Skip to main content

Qorshihii Lagu kala daadiyey Kooxda "Halista" "Hawl-galkii Siyaasada ee Sannadka Qaatey"



Qorshihii Lagu kala daadiyey Kooxda "Halista"
"Hawl-galkii Siyaasada ee Sannadka Qaatey"



Maalin-nimadii Kow iyo labbaatankii bisha lixaad ee Sannadkii hore ayay ahayd markiii uu Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay Musharaxnimadii Madaxweyne-nimo ee Xisbiga Kulmiye.
Guuldaradaas maalintaa ku dhacday Hogaanka Xisbiga Kulmiye, waxay soo dedejisay inay ogaadaan inay meel cidlo ah taagan yihiin, talladii waddankuna ay gacanta u gashay niman wasiiro ah, oo dhegaha Madaxweynaha markaas haystey. qorshahooduna yahay in madaxweynuhu marka uu tago, ay iyagu xilka la wareegaan.Sidaasna ay tallada Somaliland ku haystaan sannadaha baddan ee soo socda.
Muddo labba bilood gaadhaysa oo hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye, talladooda si qarsoodiya ay u rogrogayeen, waxaa soo baxday in ka hor dhamaadka Xilka xukuumada Madaxweyne Siilanyo, ay qaadaan tallaabooyin ay ku soo ceshanayaan Kalsoonidii Madaxweynaha, oo ay in baddan halgan soo wadda mareen. Waxayse is weydiiyeen haddiiba Madaxweynihii uu ku jiro gacanta nimankaas wasiirada ah, Sidee baynu ku soo ceshan karnaa kalsoonida Madaxweynaha?. Jawaabtu waxay noqotay in marka hore daraasad iyo xog laga helo nimankan madaxweynaha ku xeeran,lanna isticmaalo qaab Sirdoonnimo ciidan (Ogow Hogaanka Kulmiye waa Saraakiil Ciidan."Militery'e).
Dhamaadkii bishii tobnaad ee Sannadkii hore,ayaa macluumaadkii kooxdaas laga soo uruuriyay ay soo dhamaatay. waxaaney hogaanka Kulmiye ku sameeyeen falanqeyn iyo sida ay u kala muhiim sannaan karto, tallaabooyinka la qaadaya. Wax yaalaha cajiibka ee nimankaas laga ogaadey markii xogtooda la uruurinaayay, waxaa ka mid.
1. Inay koox isku xidhan, misana labba kooxood ah ay yihiin.
2. Kooxda koobaad oo ah kooxda halista, inay aad u xoog baddan tahay, saameeyn weyna ku leedahay Qasriga Madaxtooyada.
3. Inay "Koox'' niman Fudud yihiin.
4. INAYNA WAAYO ARAGNIMO SIYAASADEED LAHAYN
5. INAYNA Ciyaarta iyo SHIRQOOLADA SIYAASADEED WAXBA KA FAHMI KARIN.
6. Inayna aamin saneyn waa la idinka badin karaa, saaxiibadiin qaar ka midina cadaw bay idiin noqon karaan.
7. Inayna siyaasadoodu qorshayaal baddan lahayn, oo hadii midi ka fashilanto ayna qorshe labbad lahayn,,, haddii ay leeyihiina ay qorshe khaldan qaadan doonaan.
Qoddobadaas ayaa lagu ogaadey, fallan qayntii kooxdaas lagu sameeyay. Haddaba markii usbuuc, fallan qayntaasi socotey, waxay hogaanka Kulmiye iyo niman saaxiibadood ah oo hawsha la ogaa ay isweydiiyeen. Tallaabooyinka ay qaadi karaan maxay noqonayaan ?. markii la rog-rogeyna waxaa la isla qaatay in la qaado tallaabooyinka soo socda.
1. In Kooxdan, iyaga la dhex galo.
2. In madaxtooyada saameyn lagu yeesho.
3. In doonis kasta oo uu madaxweynuhu doonayo loo yeelo.Xitaa haddii uu yidhaahdo inta aan noolahay Madaxweyne ayaan ahaanayaa!
4. In Kooxdan,qorshayaashooda la kala daadiyo. tallaabo kasta oo ay qaadayaana lala socdo.
5. In ka hor dhamaadka Xilka xukuumada, hawshaas la fuliyo. ama ugu yaraan inta ayna wakhtigaas gaadhin kooxdan la kala daadiyo.
6. In bartil maameedka ugu weyni noqdo, Kooxda "Halista". Siiba labbada nin ee kooxda hogaamiya. Labbadaas nin waxaa loo bixiyay, Magac sireed ah ''Labbada Shabeel".
La soco qaybo kale oo xiiso baddan.
F.G. Xogtan dad muhiima oo cod sadey inaan la magac dhabin, ayaynu ka helnay

Suleyman Yusuf Dhakhtar
www.hajicami .Blogspot.com
E-mail: Samater2013@gmail.com
Hargeisa Somaliland


Comments

Popular posts from this blog

Somaliland international partners urge political stakeholders to agree on a timely roadmap election.

  For the first time ever, Somaliland's foreign allies have officially spoken out against the extension of President Bihi's tenure by the house of elders by two years. The international partners emphasized the significance of a consensus-driven process that enables elections to be held as soon as possible in a manner consistent with the technical considerations laid out by Somaliland's National Electoral Commission, without specifically stating whether or not the mandate extension was appropriate. In a statement, they urged the political stakeholders to work together constructively to agree on a timely roadmap for the elections for Somaliland’s democratic credibility and stability. The declaration was made only a few days after opposition parties explicitly criticized the house of elders' decision to extend President Bihi's term by two years and stated they would no longer accept him as "a legitimate president" when his term ends on November 13. a

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE.

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE . Waxaan Hargeisa imid iyada oo dalka lagu jirey dhowr bilood 1991-kii. Waxaana an ka bilaabey shaqo mushaharkeedu yahay $400 bishii. Waxey aheyd mushahar uugu sareeya ee xiligaa qof qaadan jirey. Dalku sida uu dhanyahayba qof mushahar qaataa muu jirin, marka laga reebo dhowr qof oo hey’ado u shaqeyn jirey mooyaane. Madaxweyne ilaa Wasiir iyo Taliye Ciidan ilaa Xildhibaanka Golaha Dhexe ee SMN ka tirsanaa, muu jirin qof hal shilin oo mushahar ah qaadan jirey, haddey bil noqoto iyo haddey sannad noqoto iyo afar sanadood noqotaba. Bal adigu ka warran ummad dhan oo dawlad ah, oo ciidan leh oo bileys leh oo wasiiro leh, oo macalimiin leh oo dhakhtaro leh, oo dawladda hoose leh, oo jeel maxaabisi ku xidhantahay leh, oo maxkamado leh, oo idaacad aroor iyo habeenba hadasha leh, oo hadana aanu ku jirin hal qof oo mushahar qaataa. Dadkaasi sida ay dhanyihiin wey soo shaqo tagaan aroor kasta 8-da

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA”

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA” - Guddoomiyaha/ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyey duhurkii Maanta. Muuse Biixi Cabdi oo kolkii la soo dhaweeyey kaddib fagaare kala hadlay Taageerayasha soo dhaweeyey, ayaa u mahad naqay bulshada reer Burco ee halkan ku soo dhaweeyey, isagoo ku hambalyeeyey doorka ay kaga jiraan guulaha xisbiga Kulmiye tan iyo markii la aasaasay . guddoomiyaha ayaa sidoo kale shacbiga Gobolka Togdheer ku booriyey inay ka qayb-qaataan diwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee laga bilaabayo Gobolka Togdheer. waxaan salaan idiinka sidaa Madaxweynaha Somaliland, aasaasihii Kulmiye, guddoomiyihii SNM ee halganka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo Shacbiga la hadlayey. ” waxa kale oo aan idiinka mahad naqaya codkii