Friday, 23 October 2015

Jewi Aan Qarsoonnayn Oo Madaxweyne Siilaanyo Xalay Ku Qaabilay Sideetameeyo Xubnood Oo Golaha Dhexe Ee KULMIYE Ugu Jira Subeer Awal



Jewi Aan Qarsoonnayn Oo Madaxweyne Siilaanyo Xalay Ku Qaabilay Sideetameeyo Xubnood Oo Golaha Dhexe Ee KULMIYE Ugu Jira Subeer Awal
Waxa Kulankan  La Isku Weydaarsaday Warqad Saxeexan Oo Mawqif Keli Ah Ku Midaysan



Hadal Farxad Geliyey Guddoomiye Muuse  Oo Kasoo Yeedhay Afka Madaxweynaha +Xubnaha Fadhigaas Ku Wehelinayey Madaxweynaha+Magacyada Shakhsiyuaad Dhawr Ah Oo Madasha Khudbado Ka Jeediyey



Hargeysa:(Hubaal)-Ugu yaraan 73-xubnood oo kamid ah Xubnaha Beelaha Habar Awal ugu jira Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo ay weheliyaan 5-ta Xubnood ee Beeshaasi ku leedahay Golaha Guurtida Somaliland, ayaa habeenkii xalay shir saacado qaatay la yeeshay madaxweyne Siilaanyo, waxana ay u caddeeyeen inay si midaysan u taageersan yihiin musharraxnimada Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.


Xubnaha xalay shirka ay taageerada Muuse Biixi ku muujinayaan la qaatay madaxweynaha, ayaa iskugu jira Wasiirro, Xildhibaanno iyo xubno Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Beesha Habar awal ugu jira, waxana ay si sarraaxad leh madaxweynaha hortiisa uga sheegeen inay ku midaysan yihiin sidii xubnahaasi codkooda usiin lahaayeen Guddoomiye Muuse biixi Cabdi oo haatan ah Musharraxa madaxweynenimo ee Xisbigaas.


Xubnaha halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Muxumed Aw Axmed oo ka tirsan golaha odayaasha ee guurtida Somaliland, Xildhibaan Ibraahin Axmed Sh. Muuse (Ibraahim-Kacaan) iyo xildhibaan Axmed Xasan Aadan (Weyso-cadde) oo labadooduba ka tirsan golaha wakiillada, Xoghayaha Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE Mustafe Maxamed Yoonis (Waxdad), guddoomiyaha Mihnedlayaasha Caafimaadka Dr. Axmed Xaashi Nuur (Oday), guddoomiyihii hore ee hay’adda Shaqaalaha Muxumed Aw Cabdi Ismaaciil iyo xubno kale oo dhawr ah kuwaas oo dhammaantood muujiyey mawqifka ay ku wada socdaan iyo halka ay cududoodu ku  jihaysan tahay.


 Kulanka Xubnahani ka qaateen Madaxweynaha, ayaa waxa goob joog ka ahaa, Madaxweyne-ku-xigeenka, Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka, Md Maxamuud Xaashi Cabdi, Xildhibaan Cali Marreexaan iyo Waliba Guddoomiyaha Xisbiga Md Muuse Cabdi, waxana xubnahaasi madaxweynaha gacanta ka geliyeen warqad ay ku saxeexan yihiin oo ay ku caddaynayaan sida ay ugu midaysan yihiin Taageerada Musharrax Muuse Biixi Cabdi.


Madaxweyne Siilaanyo, ayaa Hawraarsan kaga falceliyey mawjadda Taageerada ah ee Xubnaha Beesha Habar Awal ku leedahay Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, waxana uu halkaas ka sheegay hadal kooban oo uu ku muujiyey inay ka furteen Culays marka hore ka saarnaa dhinaca Taageerada Guddoomiyaha, isagoo ku ballan qaaday inuu intii karaankiisa ah la garab taagan yahay Taageeradiisa iyo midda Beesha uu kasoo jeedaba.


Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu Xubnihii Beesha Habar Awal ee uu xalay la kulmay ku dhiirrigeliyey inay raadsadaan Xubnaha Beelaha kale kaga jira Golaha dhexe ee Xisbiga, si uu Guddoomiyuhu u hantiyo Cudud taageero oo keenta uu Himiladiisa Madaxweynenimo ka midho dhaliyo.


Kulankan oo ahaa mid kaftan iyo maadays dhinacyadu ku wadaageen, ayaa ku dhammaaday jawi farxadeed, waxana  lagu kala tegay in si niyadsami ah looga shaqeeyo sidii Guddoomiyaha Xisbiga loogu taageeri lahaa hankiisa madaxtinimo iyadoo dhinacyada oo dhammi isku duuban yihiin.


Fadhiga xalay ee Madaxweynaha iyo Xubnaha Beelaha  Habal Awal ugu jira Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye la qaateen Madaxweyne Siilaanyo, ayaa ahaa midkii ugu cuslaa ee Koox Miisaankaas lihi madaxweynaha hortiisa ka caddaysato taageerada ay u hayaan Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, waxana uu qayb ka ahaa diyaargarowga loogu jiro cudud urursiga uu wado Gudoomiyaha Xisbigu.




Fb: Abdiasiis Jama Haji Cami


Hargeisa Somaliland





No comments:

Post a Comment

Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...