Skip to main content

Posts

Showing posts from May, 2016

Somaliland - Run Aan Weli La Isu Sheegin.

Somaliland - Run Aan Weli La Isu Sheegin. M uddo iminka qiyaastii laga joogo 3 sandood, ayaa waxa fariin email ah ii soo dirtey gabadh joogta magaalada London, waxaana ay igu tidhi, fadlan tilifoonkaaga ii soo dir, inan kula hadlo ayaan doonayaaye. Waa gabadh firfircoon oo aad uugu halganta horumarinta Soomaaliland. Waxa an xilligaa joogey magaalada Sanca. Nambarkii tilifoonkeyga ayaan u direy gabadhii. Waxa ay gabadhaasi daba socotey maqaal an qorey oo warbaahinta ku soo baxey oo qeyb ka ahaa taxanayaal an kaga hadlayo mustaqbalka Soomaaliland. Gabadhii tilifoon ayey ii soo dirtey oo waxa ay i weydiisey, sababta an uugu maleeyey in Soomaaliland mareyso dariiq qaldan marka ay timaaddo ictiraaf raadinta iyo gooni isu taagga. Waan u jawaabey intii aqoonteydu aheyd. Gabadhiina arimaha qaarkood wey igu diidey. . Xiligaasi gabadhu ila soo hadashey, waxa an qori jirey qeybo ka mid ah buug yar oo an qori jirey oo magaciisu ahaa ‪#‎ ICTIRAAF_Raadinta_Wax_Aan_La_Garaneyn . Qoraaladey

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE.

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE . Waxaan Hargeisa imid iyada oo dalka lagu jirey dhowr bilood 1991-kii. Waxaana an ka bilaabey shaqo mushaharkeedu yahay $400 bishii. Waxey aheyd mushahar uugu sareeya ee xiligaa qof qaadan jirey. Dalku sida uu dhanyahayba qof mushahar qaataa muu jirin, marka laga reebo dhowr qof oo hey’ado u shaqeyn jirey mooyaane. Madaxweyne ilaa Wasiir iyo Taliye Ciidan ilaa Xildhibaanka Golaha Dhexe ee SMN ka tirsanaa, muu jirin qof hal shilin oo mushahar ah qaadan jirey, haddey bil noqoto iyo haddey sannad noqoto iyo afar sanadood noqotaba. Bal adigu ka warran ummad dhan oo dawlad ah, oo ciidan leh oo bileys leh oo wasiiro leh, oo macalimiin leh oo dhakhtaro leh, oo dawladda hoose leh, oo jeel maxaabisi ku xidhantahay leh, oo maxkamado leh, oo idaacad aroor iyo habeenba hadasha leh, oo hadana aanu ku jirin hal qof oo mushahar qaataa. Dadkaasi sida ay dhanyihiin wey soo shaqo tagaan aroor kasta 8-da