Skip to main content

Waxan u ambabaxay laascanood. Sannadku waa 1997 ayaan u maleynayaa. Maqrib ayaan Burco gaadhney. Asxaabtii ila socotey ayaa tidhi, an caaw burco seexanno, marka an salaadda subax tukanana an ambabaxno. Sidii ayaan yeelney. Buco ayaan 5ti subaxnimo ka ambabaxney. Waxan ka quraacanney tuulo ka shisheysa ina Afmadoobe. Markii beer iyo suqaar lanoo keeney, ayay noo soo raciyey roodhidii leydhka oo shaaxid ah. Direewalkii ila socdey ayaa weydiiyey oo yidhi roodhidan heerka sare ah xageed ka keentey. Waxay yidhaahdeen arookasta WARSAME BAKERY ayaa noo keena. Hadda waa roodhi Hargeisa lagu soo dubay oo daray ayaa ayaa lagu cunayaa tuulooyin ku yaala gobolka togdheer iyo Sool. Direewalkeygii ayaa yidhi, warsame jabuuti ayaanu isku naqaaney. Waxa uu direewalkii yidhi: waxa an la yaabanahay sida aanu warsame iiga tag rooneyn iyo halka an manta kala joogno. Direewalku isagaaba hadalkii dhameeyo wuxu yidhi, anna waxa an maalin oo dhan ka fikiraa roodhida ay cunayaanreerkeygu iyo sidii an u soo saari lahaa, warasamena wuxuu ka fakirayaa inusameeyo roodhida ay cunayaa dadka dalka ku nool oo dhan. Wuxu yidhi, hadda ninkani waxba ima dhaamo oo anaaba ka fariidsanaa. Maantana wuxu gadhey inu yidhaa magaalo iyo tuulo kasta qofka ku nool markuu soo toosu ha cuno roodhi an Hargeisa ku soo dubay oo iyada oo kulul uugu tagta meeshiisa Kolba inta ad hadaf ka dhigato uunbuu itaalkaaguna yahay. Hadduu hadafkaagu yahay wax ad ku noolaato uun hel ama shaqo yar oo ad reerkiina kirada kaga bixiso hel. Ama haduu hadafkaagu yahay, hooyadaa wey daashee adigu biilkii reerka soo saar. Itaalkaguna intaas ayuunbuu sidii saacad otoomaatik ah isku buuxinayaa. Itaalka laguu sheegaa waxa uu la shaqeeyaa maskaxdaada iyo hab fikirkaaga. Halkaa ad fikirkaagu ku joogo uunbuu itaalkaaguna isku taagayaa. Haddii ad injineer tahay, oo fikirkaagu yahay bal sanadkii 3 guri ood qandaraasato hel, 3 daa guri uunbaa itaalkaagu noqonayaa. Balse, haddaad tahay ingineer dhalin yar oo ka fakirayaa sideed u hindistaa aqalo qurux badan, balse raqiis ah oo laga yaabo in qiimoohoodu gaadho $10,000 oo ay dhalinyarada shaqeysaa iibsan karto oo ay ku guursan karto, oo ad fikirkaa ficil ku darto, laga yaabee inad 100,000 oo dhalinyaro ah u suuro geliso iney guryo qurux badan yeeshaan. Fikirkaaga iyo jeebka ad is daba dhigeyso jooji. Lacag la’aantu yey maskaxda kaa wasakheyn. Ha is odhan waxba ma bilaabi kartid maadaama aanad lacag heysan. Inta badan maskaxdu waxa ay shaqeysaa marka ay baahi jirto. Baahidaa ku barta inad meel qofka wax heystaa aanu wax ka eegin inad wax ka eegto. Baahidaa ku barta inad shilinka laba shilin ka dhigto. Haddii Hadafkaagu yahay umadda dhibaateysan oo dhan gaajada ka saar, itaalka ad hadafkaa ku gaadheyso uunbaad yeelaneysaa oo ad ku hawlgeleysa. Itaalku isagaa kuu imanaya. Balkse haddii ay niyadda kaaga jirto dalka qabyaalad ayaa ka jirta oo qof aan garab heysan shaqo heli mayo, indhahaguba arki maayaan fursadaha jira, waayo waxa ad taabatey badhankii casaa ee fikirka ee wax kasta maqluubka kaa tusayey. Waa badhanka bakhtiiya kartidaadii oo waakan ku yidhi meesha waxba heli meysid, waxa kale oo kuu shidmay leydhii wax kasta kaa tusayey dhinaca madow. Ha ku sargoosan meel hooseysa ama liita. Ku sargooso wax meel sare jooga oo weliba ku talo gal inad dhaafto.



ITAALKAAGU waxa uu leegyahay hadba inta uu HADAFKAAGU leegyahay
W/q; Aqoonyahan Mohamed Bile


Waxan u ambabaxay laascanood. Sannadku waa 1997 ayaan u maleynayaa. Maqrib ayaan Burco gaadhney. Asxaabtii ila socotey ayaa tidhi, an caaw burco seexanno, marka an salaadda subax tukanana an ambabaxno. Sidii ayaan yeelney. Buco ayaan 5ti subaxnimo ka ambabaxney. Waxan ka quraacanney tuulo ka shisheysa ina Afmadoobe. Markii beer iyo suqaar lanoo keeney, ayay noo soo raciyey roodhidii leydhka oo shaaxid ah. Direewalkii ila socdey ayaa weydiiyey oo yidhi roodhidan heerka sare ah xageed ka keentey. Waxay yidhaahdeen arookasta WARSAME BAKERY ayaa noo keena. Hadda waa roodhi Hargeisa lagu soo dubay oo daray ayaa ayaa lagu cunayaa tuulooyin ku yaala gobolka togdheer iyo Sool.

Direewalkeygii ayaa yidhi, warsame jabuuti ayaanu isku naqaaney. Waxa uu direewalkii yidhi: waxa an la yaabanahay sida aanu warsame iiga tag rooneyn iyo halka an manta kala joogno. Direewalku isagaaba hadalkii dhameeyo wuxu yidhi, anna waxa an maalin oo dhan ka fikiraa roodhida ay cunayaanreerkeygu iyo sidii an u soo saari lahaa, warasamena wuxuu ka fakirayaa inusameeyo roodhida ay cunayaa dadka dalka ku nool oo dhan. Wuxu yidhi, hadda ninkani waxba ima dhaamo oo anaaba ka fariidsanaa. Maantana wuxu gadhey inu yidhaa magaalo iyo tuulo kasta qofka ku nool markuu soo toosu ha cuno roodhi an Hargeisa ku soo dubay oo iyada oo kulul uugu tagta meeshiisa
Kolba inta ad hadaf ka dhigato uunbuu itaalkaaguna yahay. Hadduu hadafkaagu yahay wax ad ku noolaato uun hel ama shaqo yar oo ad reerkiina kirada kaga bixiso hel. Ama haduu hadafkaagu yahay, hooyadaa wey daashee adigu biilkii reerka soo saar. Itaalkaguna intaas ayuunbuu sidii saacad otoomaatik ah isku buuxinayaa. Itaalka laguu sheegaa waxa uu la shaqeeyaa maskaxdaada iyo hab fikirkaaga. Halkaa ad fikirkaagu ku joogo uunbuu itaalkaaguna isku taagayaa.
Haddii ad injineer tahay, oo fikirkaagu yahay bal sanadkii 3 guri ood qandaraasato hel,  3 daa guri uunbaa itaalkaagu noqonayaa. Balse, haddaad tahay ingineer dhalin yar oo ka fakirayaa sideed u hindistaa  aqalo qurux badan, balse raqiis ah oo laga yaabo in qiimoohoodu gaadho $10,000 oo ay
dhalinyarada shaqeysaa iibsan karto oo ay ku guursan karto, oo ad fikirkaa ficil ku darto, laga yaabee inad 100,000 oo dhalinyaro ah u suuro geliso iney guryo qurux badan yeeshaan.
Fikirkaaga iyo jeebka ad is daba dhigeyso jooji. Lacag la’aantu yey maskaxda kaa wasakheyn. Ha is odhan waxba ma bilaabi kartid maadaama aanad lacag heysan. Inta badan maskaxdu waxa ay shaqeysaa marka ay baahi jirto. Baahidaa ku barta inad meel qofka wax heystaa aanu wax ka eegin inad wax ka eegto. Baahidaa ku barta inad shilinka laba shilin ka dhigto.
Haddii Hadafkaagu yahay umadda dhibaateysan oo dhan gaajada ka saar, itaalka ad hadafkaa ku gaadheyso uunbaad yeelaneysaa oo ad ku hawlgeleysa. Itaalku isagaa kuu imanaya. Balkse haddii ay niyadda kaaga jirto dalka qabyaalad ayaa ka jirta oo qof aan garab heysan shaqo heli mayo,
indhahaguba arki maayaan fursadaha jira, waayo waxa ad taabatey badhankii casaa ee fikirka ee wax kasta maqluubka kaa tusayey. Waa badhanka bakhtiiya kartidaadii oo waakan ku yidhi meesha waxba heli meysid, waxa kale oo kuu shidmay leydhii wax kasta kaa tusayey dhinaca madow. Ha ku sargoosan meel hooseysa ama liita. Ku sargooso wax meel sare jooga oo weliba ku talo gal inad dhaafto.


Comments

Popular posts from this blog

Somaliland international partners urge political stakeholders to agree on a timely roadmap election.

  For the first time ever, Somaliland's foreign allies have officially spoken out against the extension of President Bihi's tenure by the house of elders by two years. The international partners emphasized the significance of a consensus-driven process that enables elections to be held as soon as possible in a manner consistent with the technical considerations laid out by Somaliland's National Electoral Commission, without specifically stating whether or not the mandate extension was appropriate. In a statement, they urged the political stakeholders to work together constructively to agree on a timely roadmap for the elections for Somaliland’s democratic credibility and stability. The declaration was made only a few days after opposition parties explicitly criticized the house of elders' decision to extend President Bihi's term by two years and stated they would no longer accept him as "a legitimate president" when his term ends on November 13. a

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE.

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE . Waxaan Hargeisa imid iyada oo dalka lagu jirey dhowr bilood 1991-kii. Waxaana an ka bilaabey shaqo mushaharkeedu yahay $400 bishii. Waxey aheyd mushahar uugu sareeya ee xiligaa qof qaadan jirey. Dalku sida uu dhanyahayba qof mushahar qaataa muu jirin, marka laga reebo dhowr qof oo hey’ado u shaqeyn jirey mooyaane. Madaxweyne ilaa Wasiir iyo Taliye Ciidan ilaa Xildhibaanka Golaha Dhexe ee SMN ka tirsanaa, muu jirin qof hal shilin oo mushahar ah qaadan jirey, haddey bil noqoto iyo haddey sannad noqoto iyo afar sanadood noqotaba. Bal adigu ka warran ummad dhan oo dawlad ah, oo ciidan leh oo bileys leh oo wasiiro leh, oo macalimiin leh oo dhakhtaro leh, oo dawladda hoose leh, oo jeel maxaabisi ku xidhantahay leh, oo maxkamado leh, oo idaacad aroor iyo habeenba hadasha leh, oo hadana aanu ku jirin hal qof oo mushahar qaataa. Dadkaasi sida ay dhanyihiin wey soo shaqo tagaan aroor kasta 8-da

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA”

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA” - Guddoomiyaha/ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyey duhurkii Maanta. Muuse Biixi Cabdi oo kolkii la soo dhaweeyey kaddib fagaare kala hadlay Taageerayasha soo dhaweeyey, ayaa u mahad naqay bulshada reer Burco ee halkan ku soo dhaweeyey, isagoo ku hambalyeeyey doorka ay kaga jiraan guulaha xisbiga Kulmiye tan iyo markii la aasaasay . guddoomiyaha ayaa sidoo kale shacbiga Gobolka Togdheer ku booriyey inay ka qayb-qaataan diwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee laga bilaabayo Gobolka Togdheer. waxaan salaan idiinka sidaa Madaxweynaha Somaliland, aasaasihii Kulmiye, guddoomiyihii SNM ee halganka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo Shacbiga la hadlayey. ” waxa kale oo aan idiinka mahad naqaya codkii