Skip to main content

Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Muusooday Hummaag Uu Wasiir Waran Cade Ka Marag Furay Oo Lagu Hoga Tusaaleeyey Kulmiye Iyo Halka Geedigiisa Lagu Furayo


Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Muusooday Hummaag Uu Wasiir Waran Cade Ka Marag Furay Oo Lagu Hoga Tusaaleeyey Kulmiye Iyo Halka Geedigiisa Lagu Furayo


 Madaxweyne Xisbigii UDUB Ee Bahweynta Ahaa Waxaad Ka Warqabtaa In Uu Si Fudud Saaxadda Uga Baxay Oo Waxaa Baabi’iyey……Xisbiga KULMIYE Yaan Jug-soo-dhacyo Kale Baabi’in Ee Ha Kala Soocnaadaan Kii Maanta Yimi Iyo Kii Ku soo Tabcay

Hargeysa- in ka badan afartan xubnood oo kasoo jeeda waxgaradka iyo aqoonyahanka beesha Sacad Muuse ayaa Madaxweynaha Somaliland uga mahad naqay dardar-gelinta hawlaha qabsoomida shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo muddayntiisa ay kutilmaameen tallaabo hore loo qaaday si natiijo looga gaadho doorashada musharraxa Madaxweynaha xisbigaasi uga qayb galaya doorashada.

dayaashan oo  kulan saacado badan qaatay  habeen hore fiidkii Madaxweynaha kula yeeshay  qasriga madaxtooyada Somaliland ayaa ay ka qayb galeen siyaasiyiin, Madax dhaqameed, aqoonyahanno iyo xubno golaha wasiirrada ka tirsan oo dhammaantooda kasoo jeeda beesha Sacad Muuse, waxaana halkaasi laga jeediyey hadallo kaftan huwan oo nuxurkoodu ku qotomo xaaladda siyaasadeed ee Somaliland guud ahaan, gaar ahaanna xisbul xaakimka.
Xubno kamid ahaa ka qayb galayaashii kulanka habeen hore ayaa Wargeyska Hubaal u sheegay in  xubno ka mid ah odayaasha ka hadlay madashaasi ay mahadnaqa kasokow ay madaxweynaha u soo jeediyeen talooyin ku saabsan aayaha xisbiga iyo  in laga bedbaadiyo dhabbihii uu maray xisbigii bahweynta UDUB.
Mas’uulka ka midka ahaa ka qayb galayaasha shirka ee HUBAAL u warramay ayaa sheegay in Xuseen Rodol oo ka mid ahaa xubnihii beesha  metelayey uu madashaasi ka jeediyey khudbad nuxurkeedu hogatus ahaa, taas oo la sheegay in nuxurkeeda uu Madaxweynuhu ka muusooday. 
 Hadallada Xuseen Rodol waxaa ka mid ahaa sidan “Mudane Madaxweyne dalkan abaal  badan baad ku leedahay, Xisbigan KULMIYEna Tacab badan baa kaasoo galay oo abaal baad ku leedahay KULMIYE oo ma jeclid in uu dumo iyo  in uu meesha ka baxo toona. Waxaa kale tacab  badani kaasoo galay oo aad muddo dheer soo hogaaminaysay ururkii SNM oo la ogaa halka uu ku dembeeyey markii dembe,”. Sidaasi ayuu yidhi Oday Rodol waxaana uu intaa ku daray “Md. Madaxweyne Xisbigan Xoog badan baad gelisay Annagana Lexejeclo ayaa naga haysa, sidaas darteed waxaad ka war qabtaa in Xisbigii UDUB ee bahweynta ahaa uu si fudud saaxadda uga baxay, oo Jug-soo-dhacay nin la odhan jiray [Xog-hayihii guud ee UDUB] baa wax laga saaraa inuu baaba’o. sidaas darteed waxaanu kuu soo jeedinaynaa in xisbiga KULMIYE-na, yaan Jug-soo-dhacyo kale baabi’in  ee ha kala soocnaadaan kii maanta yimi iyo kii ilaa aasaaskii xisbiga joogay oo  yaanay isku mid noqonin. Midda kale beeshani Md. Madaxweyne waa mid ballaadhan oo deegaan badan degta   meel kasta oo ay joogtona mabda’ ahaan  way midaysan tahay balse waqtiga ayaan saamaxayn in meel ay isugu timaado”.
Hadalkaas ayaa xubnaha ka qayb galay shirku ay Hubaal  u sheegeen in madaxweynuhu ka garaabay oo uu aad ula dhacay. Arrinta xusida mudan ee madasha ka dhacday ayaa iyana ahayd in wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde oo Madaxweynaha ku  wehelinayay shirka uu odayaashan ku qaabilay uu ka marag furay hadalka oday Xuseen Rodol  iyo hogatuska uu ku sameeyey dhabihii UDUB maray iyo sidoo kale baaxadda beeshan
 Waxaana wasiirka oo hadal kooban ku darsaday shirku uu isagoo ku halqabsanaya ajandaha madasha waxaa uu sheegay in uu wax badan ka yaqaanno beeshan oo uu ku soo dhex koray bari ilaa galbeed, “Madaxweyne Anigu waxaan ku dhashay Wajaale, yaraantaydii ilaa intaan gaashaan qaadka noqdayna waan ku dhex koray deegaannada beeshanna aad baan u kala aqaannaa oo waa mid ballaadhan” sidaa ayaa uu yidhi wasiirku.
Xubnaha kale ee halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa wasiirrada Beeraha Maxamed Aw Daahir Ibrahim, Wershadaha Shucayb Maxamed Muuse iyo wasiirro kale. Gebogabadii Kulankaasoo  bilowday fiidkii socdayna ilaa saacaddu markay ahayd kow iyo tobankii habeennimo ayaa Madaxweynaha iyo xubnaha la kulmay waxaa ay isku afgarteen in meel looga soo wada jeesto danta xisbiga iyo ka midho dhalinta kaalinta uu qaranka kaga jiro maadaama oo uu yahay xisbul xaakimka dalka hoggaamiya.

Comments

Popular posts from this blog

Somaliland international partners urge political stakeholders to agree on a timely roadmap election.

  For the first time ever, Somaliland's foreign allies have officially spoken out against the extension of President Bihi's tenure by the house of elders by two years. The international partners emphasized the significance of a consensus-driven process that enables elections to be held as soon as possible in a manner consistent with the technical considerations laid out by Somaliland's National Electoral Commission, without specifically stating whether or not the mandate extension was appropriate. In a statement, they urged the political stakeholders to work together constructively to agree on a timely roadmap for the elections for Somaliland’s democratic credibility and stability. The declaration was made only a few days after opposition parties explicitly criticized the house of elders' decision to extend President Bihi's term by two years and stated they would no longer accept him as "a legitimate president" when his term ends on November 13. a

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE.

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE . Waxaan Hargeisa imid iyada oo dalka lagu jirey dhowr bilood 1991-kii. Waxaana an ka bilaabey shaqo mushaharkeedu yahay $400 bishii. Waxey aheyd mushahar uugu sareeya ee xiligaa qof qaadan jirey. Dalku sida uu dhanyahayba qof mushahar qaataa muu jirin, marka laga reebo dhowr qof oo hey’ado u shaqeyn jirey mooyaane. Madaxweyne ilaa Wasiir iyo Taliye Ciidan ilaa Xildhibaanka Golaha Dhexe ee SMN ka tirsanaa, muu jirin qof hal shilin oo mushahar ah qaadan jirey, haddey bil noqoto iyo haddey sannad noqoto iyo afar sanadood noqotaba. Bal adigu ka warran ummad dhan oo dawlad ah, oo ciidan leh oo bileys leh oo wasiiro leh, oo macalimiin leh oo dhakhtaro leh, oo dawladda hoose leh, oo jeel maxaabisi ku xidhantahay leh, oo maxkamado leh, oo idaacad aroor iyo habeenba hadasha leh, oo hadana aanu ku jirin hal qof oo mushahar qaataa. Dadkaasi sida ay dhanyihiin wey soo shaqo tagaan aroor kasta 8-da

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA”

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA” - Guddoomiyaha/ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyey duhurkii Maanta. Muuse Biixi Cabdi oo kolkii la soo dhaweeyey kaddib fagaare kala hadlay Taageerayasha soo dhaweeyey, ayaa u mahad naqay bulshada reer Burco ee halkan ku soo dhaweeyey, isagoo ku hambalyeeyey doorka ay kaga jiraan guulaha xisbiga Kulmiye tan iyo markii la aasaasay . guddoomiyaha ayaa sidoo kale shacbiga Gobolka Togdheer ku booriyey inay ka qayb-qaataan diwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee laga bilaabayo Gobolka Togdheer. waxaan salaan idiinka sidaa Madaxweynaha Somaliland, aasaasihii Kulmiye, guddoomiyihii SNM ee halganka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo Shacbiga la hadlayey. ” waxa kale oo aan idiinka mahad naqaya codkii