Saturday, 14 November 2015

Paris: 127 qof oo ku dhimatay Weerar argagaxiso oo ka dhacay caasimada France.


Paris: 127 qof oo ku dhimatay Weerar argagaxiso oo ka dhacay caasimada France


Waxaa xalay weeraro si weyn loo soo qorsheeyey lagu qaaday dhowr goobood oo ay dadka ku caweeyaan, Theater iyo Staduimka Paris, goobahaasi oo ay isku qarxiyeen 7 nin oo bambaano watay, weerarkan ayey sidoo kale ka qeyb qaateen rag si weyn u hubeysan.

Weerarada ayaa lagu qaaday goobaha kala ah: Les Halles, Boulevard Voltaire, Rue de la Fontaine au Roi iyo de Rue de Charenton.
Khasaaraha ugu badan ayaa ka dhacay Tiyaatarka Bataclan Theater halkaasi oo ay koox hubeysan oo sita bambaanooyin ay gudaha u galeen, waxayna kooxdaasi mudo afduub ku heysteen boqolaal dad ah oo halkaasi ku sugnaa, kooxdaasi oo xabado badan ridayey ayaa ugu danbeyn iska horimaad la galay ciidamada amaanka oo goobtaasi tagay.

www.hajicami.blogspot.com
E-mail: Samater2013@gmail.com



No comments:

Post a Comment

Dagaalka Bariga Dhexe iyo Saamaynta Dhaqaale ee Geeska Afrika

  Bariga Dhexe waa mid ka mid ah gobollada ugu xasaasisan dunida marka laga hadlayo siyaasadda, amniga, iyo dhaqaalaha. Xiisadaha iyo dagaal...