Maxaad Ka Ogtahay Afar Arimood Oo Ka
Mid ah Sababaha Loo Xadhay Suldaan Mawliid Cali (Sabayse)…
Xukuumadda M/weyne Siilaanyo ayaa xabsiga u taxaabtay
Suldaan Mawliid Cali Ibraahin Sabayse oo ka mid ah salaadiinta Somaliland ee
Beesha Subeer-Awal. Ciidamo Boolis ah oo uu hor kacayo taliye xigeenka
ciidamada Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Fooxle ayaa Suldaan Sabayse xabsiga
u taxaabay habeenimadii Jimcaha, xadhiga Suldaanka oo loo maray qaab ka baxsan
anshaxa iyo milgaha ay leeyihiin madaxdhaqameedku, iyaga oo kasoo
qabtay Guriga ama Maktabka Salaadiinta Subeer-Awal ku leeyihiin
Magaalada Hargeysa, Halkaas oo uu ku sugnaa Suldaanka Guud ee Beelaha
Subeer-Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cabdillaahi.
Hadaba Suldaan Sabayse oo ah Suldaan ka turjuma dareenka
bulshada difaacana qadiyada madaxbanaanida Somaliland iyo Hantida qaranka ee
xukuumadani caadada
-
ka dhigatay inay boob
iyo qaraabo kiil ku siiso dad gaar ah.
Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa sababaha keenay in
Suldaan Mawliid Sabayse Xabsiga loo taxaabo, xadhigiisana loo maro nidaam
qalafsan oo ay ka muuqato cadaawad iyo ciil raagay, anigoo hab qodobaysan u soo
naaqishay halka ay kasoo bilaabantay cadaawada siyaasadeed ee ay u qabtay
xukuumada siilaanyo inay mar uun xabsiga ku hubsato goor ay noqotaba.
1. Iibintii Gandi Library: Waa hoyga akhriska buugaagta oo ku taal badhtamaha suuqa
magaalada Hargeysa oo ay ka faaiidaystaan dhalinyarada jecel waxbarashada, waxa
guriga iyo dhismahaba bixiyay muwaadinka loogu magacdaray Library ga,
magaciisana layidhaa Yusuf Ismacil Samatar(Gandi), Hadaba Xukuumada uu
gadhwadeenka ka yahay Axmed Siilaanyo waxay si bilaa gabasho ah uga iibisay
Ganacsade ka soo jeedo beesha Bariga Burco (Ina Faarax Xarbi), arintan oo
fajaciso ku noqotay dhamaan bulshada reer S.land ee jecel waxbarashada iyo
mustaqbalka dhalinyarada, Suldaan Mawliid Sabayse waxuu ka mid ah ahaa Salaadiintii
ugu hadalka adkaa ee ka hadhashay iibka Gandi Library, mawqif adagna iska
taagay inaany suurta gal noqonayn in la siiyo nin ganacsade ah, hadalkaa oo ay
xukuumadu liqi kari wayday laf dhuun gashayna ku noqotay in madaxtooyadu siiso
ama ka iibiso Ina-faarax Xarbbi, aakhirkiina albaabada loo furay Gandi Library.
2. Dhacdadii foosha xumayd ee ka dhacday dhulka uu
daganyahay Muj. Axmed Jaban Awoowo, kuna dhintay wiil uu dhalay kuwo kalena ku
dhaawacmeen: Horaantii bishii 8aad ee sanadkan
ayay ahayd markii ciidamo Boolis ah ay yimaadeen goobta uu magaalada hargeysa
ka degan yahay Muj. Ahmed jaban awoowo oo ay ku tiraabeen in laysku haysto
dhulkaas oo ku xiga Saldhiga Booliska Traffiga ee u dhow kaalinta Indho-birta
ee galbeedka magaalada Hargeysa. Kadib ciidankii boolisku rasaas nool ooda kaga
qaadeen dadkii goobta joogay, isla markiiba waxay madaxa ka toogteen wiil uu
dhalay Muj. Awoowo, halkaana ku geeriyooday 3 qof oo kalena ku dhaawac meen.
Dhacdadaa kadib waxa dadkii arinkaa galay ka mid ahaa Suldaan Mawliid Sabayse
oo meel adag iska taagay kuna oogay danbigii halkaa ka dhacay inay ka danbaysay
xukuumada Siilaanyo, madaxtooyaduna doonaysay inay siiso shakhsi ay wateen,
kiiskan oo dhinacna u dhaafi waayay waxa uu Suldaan Sabayse ku adkaystay inay
madaxtooyadu saddex uun mid soo gasho, A. ina la helo cidii ka danbaysay dilkan
dhacay ee ciidanka amarka soo siisay B. in madaxtooyadu keento cidii la siiyay
dhulkan mujaahidka? C. In la keeno askarigii madaxa ka toogtay wiilkan yar 9
jrka ahaa?, arinkan wuxuu ka mid noqday mid sii xoojiya cadaawada ay xukuumadu
u qabtay Suldaan Sabayse
3. Shir ay wada jir u qabteen Salaadiinta Beesha Habar-awal
iyo H.Yoonis:Todobaadkii ina dhaafay ayaa kulan
qado ah waxa iskugu yimid salaadiinta beesha Habar-awal iyo Habar Yoonis,
kulankaas oo xukuumadu sas ka qaaday ayaa waxa si wayn uga dhex muuqday Suldaan
Mawliid Sabayse, oo door wayn ku lahaa sidii uu shirkaasi u qabsoomi lahaa,
kulankaas oo si wayn loogu lafo guray xaalada guud ee dalka, nabadgalyada iyo
xukuumadan u tafa xaydatay xaalufinta hantida umadda. Arinkan wuxuu sii
xooojiyay qaniin yadii madaxtooyadu u haysay Suldaan Sabayse.
4.Wareejinta iyo iibinta Haamaha Shidaalka Berbera:Arinka iibinta iyo wareejinta haamaha shidaalka qaranka ayaa
mudooyinkii u danbeeyay noqday mid bulshada reer Somaliland ay indhaha ku
hayaan, waxa ay maanta u dooratay xukuumada Siilaanyo inay kaydkii qarankan ku
wareejiso shirkado Private ah, inagoo ogsoon in shirkadii Total ee private ka
ahayd laga soo celiyay, gacanta dawladana kusoo noqotay in maanta la yidhaa
waxa la siinayaa dhirkadahii shidaalka keeni jiray iyo qaar cusub oo samays ah
oo lasoo dhashay mashruucan wareejinta. Hadaba Suldaan Sabayse wuxuu ka mid
noqday dadkii sida adag uga hadlay wareejinta haamaha iyo qorshaha ay madaxtooyadu
doonaysay inay qasab ku sharciyayso iyadoo xildh. Mooshin quutayaasha ahna usoo
kiishtay lacag, Arintan iyo kuwaa xaga sare ku xusan oo is biirsaday ayay
madaxtooyadu ka gam,i wayday, markii ay maarayn u wayday suldaanka oo xataa la
dul dhigay lacag qadarkeedu sareeyo, guryo, gawaadhi wax walba way isku dayeen
si ay Suldaan Sabayse mar uun uga nastaan weedhaha kulul ee saamaynta badan ku
reebay xukuumada ee kaga imanayay Suldaan Sabayse.
Aakhirkii waxay kusoo eedeeyeen inuu wado dhaqdhaqaaq khalkhalgalinkara
nabadgalyada inagoo og in ninka Suldaanki ahi uu yahay ka nabada ka shaqeeya ee
umada isku soo dhoweeya, kadibna waxay ciidamo dulkeenaan gurigii salaadiinta
subeer awal si ay usoo xidhaan Suldaan Sabayse, oo ay ixtiraami waayeen
suldaanka guud ee subeer awal Suldaan Xasan oo isagu goobtaa fadhiyay.
Waxaan kusoo gunaanaday xadhiga suldaan sabayse maaha mid
maanta uun yimid ee waa mid ay ku taamaysay xukuumada m/weyne Siilaanyo inay
mar uun hesho wax ay ugusoo marmar siyooto… dhanka kale xadhiga suldaanku waa
xeelad siyaasadeed oo lagu majaro habaabinayo boobka iyo dhaca ay xukuumadu ku
hayso hantidii umadan oo ay doonayso inaanay waxba ka tagin ee ay sii wada
qaataan wixii dawladu lahayd oo dhan. Gabay uu gaariye lahaa AHN, waxa ku jiray
ereyadan:
"Gedey tahay dheesha taal,
Inuu hebel gooldhashiyo,
Inuu gudbi waayo hebel,
Galaasku halkaa ma yaal,
Ninkaan garanoow ka toos
Comments
Post a Comment