Skip to main content

Ballan-qaad Farxadi Keentay Oo Muuse Biixi Ku Shaaciyey Xaafaddo Ku Yaalla Hargeysa Oo Uu Magac Dhabay Booqasho U Qorsheysan In Uu Ku Tago



Ballan-qaad Farxadi Keentay Oo Muuse Biixi Ku Shaaciyey Xaafaddo Ku Yaalla Hargeysa Oo Uu Magac Dhabay Booqasho U Qorsheysan In Uu Ku Tago
 

Komeer Bedelay Shucuurta Guddoomiyaha Oo Isu Rogay Marti-qaad Aanu Filayn & Magacyadda Wasiirro Ku Lammaanaa Oo Dadweyne Heellan
  “Guddoomiye; Qolyaha Codka Doonayaa Hudheellada Waaweyn Uun Bey Tagaane Bal hudheelkan Oo Kale Isku Daya In Aad Cagta Ku Badisaan”


Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada madaxweyne ee xisbigaasi Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeer ku maray suuqa ganacsiga Gobonimo ee degmada 26-ka June ee caasimadda  khamiistii la soo dhaafay , kaas oo markii dambena loogu sameeyey casuumad. Guddoomiye Muuse Biixi oo ay kormeerkaasi ku wehelinayeen xubno wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ay ka mid yihiin:-
1-Wasiirka Beeraha Maxamed  Beeraha  Dr. Maxamed Aw Daahir
2-Wasiirka Cadaaladda Axmed Faarax Cadarre
3-  Wasiir-ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye.
waxa uu ku soo wareegay dhammaan qaybaha kala duwan ee suuqaasi ganacsi, halkaas oo ay soo dhawayn ku qaabileen boqolaal qof oo isugu jira ganacsatada iyo dadweynaha ka adeeganayey, kuwaas oo si weyn u muujiyey taageerada ay u hayaan Guddoomiyaha, ahna murrashaxa KULMIYE ee doorashooyinka soo socda. Intaasi kadib Guddoomiyaha iyo xubnaha masuuliyiinta ee wehelinayey waxa isla suuqa Gobonimo ku martiqaaday ganacsade Siciid Aw Cismaan Ismaaciil Maygaag Samatar oo ah mulkiilaha hudheelka magaciisa la yidhaa 680 ee suuqaasi ku yaal. Ganacsade Siciid Cismaan Ismaaciil Maygaag iyo Maxamed Ismaaciil (Digtoorka) oo casuumaddaasi ka hadlay, ayaa hadallo soo dhawayn ah u jeediyey Guddoomiyaha iyo madaxda kale ee wehelinaysay. “Qolyaha codka doonayaa Hudheellada waaweyn uunbay tagaane waxaan idin odhan lahaa Guddoomiye codkii wuxuu yaalla hudheelkan oo kale, suuqa gobanimo iyo waaheen oo kale, markaas bal isku daya inaad cagta ku badisaan.” Sidaa waxa yidhi Ganacsade Siciid. Wasiirka Wasaaradda Beeraha Dr. Maxamed Aw Daahir, ayaa isna ka mahadceliyey martiqaadka uu ganacsade Siciid u sameeyey Guddoomiyaha iyo wasiirrada xukuumadda ka tirsan, taas oo ka dhacday goob muhiim u ah codka loo baahnaa. “Halkani waa meelaha codka badani yaalo ee loo baahnaa in la is arko, waanan ka mahadcelinayaa arrintaa, Isha Allaahu cagta xisbiguna way ku badan tahay halkan,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Aw Daahir. Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si weyn uga mahadnaqay casuumadda lagu maamuusay iyo taageerada ballaadhan ee uu kala kulmay dadweynaha suuqa Gobonimo.
Xaafadahee Ayuu Guddoomiye Muuse Uga Sii Gudbayaa 26 June?
“Waxa kaloo ii farxad ah halkani (suuqa Gobonimo) waa labadii Biyo-dhacay dhexdoodii, waa labadii dugsi ee aan ka bilaabay noloshaba. Rag ka maqan halkan ma nihin, waana bilow wanaagsan oo waxay noqon doontaa Isha Allaahu in aannu suuqyada Waaheen, sayladda Xoolaha iyo Siinaay oo mid walba aannu tagno, markaa Siciid Aw Cismaan waxaad noo furtay tallaabo wanaagsan oo haddii la yidhi afarta huteel ee waawayn ha la daayo waa inoo ballan in aynu suuqyada shacabka tagno,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi.

Blogger:hajicami.blogspot.com
E-mail; Samater2013@gmail.com


Comments

Popular posts from this blog

Somaliland international partners urge political stakeholders to agree on a timely roadmap election.

  For the first time ever, Somaliland's foreign allies have officially spoken out against the extension of President Bihi's tenure by the house of elders by two years. The international partners emphasized the significance of a consensus-driven process that enables elections to be held as soon as possible in a manner consistent with the technical considerations laid out by Somaliland's National Electoral Commission, without specifically stating whether or not the mandate extension was appropriate. In a statement, they urged the political stakeholders to work together constructively to agree on a timely roadmap for the elections for Somaliland’s democratic credibility and stability. The declaration was made only a few days after opposition parties explicitly criticized the house of elders' decision to extend President Bihi's term by two years and stated they would no longer accept him as "a legitimate president" when his term ends on November 13. a

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE.

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE . Waxaan Hargeisa imid iyada oo dalka lagu jirey dhowr bilood 1991-kii. Waxaana an ka bilaabey shaqo mushaharkeedu yahay $400 bishii. Waxey aheyd mushahar uugu sareeya ee xiligaa qof qaadan jirey. Dalku sida uu dhanyahayba qof mushahar qaataa muu jirin, marka laga reebo dhowr qof oo hey’ado u shaqeyn jirey mooyaane. Madaxweyne ilaa Wasiir iyo Taliye Ciidan ilaa Xildhibaanka Golaha Dhexe ee SMN ka tirsanaa, muu jirin qof hal shilin oo mushahar ah qaadan jirey, haddey bil noqoto iyo haddey sannad noqoto iyo afar sanadood noqotaba. Bal adigu ka warran ummad dhan oo dawlad ah, oo ciidan leh oo bileys leh oo wasiiro leh, oo macalimiin leh oo dhakhtaro leh, oo dawladda hoose leh, oo jeel maxaabisi ku xidhantahay leh, oo maxkamado leh, oo idaacad aroor iyo habeenba hadasha leh, oo hadana aanu ku jirin hal qof oo mushahar qaataa. Dadkaasi sida ay dhanyihiin wey soo shaqo tagaan aroor kasta 8-da

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA”

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA” - Guddoomiyaha/ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyey duhurkii Maanta. Muuse Biixi Cabdi oo kolkii la soo dhaweeyey kaddib fagaare kala hadlay Taageerayasha soo dhaweeyey, ayaa u mahad naqay bulshada reer Burco ee halkan ku soo dhaweeyey, isagoo ku hambalyeeyey doorka ay kaga jiraan guulaha xisbiga Kulmiye tan iyo markii la aasaasay . guddoomiyaha ayaa sidoo kale shacbiga Gobolka Togdheer ku booriyey inay ka qayb-qaataan diwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee laga bilaabayo Gobolka Togdheer. waxaan salaan idiinka sidaa Madaxweynaha Somaliland, aasaasihii Kulmiye, guddoomiyihii SNM ee halganka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo Shacbiga la hadlayey. ” waxa kale oo aan idiinka mahad naqaya codkii