Skip to main content

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Kulan Gaar ah La Qaatay Ergayga Qaramada Midoobay u Qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya

Hargeysa() Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan gaar ah la yeeshay ergayga gaarka ah ee xog-hayaha qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Michael Keating oo dalka booqasho ku jooga.
Kulankan oo xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ka qabsoomay maanta, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirrada arrimaha gudaha iyo dibadda Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Dr. Sacad Cali Shire, waxaana ay labada dhinac kulankooda diiradda ku saareen arrimo door ah oo salka ku haya sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka ay Somaliland la leedahay qaramada midoobay, isla markaana loo abuuri lahaa jawi hufan oo ay labada dhinac ku wada shaqeeyaan.
Kulanka uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi la qaatay ergayga gaarka ah ee xog-hayaha qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin, ayaa markii uu soo dhammaaday waxa warbaahinta faah-faahin ka siiyey wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, waxaana uu tilmaamay inay labada dhinac kulankooda ku lafo-gureen sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka dhinacyada kala duwan leh ee ka dhexeeya Somaliland iyo Qaramada midoobay, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Wefti ka socda qaramada midoobay oo uu hoggaaminayo ergayga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa , ayaa halkan inoogu yimi, waxaana isaga iyo weftiga uu hoggaaminayaaba la kulmeen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana ay ka wada hadleen waxyaabo badan oo la xidhiidha shaqada iyo is-kaashiga jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa iyo Somaliland, waxyaabaha ay ka wada-hadleen waxa kamid ah arrimo la xidhiidha siyaasadda, dimuqraaddiyadda, nabad-gelyada, dhaqaalaha iyo mucaawimada, kulankaasina si wanaagsan iyo jawi wanaagsan ayuu ku dhacay, waxaana aanu rajaynaynaa in xidhiidhkii wanaagsanaa ee wada-shaqaynta ahaa ee aynu la lahayn Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa uu halkaas kasii socon doono.”
Eargayga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Michael Keating halkaas ka hadlay, ayaa si qoto dheer u sharraxay waxyaabaha ay sida gaarka ah uga wada-hadleen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo ujeeddada uu dalka u yimi, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “ Halkan waxan u imi inaan kulan la qaato madaxweynaha cusub, waxaana aanu kulan heersare ah ka yeelanay meelaha ay muhiimadda gaarka ah siinayso xukuumadda cusubi iyo sidii aan shacabweynaha reer Somaliland ugu hambalyeyn lahaa madaxweynaha cusub ee ay doorteen sanadkii hore, isla markaana aan muhiimad gaar ah siiyo qorsheyaasha xukuumadda cusub, sida ammaanka, ka hortagga abaaraha, shaqo-abuurka loo samaynayo da’yarta, xoojinta caafimaadka iyo waxbarashada, madaxweynahana waxaan u sheegay inay qaramada midoobay diyaar ula tahay sidii ay Somaliland uga taageeri lahayd wixii caqabado ah ee jira

Comments

Popular posts from this blog

Somaliland international partners urge political stakeholders to agree on a timely roadmap election.

  For the first time ever, Somaliland's foreign allies have officially spoken out against the extension of President Bihi's tenure by the house of elders by two years. The international partners emphasized the significance of a consensus-driven process that enables elections to be held as soon as possible in a manner consistent with the technical considerations laid out by Somaliland's National Electoral Commission, without specifically stating whether or not the mandate extension was appropriate. In a statement, they urged the political stakeholders to work together constructively to agree on a timely roadmap for the elections for Somaliland’s democratic credibility and stability. The declaration was made only a few days after opposition parties explicitly criticized the house of elders' decision to extend President Bihi's term by two years and stated they would no longer accept him as "a legitimate president" when his term ends on November 13. a

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE.

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE . Waxaan Hargeisa imid iyada oo dalka lagu jirey dhowr bilood 1991-kii. Waxaana an ka bilaabey shaqo mushaharkeedu yahay $400 bishii. Waxey aheyd mushahar uugu sareeya ee xiligaa qof qaadan jirey. Dalku sida uu dhanyahayba qof mushahar qaataa muu jirin, marka laga reebo dhowr qof oo hey’ado u shaqeyn jirey mooyaane. Madaxweyne ilaa Wasiir iyo Taliye Ciidan ilaa Xildhibaanka Golaha Dhexe ee SMN ka tirsanaa, muu jirin qof hal shilin oo mushahar ah qaadan jirey, haddey bil noqoto iyo haddey sannad noqoto iyo afar sanadood noqotaba. Bal adigu ka warran ummad dhan oo dawlad ah, oo ciidan leh oo bileys leh oo wasiiro leh, oo macalimiin leh oo dhakhtaro leh, oo dawladda hoose leh, oo jeel maxaabisi ku xidhantahay leh, oo maxkamado leh, oo idaacad aroor iyo habeenba hadasha leh, oo hadana aanu ku jirin hal qof oo mushahar qaataa. Dadkaasi sida ay dhanyihiin wey soo shaqo tagaan aroor kasta 8-da

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA”

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA” - Guddoomiyaha/ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyey duhurkii Maanta. Muuse Biixi Cabdi oo kolkii la soo dhaweeyey kaddib fagaare kala hadlay Taageerayasha soo dhaweeyey, ayaa u mahad naqay bulshada reer Burco ee halkan ku soo dhaweeyey, isagoo ku hambalyeeyey doorka ay kaga jiraan guulaha xisbiga Kulmiye tan iyo markii la aasaasay . guddoomiyaha ayaa sidoo kale shacbiga Gobolka Togdheer ku booriyey inay ka qayb-qaataan diwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee laga bilaabayo Gobolka Togdheer. waxaan salaan idiinka sidaa Madaxweynaha Somaliland, aasaasihii Kulmiye, guddoomiyihii SNM ee halganka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo Shacbiga la hadlayey. ” waxa kale oo aan idiinka mahad naqaya codkii