Qaar Ka Mid Ah Fanaaniinta Xiddigaha Geeska Oo Ka Soo Laabtay Magaalada Muqdisho Oo Markii Hargaysa Soo Gaadheen Xabsiga Loo Taxaabay
Qaar
Ka Mid Ah Fanaaniinta Xiddigaha Geeska Oo Ka Soo Laabtay Magaalada Muqdisho Oo
Markii Hargaysa Soo Gaadheen
Xabsiga Loo Taxaabay
War Deg Deg Ah:-Xukuumada Oo Saldhiga Dhexe Ee Hargeysa Ku Hubsatay Qaar
Ka Mid Fanaaniinta Xidigaha Geeska Oo Muqdisho ka Soo Noqday
Hargaysa(HWN):-Qaar Ka mida Fanaaniinta Xiddigaha geeska oo Bandhig faneeedyo ka soo dhigay dalalka Kenya iyo Soomaaliya, ayaa maanta markii ay soo gaadheen Caasimadda Hargaysa ee Somaliland, ayaa Ciidanka Boolisku xabsiga u taxaabeen.
Hargaysa(HWN):-Qaar Ka mida Fanaaniinta Xiddigaha geeska oo Bandhig faneeedyo ka soo dhigay dalalka Kenya iyo Soomaaliya, ayaa maanta markii ay soo gaadheen Caasimadda Hargaysa ee Somaliland, ayaa Ciidanka Boolisku xabsiga u taxaabeen.
Fanaaniintan
Xabsiga loo taxaabay ayaa kala ah Xamda Queen, Nimcaan Hilaac, Cabdiraxmaan
Oday iyo Maxamed Axmed Bakaal (Cirro), waxaannay habbeenkii Ciidda bandhig
faneed ku qabteen Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, halkaasoo ay
ku soo bandhigeen Heesaha aadka loo jecel yahay ee ay qaadaan Fanaaniinta
kooxdaasi.
Inkastoo
aannay jirin war rasmiya oo ka soo baxay Hay’addaha Ammaanka oo la xidhiidha
xadhiga Fanaaniintan ka tirsan Kooxda Xiddigaha geeska, haddana wararka
aannu helaynaa waxay
sheegayaan in sbaabta Xadhigoodda ka dambaysaa ay salka ku hayso Safarka shaqo
ee ay ku tageen Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.
Si kastaba
ahaatee kooxda Xiddigaha geeska oo xaruntoodu ku taalla Caasimadda Hargaysa,
ayaa xukuumadda talada haysa ay isku khilaafeen safaro ay doonnayeen inay ku
tagaan Magaalada Muqdisho,kuwaasoo la xidhiidhay arrimmo dhinaca Fankooda ku
saabsan, waxaanna dhawr bilood ka hor safar uu magaalada Muqdisho ku tagay
fanaanka Nimcaan Hilaac, iyadoo markii uu Hargaysa ku soo laabtay-na Xabsiga
loo taxaabay.
Guddoomiyaha Kooxda Xiddigaha geeska
Xasan Dhuxul Laabsaalax ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xadhiga lagula kacay
Fanaaniinta xiddigaha geeska, waxaannu sheegay in Xadhigooddu yahay
Sharci-darro badheedh ah. -
Comments
Post a Comment