Skip to main content

Musharax Muse Biixi Oo Reer Abtigii U Muujiyeen Taageero yo Xaalmarintii Suldaanka Guud.



Musharax Muse Biixi Oo Reer Abtigii U Muujiyeen Taageero yo Xaalmarintii Suldaanka Guud.
 


Hargeysa (Horseednews.com) Guddoomiyaha, ahna murrashaxa madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa Casuumad casho sharaf la isku arkay ah loogu sameeyey huteelka Star ee degmada Maxamuud Haybe ee koonfurta magaalada Hargeysa xalay.
Casuumaddan oo uu sameeyey Gancsade Cismaan Cabdi Xasan oo ah mulkiilaha shirkadaha ganacsiga Star Group, waxa ka qayb-galay madax-dhaqameed uu horkacayey Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, wasiirro, agaasimayaal iyo maareeyayaal ka tirsan madaxda xukuumadda, siyaasiyiin, ganacsato, dhallinyaro iyo marti sharaf kale oo dhammaantood ka soo jeeda deegaanka Koonfurta Hargeysa (Ciidagale), kuwaas oo soo dhawayn iyo bogaadin ku qaabilay Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi murrashaxnimada jagada madaxweynenimo ee xisbiga KULMIYE loogu doortay dhawaan.
Oday Aabi Xujaale oo ku hadlayey afka ganacsade Cismaan Cabdi Xasan, ayaa uga mahadceliyey murrashax Muuse Biixi iyo martida kaleba ka qaybgalka casuumaddaasi.

Suldaan Maxamed Sul. Cabdiqaadir oo hadal ka jeediyey xafladdaasi, ayaa guul ku tilmaamay in Muuse Biixi madaxweyne ka noqdo dalka, isagoo halkaasina xaal kaga siiyey hadal uu hore ugu duray in uu ku sheegay in aanay habboonayn askari madaxweynenimo loogu doorto dalka.

Isagoo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, "Madaxweyne Abtigay ah waan ku faraxsanahay, waxaan leeyahay meesha madaxweyne la’aan baa na dishay aannu abti ka dhiganee. Waxaan xaal ka bixinayaa arrinkii askariga, hadalkuun baa ila martay ee waan aqoonsaday in askarigu dalka waxna uu dhiso, waxna uu dumiyo, markaa sharci allaale iyo sharci odhan kara lama dooran karo ma jiro.

Iminka murrashax baa la yidhi, laakiin annagu waxaannu u haysanaa madaxweynihii dhabta ahaa inuu Muuse yahay, waayo hawlaha qaranka siduu u wadaa waa sidii Madaxweyne u wadi jiray, Ilaahayna waxaan uga baryayaa inuu ku guuleeyo arrintaa, magacaa iyo sharaftaa.”
Waxa kaloo Suldaanku sheegay in madaxweytinimada Muuse Biixi tahay mid cad, waxaannu shacabka iyo beeshiisaba ugu baaqay inay taageeraan, "Ummaddana waxaan leeyahay sida cumaamadaydaa Cad (cumaamad uu degtay ku sitay), caddaaladda, xaqa iyo garsoorkuna waa caddaan, Muuse-na maanta madaxnimadiisu waa caddaan, waanan aqoonsanahay anigu, codkana inuu ku guulaysto ayaan Ilaahay uga baryayaa.

"Muuse aniga isku ayni baanu nahay, gadhna i caddaaday uun baad arkaysaane, isku fasalna waanu ahayn, haddana maanta wuu iga da’yar yahay, markaa waxaan leeyahay madaxweyne da’yar baa idiin kacayee taageera, beeshana waxaan leeyahay xisbiyadii kale muran bay galeen ee xisbi aannu muran ka taagnayn oo xisbal-xaakimka ah ayaa murrashaxiisii uu yahay ee Madaxweynaha dalka in Ilaahay ku guuleeyo aamin dhaha,” ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

Chief Caaqil Cabdiwali Jaamac Cabdi iyo Chief Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Askar, ayaa iyaguna hadallo bogaadin, hambalyo iyo duco ah ku qaabilay murrashax Muuse Biixi Cabdi, waxaanay isku raaceen in ducada abtigu tahay mid kacda oo aan loo warwayn.

Sidoo kale, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah Kaysar Cabdillaahi Maxamed, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Xuseen Dhabbeeye, La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Bulshada Maxamed Iid Dhimbiil iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel) oo iyaguna khudbado ka jeediyey casuumaddaasi, ayaa mahadcelin ay siiyeen ganacsade Cismaan Cabdi Xasan ka sakow waxay dhammaantood ka dhawaajiyeen in iyaga oo ka mid ah xubnaha ku jira xisbiga KULMIYE ay horeba u sahamiyeen madaxtinimada Muuse Biixi Cabdi oo ay ku doorteen shirkii golaha dhexe ee xisbiga, isla markaana waxay ka wada markhaati kaceen inuu yahay nin dalka iyo dadkaba ku leh abaal oo halgan dheer u soo galay Jamhuuriyadda Somaliland xoraynteedii, dhismaheedii ilaa horumarinteedii, sidaasi darteedna waxay soo jeediyeen in laga wada shaqeeyo sidii Madaxweynaha mustaqbalka loogu dooran lahaa murrashax Muuse Biixi.

"Muuse innagu waa in aynu ku garab istaagnaa masuul aad garanaysaan, idiin dhashay, isla markaana ilaa maalintii aynu dhibaatooyinka adag ku jirnay inala soo halgamayey, dhammaanteenna waa in aynu ku dooranaa halgankii dheeraa ee uu inoo soo galay, waa masuulka ugu mudan saddexda murrashax muuqda, waana in aynu abaalkaa eegnaa. Waxaanan rajaynayaa inaad soo dhawayn doontaa, garab iyo gaashaanba siin doontaa.” Sidaa waxa yidhi Wasiir-ku-xigeenka Ganacsiga Mr. Kaysar.
Ugu dambayntii, Guddoomiyaha, ahna murrashaxa madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si wayn uga mahadceliyey casuumadda loo sameeyey iyo taageerada sharaftu ka muuqato ee abtiyaashii u muujiyeen oo uu xusay in ducooyinkoodii horeba loo aqbalay oo uu guulo ku gaadhay, waxa kaloo uu ka mahad sheegtay marar badan oo xubno ka mid ah beesha abtiyaashii isbarbartaageen.

Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, "Sidaa aad tidhaahdeen baa inoo ballan ah oo duco, wadatashi iyo wax wadaqabsi, laakiin hal ayuun baan anigu is leeyahay waa guul haddii aad hesho, waxaan is waydiiyey abtiyaashaa kuu duceeye oo dhawr iyo soddon sanno oo jabhad, buuq iyo siyaasad ku jirtay, aniguna nin xasarad yar maan ahayn, haddana abtiyaashay intaa way i difaacayeen uun oo mar walba meel ay joogaanba gar la igama helin oo la iguma canaanan, abtiyaashay weligood eray xun imay odhan ilaa Qaaxo, halkan iyo meeshaad tagaba qofkii i arkaaba abti, ina abti iyo habaryar ayuun buu yidhaa. Dhawr iyo tobankaa sanno ee aan KULMIYE ku jirayna mar qudha abtiyaashay hiilkooda maan waayin, saddex jeer oo aan tartan cod gacan taag ah xisbiga dhexdiisa aan galay, shirkii Ambassador ee Guddoomiye-ku-xigeenka, kii Burco iyo shirkii u dambeeyey ee murrashaxa la iigu doortay intaba mar qudha abtiyaashay intii ku jirtay xisbigu igamay baydhin, weliba markay sii adkaatana way igu soo wada hadhayeen, markaa raggii iyo hablihii xisbiga ila joogay waxaad ogaataan abtiyaal inay sidaa idiin matalayeen.”

Guddoomiye Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu ku kaftamay, "Haddaba, haddii mid la helo ayuun baan abtinimada xaqiijinayaa, qofka bani’aadamka ah laba goor ayuun baa la yidhaa yaa dhalay, mar waxa la yidhaa waar ninkaa yaa dhalay? Marna waxa la yidhaa waar kan yaa dhalay? Ninku hadduu yahay ganacsade fiican, talo-qabeen, qaadi, geesi dagaallamaya, abwaan iyo ninkastoo laga mamsuudo arrinka ka yimaada waxa la yidhaa waar ninkaa yaa dhalay? Intaa ka soo horjeedkeeda, ninku markuu qalad sameeyana waxa la yidhaa waar kan yaa dhalay?

Markaa waxaad iigu ducaysaan in ninkaa yaa dhalay aan noqdo, taas ayaa idinkana idiin magac ah, if iyo aakhirana inoo wada wanaagsan,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Murrashax Muuse Biixi.



Comments

Popular posts from this blog

Somaliland international partners urge political stakeholders to agree on a timely roadmap election.

  For the first time ever, Somaliland's foreign allies have officially spoken out against the extension of President Bihi's tenure by the house of elders by two years. The international partners emphasized the significance of a consensus-driven process that enables elections to be held as soon as possible in a manner consistent with the technical considerations laid out by Somaliland's National Electoral Commission, without specifically stating whether or not the mandate extension was appropriate. In a statement, they urged the political stakeholders to work together constructively to agree on a timely roadmap for the elections for Somaliland’s democratic credibility and stability. The declaration was made only a few days after opposition parties explicitly criticized the house of elders' decision to extend President Bihi's term by two years and stated they would no longer accept him as "a legitimate president" when his term ends on November 13. a

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE.

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE . Waxaan Hargeisa imid iyada oo dalka lagu jirey dhowr bilood 1991-kii. Waxaana an ka bilaabey shaqo mushaharkeedu yahay $400 bishii. Waxey aheyd mushahar uugu sareeya ee xiligaa qof qaadan jirey. Dalku sida uu dhanyahayba qof mushahar qaataa muu jirin, marka laga reebo dhowr qof oo hey’ado u shaqeyn jirey mooyaane. Madaxweyne ilaa Wasiir iyo Taliye Ciidan ilaa Xildhibaanka Golaha Dhexe ee SMN ka tirsanaa, muu jirin qof hal shilin oo mushahar ah qaadan jirey, haddey bil noqoto iyo haddey sannad noqoto iyo afar sanadood noqotaba. Bal adigu ka warran ummad dhan oo dawlad ah, oo ciidan leh oo bileys leh oo wasiiro leh, oo macalimiin leh oo dhakhtaro leh, oo dawladda hoose leh, oo jeel maxaabisi ku xidhantahay leh, oo maxkamado leh, oo idaacad aroor iyo habeenba hadasha leh, oo hadana aanu ku jirin hal qof oo mushahar qaataa. Dadkaasi sida ay dhanyihiin wey soo shaqo tagaan aroor kasta 8-da

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA”

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA” - Guddoomiyaha/ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyey duhurkii Maanta. Muuse Biixi Cabdi oo kolkii la soo dhaweeyey kaddib fagaare kala hadlay Taageerayasha soo dhaweeyey, ayaa u mahad naqay bulshada reer Burco ee halkan ku soo dhaweeyey, isagoo ku hambalyeeyey doorka ay kaga jiraan guulaha xisbiga Kulmiye tan iyo markii la aasaasay . guddoomiyaha ayaa sidoo kale shacbiga Gobolka Togdheer ku booriyey inay ka qayb-qaataan diwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee laga bilaabayo Gobolka Togdheer. waxaan salaan idiinka sidaa Madaxweynaha Somaliland, aasaasihii Kulmiye, guddoomiyihii SNM ee halganka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo Shacbiga la hadlayey. ” waxa kale oo aan idiinka mahad naqaya codkii