….Jamaal, Saddex Sanno Horteed Baanu Sharraxnay, Immikana Haddii Uu Leeyahay La Ilama Tartami Karo, Taas Isagu Xaq Uma Laha Oo Waa Arrin Xisbi
….Jamaal, Saddex Sanno Horteed Baanu
Sharraxnay, Immikana Haddii Uu Leeyahay La Ilama Tartami Karo, Taas Isagu Xaq
Uma Laha Oo Waa Arrin Xisbi”
Eng. Feysal Cali Waraabe Oo Iska Barraxay
Tabashooyinka Musharraxiisa Iyo Isa-seega Soo Noqnoqday Ee Xisbigiisa
Haggaasiyey
“Cirro [Guddoomiyaha WADDANI]
Isagoo Aanay Cidi Aqoon Baan [Anigu] Somaliland Oo Dhan Dusha Ka Saaray
Kadibna Wuu Igu Kibray Waanu I Mijo xaabiyey, Tolkiina….”
“Xisbigii Uu Feysal Aasaasay
2012-kii buu dhammaaday, kanse NEW UCID baa la yidhaahdaa”
Hargeysa (Hubaal) – Guddoomiyaha
Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa markale ka Hadlay khilaafka
xisbigiisa ka dhex jira, waxana uu si cad ugu celiyey in Musharraxnimada
Xisbiga loo tartami doono, isagoo eedona dusha ka saaray Guddoomiye Cirro oo ay
wakhti isku jaal ahaayeen iyo waliba Musharrax Jamaal Cali Xuseen. Guddoomiye
Faysal oo isaga oo ku sugan magaalada Luwanda ee caasimadda wadanka Angola oo
uu shir kaga qayb galay ayaa waraysi uu khadka telefoonka ku siiyey laanta afka
soomaaliga ee BBC-da waxaa uu meesha ka saaray khilaafka xisbigiisa ka dhex
jira, waxana uu sheegay in la gaadhay xilligii lagu tartami lahaa
musharraxnimada Xisbiga UCID, “Runtii khilaaf ma jiree Jamaal waanu sharraxnay,
haddii aanu sharraxnaynay wakhti bay ahayd, imikana wakhtigii wuu isbeddelay oo
salaadba wakhtigeedaa la tukadaa, waana qiimaynaynaa haddii loo bogi waayo.”
Ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe. Guddoomiye Faysal oo Hadalkiisa sii wata, ayaa
khalad ku tilmaamay doodda Jamaal ee sheegaysa inaan cidi la tartami Karin,
waxana uu yidhi, “Haddii musharraxu leeyahay la ilama tartami karo isagu taas
xaq uma lahee xisbigaa iska leh, aniga iyo jamaalna nama dhex taallo’e waa
arrin xisbi.”. Guddoomiye Faysal oo la weydiiyey inuu caan ku yahay
khilaafyada, maadaama ay hore iskugu dhaceen Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo
ay hore Ucid usoo wada ahaayeen, ayaa eedo culus dusha ka saaray Dhiggiisa
Cirro, waxana uu tilmaamay inuu khiyaameeyey, “Xisbiga Ucid Tacab badan baan
geliyey, Cirro-na isagaa igu kibray oo isagoo aan cidi aqoon baan Somaliland oo
dhan dusha ka saaray, ilamana uu shaqaynin, tolkiina cod imuu siinin, markii
dambena wuu I mijo xaabiyey, Jamaal-na waanu sharafnay oo saddex sano horteed
baanu keenay wax allah iyo wax uu soo kordhiyeyna ma jirto, imikana waa la is
qiimaynayaa.” Ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.
Dhinaca kalena Jamaal Cali Xuseen Musharraxa
xisbiga Ucid, oo isna la hadlay HCTV ayaa ku dooday in
tacabkii uu Feysal Cali WAraabe Geliyey Xisbiga UCID uu ku ekaa
2012, balse xisbiga wakhtigan la yidhaahdo New Ucid, taasi oo uu uga
jeedo in sumcadiisa iyo dedaalkiisa uu xisbigu ku soo baxay.
Jamaal ayaa doodiisaasi ku soo
beegmaysaa xilli dhawaan Eng Faysal Cali Waraabe sheegay inaan Jamaal Cali
Xuseen iyo Cabdirashiid Xasan mataan oo ahaa musharaxiinta xisbigu aanay wax
tacab ah xisbiga galin, wixii uu tartankii 2012 kaga soo baxayna ahayd
sumcaddii iyo dedaalkii xildhibaannadii golaha degaanka. Jamaal ayaa ku doodaya
in markii hore Faysal kula heshiiyay musharaxnimada xisbiga balse markii
xisbiga Ucid ku soo baxay tartankii 2012 ee ururadu xisbi qaran ugu soo
baxayeen uu bilaabay khilaaf uu musharaxnimada kaga riixayo Jamaal.
“Gacantaag baa naloogu codeeyey…mar allaale iyo markii aanu doorashada ku
soo baxnay ee uu arkay isbeddel muuqda ayaa ninkii guddoomiyaha haa ee
Feysal Cali Waraabe is beddalay” sidaasi ayuu yidhi Jamaal, waxaaana uu
intaa ku daray isaga oo ka jawaabay su’aal laga weydiiyey cidda tacabka galisay
xisbiga iyo sida loo kala mudnaanayo, “Horta xisbiga [UCID] maaha
xisbigiisii iyo xisbi uu isagu leeyahay, feysal xisbigii uu aasaasay
2012-kii buu dhammaaday, kanse NEW UCID baa la yidhaahdaa”
Blogger:
hajicami.blogspot.com
E-mails: Samater2013@gmail.com
Comments
Post a Comment