Saturday, 26 September 2015

Kulamo Gooni Gooni Ah Oo Uu Caawa Madaxeynaha Somaliland, Madaxtooyada Kula Yeeshay Odayaal Kala Taageersan Musharaxnimada Wasiir Maxamaed Biixi Iyo Guddoomiye Muuse Biixi


Kulamo Gooni Gooni Ah Oo Uu Caawa Madaxeynaha Somaliland, Madaxtooyada Kula Yeeshay Odayaal Kala Taageersan Musharaxnimada Wasiir Maxamaed Biixi Iyo Guddoomiye Muuse Biixi 


Hargeisa-(HWN)-Madaxweynaha Somaliland, Md, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caawa qasriga Madaxtooyada siyaabo kala duwan ugu qaabilay odayaal iyo waxgarad ka soo kala jeeda beesha Sacad Muuse, oo kala taageersan Musharaxnimada Madaxweynenimo ee Wasiirka Khaarajiga Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, iyo Musharaxnimada Madaxweynenimo ee Guddoomiyha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, Muj Muuse Biixi Cabdi.
-Masuuliyiin goob joog ah oo caawa Madaxtooyada ku sugnaa ayaa Shabakadda Wararka ee caalamiga ah ee Hadhwanaagnews, u xaqiijiyay, in ka hor intii aanu Madaxweynahu caawa Madaxtooyada ku qaabilin odayaal ka kooban 14 xubnood, oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Aadan Siiro, Bakayle, iyo Ina Duse, oo uu la kulanka Madaxweynaha uu beel ahaan ugu soo qabanqaabiyay Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland, oo taageersan Musharaxnimada Wasiirka Khaarajigu, ay qasriga Madaxtooyada soo galeen odayaal iyo waxgarad illa Kontomeeyo gaadhaya oo ka soo jeeda isla beeshaa oo ka soo hor jeeda oo diidan kulanka gaarka ah ee ay odayaasha uu wato Wasiirka Khaarajigu iyaga oomtalaya magaca beesha ay la yeelanayaan Madaxweynaha.
Warku waxa uu intaa ku daray, in odayaasha iyo waxgaradkaa Kontomereyaha gaadhaya ee ka soo hor jeeday kulanka Madaxweynahu uu la yeelanayo odayaasha uu soo qabnqaabiyay Wasiirka, in Wasiir Maxamed Biixi uu isku dayay in uu ka hor joogsado in ay soo galaan Madaxtooyada, balse, amar toos uga yimi Madaxweynaha ayaa lagu Amaray Wasiirka in la soo daayo odayaashaa, Iyada oo markii ay soo galeen uu Madaxweynuhu si toos ah ula kulmay, waxaanu warku intaa ku daray in ay Madaxweynaha u sheegeen in kooxda odayaasha ah ee uu soo qabanqaabiyay Wasiir Maxamed Biixi, aanay matelin oo aanay ku hadli karin magaca beesha Sacad Muuse, iyaga oo Madaxweynaha u sheegay in ay yihiin Odayaal ay isku jifo hoose yihiin Wasiirka. Iyada oo kulankaa kaddib, uu Madaxweynuhu kulan kale ku qaabilay Odayaashii taageersanaa Musharaxnimada Wasiirka Khaarajiga Somaliland, isaga oo Madaxweynuhu siyaabo gooni gooni ah dhinacyada uga dhegaysteen wixii ay wadeen.
Si kastaba ha ahaatee, kulanadaa gooni goonida ah ee is buruniya ee uu Madaxweynu caawa la yeeshay labada dhinac, ayaan si dhab ah loo ogayn dhinaca uu u garaabay ee uu aqbalay wixii ay Madaxweynaha ula yimaadeen, waxaanay Kulamadani ku soo beegmeen xilli uu maalinta bari ah uu Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hogaaminayaa ay socdaal rasmi ugu anababixi doonaan dalka Ireland, mana cada halka ay isugu biyo shuban doonto loolankan ka dhaxeeya labada dhinac, iyo mowqifka kama danbaysta ah ee uu Madaxweynuhu ka qaadan doonto arrintan.


No comments:

Post a Comment

Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...