Jawaabtii Su'aashii aheyd maxaad shaqadan U soo Qoratey. By:Aqoonyahan Mohamed Ali Bile Bile Aqoont Nolasha U adeega!
Jawaabtii Su'aashii aheyd maxaad shaqadan U soo Qoratey.
By:Aqoonyahan Mohamed Ali Bile
Bile Aqoont Nolasha U adeega!
Asxaab badan ayaa siyaalo kala duwan
uuga jawaabey oo qaar badani ay sax ahaayeen. Ma jirto hal jawaan oo la odhan
karo taasuunbaa sax ah. Balse, kowan hoos ku qoran iyo qaar u eeg ayaa ka mid
noqon karaa kuwa saxa ah.
1. Shaqada an iminka hayo waxa an wadey 2 sanadood, waxaaney u eegtahay inan meel wanaagsan ka gaadhey oo an si fiican aqoon ahaan iyo xirfad ahaanba meel ku tiiriyey. Waxay u muuqataa inan u baahanay shaqo intan ka sii heersareyso oo an aqoonteyda iyo khibradeyda u adeegsado anigana ii noqota hawl an aqonteyda ku imtixaamo iyo horumar.
2. Shaqada an hadda hayaa wey
wanaagsantahay oo meel fiican ayaan ka gaadhey. Inkastoo qeybo ka midi ay la
xidhiidhaan aqoonta an bartey haddana, shaqadan ad soo xayeysiiseen ayay u
muuqataa iney si toosta uula xidhiidho aqoonteyda iyo waayay aragnimadey, waana
halkaan isleeyahay wax badan ayaan faa’iideyn kartaa, horumarna an ka sameyn
karaa.
3. Mashruuca an iminka ka shaqeeyaa,
6 bilood dabadood ayuu xidhmayaa. Inkasata oo shaqada la iga jecelyahay hadana
ma doonayo inaan sii fadhiyo oo shaqadu igu dul dhaamato sidaasaan u doorbidey
inaan shaqadan soo qorto. Ta aka sakow, shaqadan ad soo xayeysiiseen xiiso gaar
ah ayay ii sameyneysaa oo waxa ay u muuqataa iney tahay mid haddii la I siiyo
an ka mid noqon doono hey’ad hadaf wanaagsan ka leh horumarinta reermiyiga,
waana halka aqoonteyda iyo waaya aragnimadeydu u badantahay.
Jawaabahan iyo qaar la mida marka
sheegto, waxa iyana la ogyahay in lacagtu meesha ku jirto. Waxad raacin kartaa
“hey’adiinu shaqaalaha amaal marin u qalanta shaqadooda ayaa siisaan, ha noqoto
kharashka caafimaadka ama mushaharka, taasina waa dhiirigelin wanaagsan oo I
soo jiidatey.
Comments
Post a Comment