Skip to main content

Posts

Showing posts from January, 2018

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Kulan Gaar ah La Qaatay Ergayga Qaramada Midoobay u Qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya

Hargeysa() Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan gaar ah la yeeshay ergayga gaarka ah ee xog-hayaha qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Michael Keating oo dalka booqasho ku jooga. Kulankan oo xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ka qabsoomay maanta, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirrada arrimaha gudaha iyo dibadda Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Dr. Sacad Cali Shire, waxaana ay labada dhinac kulankooda diiradda ku saareen arrimo door ah oo salka ku haya sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka ay Somaliland la leedahay qaramada midoobay, isla markaana loo abuuri lahaa jawi hufan oo ay labada dhinac ku wada shaqeeyaan. Kulanka uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi la qaatay ergayga gaarka ah ee xog-hayaha qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihii