Skip to main content

Madaxweynaha Somaliland Oo Daah-Furay Barnaamijka Carbiska Shaqo Qaran

Madaxweynaha Somaliland Oo Daah-Furay Barnaamijka Carbiska Shaqo Qaran


Darar-weyne-03-03-2019-()–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Barnaamijka carbiska dhallinta ee shaqo qaran oo kamid ah tiirarkii halbawlaha u ahaa ballanqaadyadii xisbiga KULMIYE bulshada la galay waqtiyadii ololaha.
Munaasibadda Daah-furka barnaamijka shaqo qaran oo lagu qabtay deegaanka Darar-weyne oo hangarro waaweyn oo qalabaysan looga dhisay dhallinyarada barnaamijkan ku guulaysatay, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, shir-guddoonka golaha wakiillada, saddex kamid ah madaxweyne ku xigeenadii dalka soo maray, hoggaanka axsaabta qaranka, talliyayaasha ciidamada kala duwan ee qaranka, hormuudka jaamacadda Hargeysa, xubno kamid ah golaha wasiirrada, safiirka dalka jabuuti u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland, dhallinyarada ku gudo jirta barnaamijka carbiska ah ee shaqo qaran.
Ugu horrayn madaxweynuhu waxa uu kormeeray hangarrada jiifka, cuntada iyo kuwa waxbarashada ee xukuumaddu u diyaarisay dhallinyarada ku jirta barnaamijka carbiska shaqo qaran, halkaas oo lagu diyaariyey dhammaanba wixii ay u baahnaayeen muddada ay halkaasi ku jiri doonaan.
Agaasimaha barnaamijka shaqo qaran, mudane Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’addin) oo munaasibadda daah-furka barnaamijka carbiska shaqo qaran ka hadlay, ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee uu barnaamijkani soo maray iyo sida ay uga fikireen sidii uu barnaamijkani u noqon lahaa mid mustaqbalka fog loo aayo oo midho wanaagsani kasoo bixi karaan, waxana uu tilmaamay inuu ka mid yahay himilooyinkii madaxweynaha qaranka oo haatan la hirgeliyey, waxana uu yidhi, “Maanta waa maalin weyn oo taariikhda qaranka kamid noqotay oo ay inoo hirgashay himilo uu madaxweynaheennu horseed inoogu ahaa oo aynnu hananay hammigii fogaa, soona noolaysay curfigii ahaa maxaad taqaan oo saaxadda ka saaray ayaad taqaan. Waa maalin aynnu haloosiyeyno hayaanka horumarka dhallinyarteenna.”
Agaasimuhu waxa uu shaaciyey inuu barnaamijkani kamid ahaa qorsheyaashii uu xisbiga KULMIYE dhallinyarada reer Somaliland u ballan-qaaday xilliyadii ololaha oo haatan fulintiisii bilaabantay, “Barnaamujka shaqo qaran waxa uu ka dhashay hindisihii iyo hal-abuurkii madaxweynaha ee ku aaddanaa horumarinta iyo jihaynta dhallinyarada Somaliland, taas ayuuna kaga mid noqday himilooyinkii ugu mudnaa ee uu xisbiga KULMIYE u ballan-qaaday dhallinta Somaliland xilligii doorashada,” ayuu yidhi agaasime Maxamed Xuseen Faarax.
Kayse Cige Cali iyo Hodan Jirde Maax oo kamid ah dhallinyarada ku guulaysatay barnaamujka carbiska shaqo qaran oo hadal kooban madasha ka jeediyey, ayaa ballan qaaday inay hawshaas sidii ay ahayd uga soo bixi doonaan, kuna qanacsan yihiin sida ay hawshu ugu socoto, iyaga oo si gaar ah ugu mahadnaqay ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Taliyaha ciidamada qaranka, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo wasiirka wasaaradda gaashaandhigga, Mudane Ciise Axmed Yuusuf oo munaasibadda ka hadlay, ayaa da’yarta barnaamijka carbiska shaqo qaran ku dhiirrigeliyey inay ka midho dhaliyaan dedaalka iyo waqtiga la geliyey, isla markaana lafahooda iyo qarankoodaba uga faa’iideeyaan.
Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee xisbiga WADDANI, Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo munaasibadda hadallo kooban ka jeediyey, ayaa muujiyey sida ay xisbi ahaan ula dhacsan yihiin barnaamijka shaqo qaran ee lagu carbinayo dhallinyarada jaamacadaha dalka kasoo baxday, waxana uu dhallinyarada barnaamijka ku jirta kula dardaarmay inay maanka ku hayaan abaalka iyo dedaalka uu qaranku geliyey, una dhabar -adaygaan caqabadaha kaga yimaadda ka midho dhallinta hammigooda.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa isaguna dhankiisa barnaamijka shaqo qaran ku tilmaamay tallaabo da’yarta faa’iido badan u leh, kana baajin karta tahriibkii iyo niyadjabkii soo wajihi jirey, waxana uu caddeeyey inay si buuxda u garab taagan yihiin hirgelinta barnaamijkan iyo ka midho-dhalintiisaba.
Guddoomiyaha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Baashe Maxamed Faarax, ayaa isaguna soo dhaweeyey mashruuca shaqo qaran ee da’yarta dalka looga faa’iidaynayo, waxana uu dhallinyarada kula dardaarmay inay u samraan muddada uu tababarku socdo oo aanay dhib u arkin.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn bogaadiyey cid kasta oo ka qaybgashay hirgelinta barnaamijkan iyo ka midho dhalintiisa, isaga oo guul ku tilmaamay inuu mashruucani hirgalay iyada oo aanay jirin gacan dibadeed oo ina caawisay, isla markaana uu tusaale wanaagsan u yahay in isu-tagga bulshada lagu gaadhi karo guulo waaweyn oo taariikhi ah.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in qorshaha qaranku yahay sidii uu barnaamijkani u noqon lahaa mid mustaqbalka sii socda, taasina ay u baahan tahay iskaashi bulshada oo dhan ah, “Qorshaheennu waa inuu barnaamijkani noqdo mid waligii jira oo qaranku ka dhismo oo uu noqdo mid qaranka la socda oo aannu noqonin mid halkaas ku ekaada oo hoggaaminta dalka iyo ragga siyaasadda hoggaamin doonaa ka dhismaan oo ay diblomaasiyiintu ka dhismaan oo ay hablaha dhakhtarrada ah ee ugu waaweyni ka dhismaan, taasina waxa ay ku imanaysaa qaranka oo dhan oo iska kaashada oo la arko muhiimadda uu leeyahay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa si kooban dhallinyarada ugu sharraxay ujeeddooyinka barnaamijka shaqo qaran laga doonayo iyo sida ay muhiimka u tahay in danta guud xil la iska saaraan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxad halkan ku baranaysaan oo la doonayaa inaad erayga ah ANIGA ka baxdaan oo aad ku beddeshaan INNAGA, markaas uun baynu wax noqon karnaa, markaad innaga tihaahdaana waxay noqonaysaa inaad mar walba eegto maxaad ummadda u qabataa.”
Ujeeddada barnaamijka carbiska shaqo qaran laga leeyahay ayaa waxa kamid ah, dhiirrigelinta dhallinyarada iyo kor u qaaddida dhaqanka mutadawacnimada iyo iskafaalo-qaadka bulsheed , sugidda caddaaladda iyo u sinnaanta bulshada ee fursadaha shaqada, tababarka iyo shaqo-gelidda, waxana loogu talo galay dhallinyarada muwaadiniinta ah ee kasoo qalinjabisa jaamacadaha dalka iyo kuwa dibadda, ka qaybgalkiisuna waa ikhtiyaari

Comments

Popular posts from this blog

Somaliland international partners urge political stakeholders to agree on a timely roadmap election.

  For the first time ever, Somaliland's foreign allies have officially spoken out against the extension of President Bihi's tenure by the house of elders by two years. The international partners emphasized the significance of a consensus-driven process that enables elections to be held as soon as possible in a manner consistent with the technical considerations laid out by Somaliland's National Electoral Commission, without specifically stating whether or not the mandate extension was appropriate. In a statement, they urged the political stakeholders to work together constructively to agree on a timely roadmap for the elections for Somaliland’s democratic credibility and stability. The declaration was made only a few days after opposition parties explicitly criticized the house of elders' decision to extend President Bihi's term by two years and stated they would no longer accept him as "a legitimate president" when his term ends on November 13. a

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE.

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE . Waxaan Hargeisa imid iyada oo dalka lagu jirey dhowr bilood 1991-kii. Waxaana an ka bilaabey shaqo mushaharkeedu yahay $400 bishii. Waxey aheyd mushahar uugu sareeya ee xiligaa qof qaadan jirey. Dalku sida uu dhanyahayba qof mushahar qaataa muu jirin, marka laga reebo dhowr qof oo hey’ado u shaqeyn jirey mooyaane. Madaxweyne ilaa Wasiir iyo Taliye Ciidan ilaa Xildhibaanka Golaha Dhexe ee SMN ka tirsanaa, muu jirin qof hal shilin oo mushahar ah qaadan jirey, haddey bil noqoto iyo haddey sannad noqoto iyo afar sanadood noqotaba. Bal adigu ka warran ummad dhan oo dawlad ah, oo ciidan leh oo bileys leh oo wasiiro leh, oo macalimiin leh oo dhakhtaro leh, oo dawladda hoose leh, oo jeel maxaabisi ku xidhantahay leh, oo maxkamado leh, oo idaacad aroor iyo habeenba hadasha leh, oo hadana aanu ku jirin hal qof oo mushahar qaataa. Dadkaasi sida ay dhanyihiin wey soo shaqo tagaan aroor kasta 8-da

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA”

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA” - Guddoomiyaha/ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyey duhurkii Maanta. Muuse Biixi Cabdi oo kolkii la soo dhaweeyey kaddib fagaare kala hadlay Taageerayasha soo dhaweeyey, ayaa u mahad naqay bulshada reer Burco ee halkan ku soo dhaweeyey, isagoo ku hambalyeeyey doorka ay kaga jiraan guulaha xisbiga Kulmiye tan iyo markii la aasaasay . guddoomiyaha ayaa sidoo kale shacbiga Gobolka Togdheer ku booriyey inay ka qayb-qaataan diwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee laga bilaabayo Gobolka Togdheer. waxaan salaan idiinka sidaa Madaxweynaha Somaliland, aasaasihii Kulmiye, guddoomiyihii SNM ee halganka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo Shacbiga la hadlayey. ” waxa kale oo aan idiinka mahad naqaya codkii