Maxkamadda Hargeysa Oo Xukun Rumaan ah u Dirtay Afartii Fanaan Ee Xidigaha Geeska
Hargeysa Maxkamada Gobolka Hargeysa
ayaa Maanta Todoba cisho oo Rumaan ah u dirtay Fanaaniinta Afartii Fanaan ee ka
Tirsanaa Xidigaha Geeska.
Fanaaniintan oo Maalintii Axadii
laga Qabtay Madaarka Cigaal ee Hargeysa kuwaasi oo ka soo laabtay Bandhig
faneed maalintii ciida ay ku dhigeen Magalada Muqdisho, fanaaniintan ayaa saaka
la horgeeyay maxkamadda gobolka Hargeysa,waxaana ay maxkamaddu u dirtay xukun 7
maalmood oo xabsiga ah kaasi oo ay ku sheegtay in kiis kooda lawado waxaana ay
sheegtay in 7 maalmood kadib rumaankood maxkamadda la horkeeni doono markaasna
lagu ridi doono xukunka ay mutaysteen ee ay ku xidhan yihiin.
Fannaaniinta Xidigaha Geeska ayaa maanta
markii ugu horreysay la hor keenay maxkamadda Hargeysa iyaga oo gacmaha ka
katiinadeysan.Afarta fannaan oo kala ah Nimcaan Hillaac, Xamda Queen, Maxamed Axmed Baakaal iyo Cabdiraxmaan Caydiid Cabdi ayaa booliiska Somaliland ay xireen maanlintii Axaddii iyagoo markaasi hooballadu ka soo laabtay magaalada Muqdisho.
Fadlan ka soo dhiibo aragtidaada.
Comments
Post a Comment