Wasiirka Wershadaha Somaliland Oo Weedhihii Kasoo Yeedhay Mas’uuliyiintii Is Maaxdumiyey ku Tilmaamay Hadal Tiro.
Wasiirka Wershadaha
Somaliland Oo Weedhihii Kasoo Yeedhay Mas’uuliyiintii Is Maaxdumiyey ku
Tilmaamay Hadal Tiro.
“Qarankani Maanta Cidna Uma Dhutinayo Oo Wuu Isku Filan
Yahay Dadkiisa iyo Dawladdiisuna Way Isku xidhan Yihiin”
Wasiirka Wershadaha Somaliland Oo
Weedhihii Kasoo Yeedhay Mas’uuliyiintii Is Maaxdumiyey ku Tilmaamay Hadal Tiro
Hargeysa-Wasiirka
Wasaaradda Warshadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse, ayaa jawaab adag ka
bixiyey hadallo dhawaan kasoo yeedhay Xubno wasiirro ah oo xilalkii ay
xukuumadda u hayeen iska casilay, waxana uu wasiirradaas usoo
jeediyey inay Nabadda ilaaliyaan.
Wasiir Shucayb ooSalaasadii Maanta shir
jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, kaga falceliyey weedho
masuuliyiinta iscasishay ku direen Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxana uu
tilmaamay inaan hanjabaadi xukuumadda waxba ka qaadi Karin,“cidda maanta
hajnabaysa ee Dawladda iyo Madaxweynaha u hanjabaysa, hadalkoodu waa hal bacaad
lagu lisay, Madaxweyne Siilaanyo iyo Dawladdiisu ma aha qaar Qori iyo taanki
loogu hajnabo, cidkasta oo arrintaas ka hadashayna waxan leeyahay madaxweynuhu
doorashuu ku yimi shacabkaana aqlabiyad ku doortay.” Ayuu yidhi Wasiir Shucayb.
Wasiirka oo Hadalkiisa sii wata tilmaamay in kuwa
Hanjabayaa yihiin qaar aan lahayn caqliyo la jaanqaadi kara duruufta taagan,
isla-markaana xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo tahay mid ku timi kalsoonida iyo
rabitaanka shacabka, waxana uu Xusay inaan danta guud cidna looga baqi Karin,
waxana uu yidhi,
“Kuwa sidaas u hadlayaa waxa ay ka dhigan yihiin
ilmihii yaraa ee Hooyadii Khuukh ku yidhi, qarankanina maanta cidna uma
dhutinayo, cidna uma baahna waana isku filan yahay, dadkiisa iyo dawladiisuna
way isku xidhanyihiin. Qof looga baqi karo danta guudna ma jiri karo, qofka
iska hadlayna waxanu leenahay Been Baad sheegaysaa.”
E-mail: Samater2013@gmail.com
Fb:Abdiasiis Jama Haji Cami
Hargeisa Somaliland
Comments
Post a Comment