Hargeysa() Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi
Cabdi, ayaa kulan gaar ah la yeeshay ergayga gaarka ah ee xog-hayaha
qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador
Michael Keating oo dalka booqasho ku jooga.
Kulankan oo xarunta
qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ka qabsoomay maanta, ayaa
waxa madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne ku-xigeenka Somaliland,
Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirrada arrimaha
gudaha iyo dibadda Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Dr. Sacad Cali Shire,
waxaana ay labada dhinac kulankooda diiradda ku saareen arrimo door ah
oo salka ku haya sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka ay Somaliland
la leedahay qaramada midoobay, isla markaana loo abuuri lahaa jawi hufan
oo ay labada dhinac ku wada shaqeeyaan.
Kulanka uu madaxweyne
Muuse Biixi Cabdi la qaatay ergayga gaarka ah ee xog-hayaha qaramada
midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya oo ahaa mid albaabadu u
xidhan yihiin, ayaa markii uu soo dhammaaday waxa warbaahinta
faah-faahin ka siiyey wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire,
waxaana uu tilmaamay inay labada dhinac kulankooda ku lafo-gureen sidii
kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka dhinacyada kala duwan leh ee ka
dhexeeya Somaliland iyo Qaramada midoobay, waxaana isaga oo arrimahaas
ka hadlaya uu yidhi, “Wefti ka socda qaramada midoobay oo uu
hoggaaminayo ergayga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee jimciyadda
quruumaha ka dhaxaysa , ayaa halkan inoogu yimi, waxaana isaga iyo
weftiga uu hoggaaminayaaba la kulmeen madaxweynaha Jamhuuriyadda
Somaliland, waxaana ay ka wada hadleen waxyaabo badan oo la xidhiidha
shaqada iyo is-kaashiga jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa iyo Somaliland,
waxyaabaha ay ka wada-hadleen waxa kamid ah arrimo la xidhiidha
siyaasadda, dimuqraaddiyadda, nabad-gelyada, dhaqaalaha iyo mucaawimada,
kulankaasina si wanaagsan iyo jawi wanaagsan ayuu ku dhacay, waxaana
aanu rajaynaynaa in xidhiidhkii wanaagsanaa ee wada-shaqaynta ahaa ee
aynu la lahayn Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa uu halkaas kasii socon
doono.”
Eargayga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan
Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Michael Keating halkaas ka
hadlay, ayaa si qoto dheer u sharraxay waxyaabaha ay sida gaarka ah uga
wada-hadleen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo ujeeddada uu
dalka u yimi, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “ Halkan
waxan u imi inaan kulan la qaato madaxweynaha cusub, waxaana aanu kulan
heersare ah ka yeelanay meelaha ay muhiimadda gaarka ah siinayso
xukuumadda cusubi iyo sidii aan shacabweynaha reer Somaliland ugu
hambalyeyn lahaa madaxweynaha cusub ee ay doorteen sanadkii hore, isla
markaana aan muhiimad gaar ah siiyo qorsheyaasha xukuumadda cusub, sida
ammaanka, ka hortagga abaaraha, shaqo-abuurka loo samaynayo da’yarta,
xoojinta caafimaadka iyo waxbarashada, madaxweynahana waxaan u sheegay
inay qaramada midoobay diyaar ula tahay sidii ay Somaliland uga taageeri
lahayd wixii caqabado ah ee jira
Political , Security and Diplomatic Analyzer In Horn Africa and Beyond. Abdiaziz Jama Haji Cami, a keen observer of Somaliland's political landscape, holds an MA in Diplomacy and Peace and Conflict Studies, focusing on the intricacies of modern diplomacy and conflict resolution. He passionately advocates for Somaliland's international recognition and its democratic aspirations
Subscribe to:
Posts (Atom)
Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.
Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...

-
The letter from the President of Somalia to the United States regarding the Berbera Port and Airport is significant in several ways, par...
-
Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...
-
Doorashada Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Mahmoud Ali Youssouf, inuu noqdo Guddoomiyaha Cusub ee Guddiga Midowga Afrika (AUC) waxay y...