Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliiska Somaliland oo lagu xidhay Hargeysa, sababaha keenay & tiro la sii daayey
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliiska Somaliland oo lagu xidhay Hargeysa, sababaha keenay & tiro la sii daayey
Hargeysa:-
Taliyaha Ciidammada Booliska Somaliland Sarreeye guuto Cabdillaahi Fadal
Iimaan, ayaa la sheegay inuu Xabsiga dhigay Saraakiil ka tirsan Booliska oo ka
gadooday caddaalad-darro ay sheegeen in lagu sameeyay habkii loo qaybiyay
Derajada Ciidammada Ammaanka.
Sida lagu baahiyey
Shabakadaha Raadraacnews.com & Mareeg.com, Taliyaha Booliska Somaliland,
ayaa u gudbiyey cabashada Saraakiishaas Guddigii bixinaysay Derajooynka
Booliska Somaliland, oo go’aamiyey inaanay sharci ahayn qoraalka cabashada ah
ee Saraakiishu, taasina la sheegay inay keentay amarka Taliyaha Booliisku ku
bixiyey in Xabsiga loo taxaabo.
Wararka
xidhitaanka Saraakiishan oo tiradooda lagu sheegay dhawr iyo labaatan Sarkaal,
inkastoo Sarkaal ka mid ahaa xalay la soo daayey, ayaanu macluumaad la
xidhiidhaa ka soo bixin Taliska Ciidanka Booliiska, isla markaana Wargeyska
Himilo oo isku deyey inuu faahfaahin dheeraad ah ka weydiiyo Taliyaha Booliiska
Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaanay noo suurtoobin inaannu Khadka
Taleefanka ku helno, ka dib markii uu naga qaban waayey, isla markaana wax
jawaab ah naga soo siin waayey Farriimo aannu ugu dirnay Taleefankiisa gacanta.
Saraakiisha
gadoodka ka muujiyay habka Ciidammada Booliska loo siiyay Derajooyinka, ayaa
Xabsiga ku jira, waxaanay warararka laga helayo qaarkood tibaaxayaan in
Saraakiishaas qaarkood laga qaadayo Derajadii ay hore u saluugeen.
Abdiaziiz
jama Haji cami
Blogger:
Hajicami.blogspot.com
E-mail: camii_vip@live.com
Skpe:
Abdiaziiz47
Hargeisa
somaliland
Comments
Post a Comment