noqonaysa Iin Igu Taalla Illaa Intuu I Saamaxayo
“Madaxweynaha Waxaan Aad & Aad
Uga Raalligelinayaa Qaabkii Aan Isu Casilay Oo Noqonaysa Iin Igu Taalla Illaa
Intuu I Saamaxayo”
“Qofku Waa Inuu Noqdaa Qof Mahad Naqa
[Cabdan-Shakuur], Taasna Waan Ka Xumahay”
“Iyadoo Ay Wasaaradda Madaxdeedu Ay Ogaan
Kari Waayeen Oo Aan Ka Qariyey Waqtigaas Is Casilaadayda Iyagana Waan Ka
Raalligelinayaa Sababtoo Ah Wey Iga Hor Joogsan Lahaayeen””
Wasiir Ka Mid Ahaa Xubnihii Is Casilay Oo
Istiqaalladiisii Qoomameeyey, Cafis iyo Raalli-gelinna Weydiistay Madaxweyne
Siilaanyo.
(Hubaal)- Wasiirkii hore ee
wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Prof. Faarax Cilmi
Maxamuud (Geedoole) ayaa markii u horeysay ku tiraabay weedho uu ku muujinayo
in uu ka xun yahay is casilaadii uu laba toddobaad ka hor ku dhawaaqay ee xilka
wasiirnimada, taas oo uu sheegay in uu aad uga xun yahay in uu iska casilo
inkastoo ay duruufo keeneen. Faarax Cilmi Maxamuud waxaa uu Madaxweynaha
Somaliland ka raalli geliyey is casilaadiisa o uu ku tilmaamay in ay qarsoodi u
soo baxday. Isaga oo carrabka ku dhuftay in uu shakhsi ahaan garawsan
yahay iscasilaadiisu in ay tahay Iin korkiisa ku taalla oo aan ka go’ayn jeeroo
uu Madaxweynihii karaameeyey isaga ee xilka u magacaabay uu ka cafiyo khaladka
uu ka galay xasaannadii qaranku ku maamuusay ee Madaxweynuhu korka ka saaray.
Waxa aan aad iyo aad ugu mahad celinayaa
Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed MAxamuud Siilaanyo Oo xilkan aan maanta
wareejinayo [wasaaradda waxbarashada] iyo kii ka horreeyayba [wasaaradda
beeraha] igu sharfay”. Sidaa ayuu yidhi wasiirkii hore ee wasaaradda
waxbarashada iyo tacliinta sare Prof. Faarax Cilmi Maxamuud [Geedoole] oo isagu
si qoto dheer uga hadlay is casillaadiisa iyo xil-wareejinta mansabka
wasaaradda waxbarashada oo shalay uu sagootiyey. Waxaana uu intaa ku daray Mr.
Geedoodle “xilkan anigoo aad iyo aad ugu qanacsan ayaan ka tegey, waxase aad
iyo aad iyo weliba aad aan Madaxweynaha JSL uga raalligelinayaa qaabkii aan isu
casilay oo kolley ay duruufo keeneen, waxaanay noqonaysaa Iin igu taalla illaa
inta uu [madaxweynuhu] iga saamaxayo, waayo qofku waa inuu noqdaa qof mahad
naqa [Cabdan-shakuur], taasna waan ka xumahay”. Ayuu yidhi wasiirkii hore ee
waxbarashadu oo marka uu khudbadda jeedinayay ay shucuur qoomamo ka muuqatay hadalkiisa.
Sidoo kale Mr. Geedoole waxaa uu xaalmarin siiyey
dadkii iscasilaadiisa ka xumaaday “ waxaa iyagana aan ka raalligelinayaa dadkii
ka xumaaday is casillaadayda iyadoo wasaaradda waxbarashada madaxdeedii oo ila
fadhiday waqtigaas ay ogaan kari waayeen is casilaadayda oo aan ka qariyey
sababtoo ah way iga hor joogsan lahaayeen”. “Waxaan aad ugu faraxsanahay maanta
inaan xilka ku wareejiyo nin aad u qaalli ah oo shan iyo labaatan sanno
ummadda u soo shaqeeyey oo reerkiisii u haleeli waayay. Cabdillaahi
[wasiirka cusub] waa saaxiibkay waa nin aan aad u jeclaa inaan xilka ku
wareejiyo illaahay baana ka dhigay” ayuu yidhi Wasiirkii hore.
Hadalkan Faarax Cilmi ayaa ku soo beegmay xilli
uu ku dhawaaqay in uu yahay musharrax golaha dhexe ee KULMIYE uga dhex tartami
doona kursiga madaxweyne ku xigeenka oo ay illaa haatan u sharraxan yihiin
dhawr xubnood oo uu Madaxweyne ku xigeenka immiku ka mid yahay.
Blogger: hajicami.blogspot.com
E-mail: Samater2013@gmail.com
Hargeisa Somaliland
Comments
Post a Comment