Wednesday, 21 October 2015

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Oo Hadhwanaagnews U Xaqiijiyey Booyado Shiidaal Waday Oo Rasaas Lala Dhacay, Kana Hadlay Xaalada Magaalada Berbera.



Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Oo Hadhwanaagnews U Xaqiijiyey Booyado Shiidaal Waday Oo Rasaas Lala Dhacay, Kana Hadlay Xaalada Magaalada Berbera.


Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar  ayaa ka hadlay rasaas lala dhacay qaar ka mid ah booyadaha shiidaalka ka soo qaada haamaha magaalada Berbera.
Gudoomiyaha gobolka Saaxil oo khadka telefanka ugu waramay shabakada Hadhwanaagnews  ayaa waxa uu sheegay inay ku daba jiraan dadkii falkaas gaystay, waxaanu tilmaamay inay xaalada magaaladu haatan dagan tahay.

Gudoomiye Fahmi Cabdi Bidaar oo marka hore ka hadlaya booyadaha la rasaaseeyey ayaa waxa uu yidhi “Qaar ayaa rasaaseeyey markaa taayaradana way ka banjariyeen candhadana wax ayey ka noqdeen, dadkii falkaas gaystayna waa lagu maqan yahay waxaanan ku saaray laba baabuur oo ciidan ah.”
Gudoomiye Fahmi oo aanu waydiinay waxyaabaha ay dadkaasi ka xanaaqsan yihiin ayaa waxa uu ku jawaabay “Dadkaasi waxay ka xanaaqsan yihiin dad  la  xidh xidhay oo  rabshada samaynayey, kuwaas oo markii horana meelahas isku abaabulayey  oo  doonayey inay rabshado sameeyaan, waana kuwii odhan jiray haamaha lama wareejin karo, markaas ka bacdi ayey abaabul galayeen kuwan hada rabshada sameeyeyna waa qaar ay ilmaadeer yihiin.”
Sidoo kale gudoomiye Fahmi waxa uu xaqiijiyey rumaan loo diray dadka la xidh xidhay, waxaanu ka hadlay xaalada magaalada “Dadka la xidhay waa la rumaan gareeyey mudo toban cisho ah, xaalada guud ee magaaladana hadal wuu jiray markii hore laakiin imika way dagan tahay.” Ayuu yidhi gudoomiye Fahmi Cabdi Bidaar.
Tan iyo markii xukuumada uu hogaaminayo madaxweyne Siilaanyo ay ku dhawaaqday wareejinta haamaha shiidaalka magaaladda Berbera, waxa magaaladaasi ka taagnaa dareeno isa soo tarayey oo lagaga soo hor jeedo wareejinta haamaha shiidaalka, balse falalkan hada dhacay ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyey ee lagu muujiyo diidmada wareejinta haamaha.

Hargeisa Somaliland

No comments:

Post a Comment

Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...