Saturday, 19 March 2016

WARBAAHINTA CAALAMKA OO SAADAALISAY IN SOMALILAND 2017 MUJ.MUUSE BIIXI CABDI MADAXWAYNE KA NOQONAYO

WARBAAHINTA CAALAMKA OO SAADAALISAY IN SOMALILAND 2017 MUJ.MUUSE BIIXI CABDI MADAXWAYNE KA NOQONAYO
 Haji cami
Wargeyska caanka ah Africaintelligence ee ka faalooda arrimaha siyaasada Afrikada Bari ayaa, cadadkiisi maanta(18/03/2016) maqaal dheer kaga faaloodey saadaalinta Beesha Caalamka ee natiijada Doorashada Madaxweynaha Somaliland ee la filayo in ay dhacdo horaanta sannadka fooda inagu soo hayaa 2017.  Wargeyskan ayaa, faaladiisa ku sheegey in bilihii u dambey Murashax Muuse Biixi Cabdi toos ula wareegey hogaaminta Siyaasada Arrimaha Debbada Somaliland, waxaanu dhawaan socdaal xog wareysi ah ugu direy wadamada Deriska wafdi La Taliyaashiisa Arrimaha Debbada ah oo u hogaaminaayo La Taliyihiisa Gaarka ah, Dr. Maxammed Cabdilaahi Cumar, Wasiirkii Hore Arrimaha Debbada Somaliland. Wargeyska ayaa, sheegey in horaantii bishan uu wafdigaas la kulmey Xildhibaanada Congreska Mareykanka, Dana Rohrabacher iyo Chris Smith oo xubno ka ah Guddida Arrimaha Debbada Golaha Congreska Mareykanka «  Foreign Affaires Comity ». Wafdigan Somaliland ee Murashax Muuse Biixi Cabdi direy ayaa sidoo kale la kulmey Saraakiil Sar-Sare oo ka tirsan Xafiiska Arrimaha Debbada ee Midawga Yurub. Wafdigan Somaliland ayaa Xildhibaanada Congreska Maraykanka iyo Saraakiisha Reer Yurub uga xog waramey Siyaasada Xisbiga Kulmiye iyo Murashaxoodu ku hogaamin doonaan Somaliland 5-ta sanno ee soo socota haddii ay Doraashada ku guuleystaan.
Dhanka kale, wargeyska ayaa, sheegey in Dawlada Federaalka Soomaaliya aad uga war-warsan tahey saadaasha Beesha Calaamka ee Doorashada Somaliland tiiyo wadahadaladii Somaliland-Soomaaliya haatan hakad ka yimi dhanka Somaliland soo galey. Walaaca Madaxda Dawlada Federaalka Soomaaliya ayuu wargeysku ku tilmaamey mid la xidhiidha shaqsiyaadka Murashax Muuse Biixi Cabdi oo Dawlada Soomaaliya ogtahey halka uu ka taagan hayey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland. Dawlada Soomaaliya ayaa aaminsan in wadahadaladu adkaan doonaan haddii kursiga Somaliland looga arimiyo uu ku fadhiisto Mudane Muuse Biixi Cabdi.
Si kasta ha ahaante Haddii saadaasha Beesha Caalamku rumowdey ayaa noqon doonta Guul weyn oo u soo hoyatey Somaliland iyo Shacabkeeda, waxaana arrintaas daliil u ah walaaca durba ka soo yeedhaaya Madaxda Dawlada taagta daran ee Soomaaliya.

Blogger: Haji Cami
Hargeisa Somaliland

Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...