Tuesday, 29 September 2015

Jahawareer Dimuquraadiyadeed!



Jahawareer Dimuquraadiyadeed!


In kastoo horumarku socdo oo maalin walba talaabo hore loo qaadayo dhanka dib u dhiska,haddana maalmuhu way isku eeg yihiin Tobankii sanno ee u dambeeyey dalkeena #Somaliland. Fariimaha ay sidaan waa isku dhaw yihiin haddii aanay ahayn iskumid mase ah. Arrimo badan oo daryeel iyo wax ka qabasho u baahnaa waxay u eegyihiin sidii ay ahaayeen maalmihii laga soo gudbay. Wax ka qabashadaasi waxa inagga mashquuliyay madax xanuunkan dimuquraadiyadeed ee sida baaxad leh inoo haya, jahawareer ayuu innagu riday oo waynu iska daba wareegaynaa.
Tobankii sanno ee u dambeeyey, Mucaarid & Muxaafid ba waxa ka hadalkeed  iyo jawaabteed lagu mashquul  yahay doodo ay dimuquraadiyadu jahawareerisay oo soo noq-noqonaya. Doodahaasi, khilaafyo mararka qaar dhiig ku daato ayay keenaan, xalse dag dag ah oo la is asturayo ayaa laga gaadhaa iyadoon cidina eeda qaadan. Xalka khilaafka laga gaadhaa ma ahan mid si waarta meesha uga saaraya arrimihii khilaafka keenay.
Madax xanuun ka dimuquraadiyadu innagu jahawareerisay bulsho ahaan waxaa sal u ah doodahan oo tabankii sano eeu dambeeyey taagan; Reer galool oo ku biiray xisbi hebel, Shuruucda doorashada ha la saxo, Baarlamankaa waajibkiisa qabsan waayay, mayee xukuumadda ayaan shaqadeeda qabsan oo ku fashilan tay maamulka dalka, annagu xukuumad ahaan shuruucdii waanu gudbinay lacagtii doorashadana intayadii waa diyaar oo miisaaniyadda ayaanu ku darnay, Doorashadu wakhtigeedii ha kuqabsoonto,  hadday qabsoomi waydo dawlad wadaaga ayanu dhisi, dalku sharci buu leeyahay, sharcigaa la raaci, doorashada kuma qaban karno wakhtigeedii oo wakhti cusub ayaanu cayinay, xukuumadda muddo kordhin baanu u samaynaynaa iyo Guurtidu ma kordhin karaan muddo ka badan mudada komishanka doorashooyinku cayimeen. Beesha caalamka ayaanu waraaqo u qornay, Maraykan, Ingiriis iyo reer Galbeed baa xukuumadda si adag ula soo hadlay. Waxay ku hanjabeen in doorashadu aanay dhaafin maalin wakhtiga ay KDQ cayimeen!!!!. Ma xasuusatay recordkii Cajaladaha lagu dhagaysanayo cuni jiray eequuq da guri jiray markuu cajalada cunayo.
Bal adba! Miyaan madax xanuun dimuquraadiyadeed innagu dhicin, intaasi wax ka badan miyaynu maqlaynay sidaynu xisbiyadan badan iyo hawlan u galnayba. Ma qorshe xumaa jirta, ma hiigsi dheer ayaan jirin, miyaynaan diyaar u ahayn carqaladahaasi in laga gudbo. Maxaa mid ka midah uun looga gudbi waayay 10 sanno ee u dambeeyey, si aynu biyaha, caafimaadka, waxbarashada iyo waxsoosaarka ugu mashquulno.  Miyaynaan qayb weyn ka ahayn bulsho ahaan,mar haddii aynaan uba fikirayn – waar yaa innaga saaraya arrimahan murgan oo arrimaha jid toosan ku ridaya. Illaa si run ah aynu u fikirno oo aynu is nidhaa arrimahan sidaynu uga hortagnaa in ay mar dambe soo noqdaan, arrimahani way iman.



No comments:

Post a Comment

Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...