Skip to main content

NATIIJADA SHIR TAABACSAN MUSHARRAXIIN HUWAN AH OO XALAY KA DHACAY HARGEYSA IYO ERGO NIYAD-JABSAN OO MADAXWEYNE KU XIGEENKA KA MAGAN-GASHAY DHOOLLA-TUSKA MUUSE BIIXI

NATIIJADA SHIR TAABACSAN MUSHARRAXIIN HUWAN AH OO XALAY KA DHACAY HARGEYSA IYO ERGO NIYAD-JABSAN OO MADAXWEYNE KU XIGEENKA KA MAGAN-GASHAY DHOOLLA-TUSKA MUUSE BIIXI

GUDAHA KA AKHRI: Tirada iyo  Magacyada  Wasiirro, Wasiir—ku-xigeenno, Xildhibaanno iyo Kaadiriin KULMIYE Ah Oo Quus Ka Jooga Taageeradii Ay Haysteen

Cabdicasiis Samaale, Maxamed Biix Iyo Xildhibaan Kijaandhe Oo Meel Isugu Keenay Xalay Dhowr iyo Labaatan Xubnood Oo Kamid Ah Guddida Fulinta ee KULMIYE iyo Shir Xalay Loo Ballansanaa In Mowqif Midaysan Kasoo Saaraan Oo Laysku Af-garan Waayay
Hargeysa (Hubaal)- qaar kamid ah musharraxiinta huwanta ah ee Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE kula loollamaya doorashada musharraxa madaxweynaha ee golaha dhexe ee xisbigu dhawaan ku dooran doonaan shirka shanaad ee golaha dhexe ayaa habeenkii xalay ku kala kacay shir doceed albaabadu u xidhan yahay oo ay isugu yimaadeen Hotel-ka Maansoor ee magaalada Hargeysa.
Shirkan oo  xubnaha ka qayb galay ay tiradoodu dhamayd 25 xubnood isla markaana ay soo abaabuleen wasiirka wasaaradda arrimaha dibeda Maxamed Biixi Yoonis, iyo wasiirkii hore ee wasaaradda maalliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale, iyo waliba Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe kuwaas oo inta la ogyahay ah musharraxiin u taagan doorashada madaxweynaha ee shirka golaha dhexe ayaa  waxaa   xubno madasha fadhiyey ay isugu jireen wasiirro, wasiir ku xigeenno, xildhibaanno iyo kaadiriin ka tirsan xisbiga. Goob joogayaal ka ag dhawaa shirkaas una dhuun daloola dhaqdhaqaaqa xubnahan ayaa wargeyska HUBAAL u sheegay in ujeedad shirkan oo daba socotay dhawr arrimood oo ku qotoma  hawlaha hoggaanka xisbigu ku foogan yahay  ay ujeedadiisa ugu weyni ahayd mid ka dhalatay dhawaaqii lagu wargeliyey  xubnaha golaha dhexe ee xisbigu in ay  u diyaar garoobaan shirka isla markanaana xarunta xisbiga keennaan sawirradooda si loogu sameeyo aqoonsiyadooda.
Sababta dhalisay shirkan iyo ergo ka horeysay?
Abaaro cawayskii hore ee habeenkii xalay ayaa 25 xubnood oo ka mid ah guddida fulinta ee xisbigu ay isugu yimaadeen hotelka Maansoor kadib markii ay quus ka muujiyeen ergo ay xubnahani ula tageen madaxtooyada iyaga oo ka magansaday in laga xakameeyo guddoomiyaha xisbiga oo isku dubaritay qabanqaabadii shirka shanaad ee xisbiga kaas oo  ay sheegeen in uu  muquuniyeyo awoodooda. Waxaana warku sheegayaa in kulankaas hore ee subaxnimadii oo ay la yeesheen  madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha madaxweynaha, ay kaga dalbadeen in qabanqaabada shirka iyo hawlihiisa loo xil saaro guddi ka madax banaan guddoomiye Muuse oo ay goobjoogayaasha warkan u tibaaxay HUBAAL kasoo wariyeen garabkan mid cududiisa dhoollatusku u quus goysay.
 Ergada ay garabkani ugu tageen  madaxweyne Saylici  oo ay xubno ay ka ahaayeen  wasiirka arrimaha dibeda Maxamed Biixi  Yoonis, Wasiirkii hore ee maalliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale, guddoomiye ku xigeennada labaad iyo saddexaad ee xisbiga KULMIYE Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeyo iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle  ayaa warku sheegayaa in Md. Saylici uu dhinaciisa u qaddimay mawqifka uu ka taagan yahay dhaqdhaqaaqa guddoomiyaha KULMIYE kaasi oo uu sheegay in ay yahay awooddo uu xeerka xisbigu u banaynayo in uu ku maamulo kuna diyaariyo shirka golaha dhexe, sidaaasi darteedna aanay meeli uga banaanayn madaxtooyo ahaan faro gelinta hawlahaas, waxaa kale oo uu u sheegay in xubnaha golaha dhexe ee uu gudodomiye Muuse isugu yeedhay ay yihiin xubnihii ay garab ahaan ergadu gacantooda ku soo xushay dabayaaqadii shiweynihii xisbiga.
Falcelinta Garabkan
Shirka xalay ka dhacay xarunta  Maansoor ayaa la weriyey in uu shir guddoominayay wasiirkii hore ee maalliyadu iyada oo ay madasha fadhiyeen xubno kale oo maamuus ahaan iyo mansab ahaanba uga mudnaa guddoomintiisa, waxaana intii shirku socday lagaga wada hadlay tallaabada ku haboon ee garabkoodu ay ku dhabqin karaan dhaqdhaqaaqa iyo qabanqaabada hoggaanka xisbigu isugu duba ridayo shirka golaha dhexe oo bar bilowgiisu bilaabmayo Sabtida sahan-dembe, hase ahaatee fikirkaas oo qaar kamid ah ka qayb galayaashii shirku soo jeediyeen ayaa waxaa aqlabiyad ku diiday xubnihii madasha fadhiyey oo muujiyey  in uu yahay mid dhaawacaya cududooda isla markaana libta siinaya garabka kale. Warku waxaa uu intaa ku darayaa in badankoodu ay isku raaceen in laga dhur sugo tallaabada ay madaxtooyadu ka qaaddo ergadooda oo maanta ahaan loo qorsheeyey in mar kale ay u tagaan madaxweyne ku xigeenka.
Warbaahinta oo iyadu intii aan shirku bilaabmin la dalbaday si ay u baahiyaan shir qorsheysnaa in warbaahinta loo qabto oo ay ku shaacinayeen mawqifkooda ay ku sugnaayeen dibada hoolka shirku ka dhacayay, iyaga oo ka dhur sugayay go’;aamada ay soo saari doonaan. Hase ahaatee suxufiyiinta oo muddo saacado ah dibada ku sugaysay natiijada shirkan ayaa markii dembe loo sheegay in uu dib u dhacay shirkii loo ballansanaa in ay ka duubaan isla markaana lala soo hadli doono maanta ahaa, sidaasina ay raalli ku ahaadaan oo ay iskaga tagaan.
shirk
Midabadii xubnaha iyo dareenkii xalay.
Goob joogayaal ku sugnaa barxadda hore ee Maansoor Hotel oo markaas uu ay isugu soo baxeen xubnaha shirku u socday ayaa Hubaal u sheegay in wejiyadooda laga dheehanayay kala duwanaan xagga fikirka ah, kaasi oo muujinayay derbi adag oo kaga soo dumay dhinaca guddoomiyaha xisbiga, oo isagu u muuqda mid ka dareersaday taageerayaal door ah oo ay is bidayeen in ay gacanta ku haystaan. Fikirka iyo mabda’a garabkan ayaa ilo wareedyadu intaa ku darayaan in uu u muuqdo mid col hortii jabay oo werweriyo kalsooni ku beeray bar dhammaadka ciyaarta siyaasadeed ee u bilaabmi doonta labada dhinac.
Magacyada 24-ka Xubnood ee  ka qayb galay shirkan iyo abaabuleyaashooda
Wasiirrada iyo Wasiir ku xigeennada
  1. Maxamed Biixi Yoonis
  2. Xuseen Axmed Caydiid
  3. Cabdirisaaq Khaliif Axmed
  4. Cali Siciid Reygal
  5. Cabdi Aw DAahir Cali
  6. Maxamed Muuse Abees
  7. Cali Cabdi Saa’iq
  8. Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan
  9. Bashiir Cabdi Xariir
  10. Nimco Xuseen Qawdhan
Golaha Wakiillada
  1. Baashe Maxamed Faarax
  2. Xildhibaan Dable
  3. Xildhibaan Siciid
  4. Xildhibaan Cabdikariim Aw Cali Shabeel
  5. Xildhibaan Cabdillaahi Ballaaki
  6. Xildhibaan Kijaandhe

Comments

Popular posts from this blog

Somaliland international partners urge political stakeholders to agree on a timely roadmap election.

  For the first time ever, Somaliland's foreign allies have officially spoken out against the extension of President Bihi's tenure by the house of elders by two years. The international partners emphasized the significance of a consensus-driven process that enables elections to be held as soon as possible in a manner consistent with the technical considerations laid out by Somaliland's National Electoral Commission, without specifically stating whether or not the mandate extension was appropriate. In a statement, they urged the political stakeholders to work together constructively to agree on a timely roadmap for the elections for Somaliland’s democratic credibility and stability. The declaration was made only a few days after opposition parties explicitly criticized the house of elders' decision to extend President Bihi's term by two years and stated they would no longer accept him as "a legitimate president" when his term ends on November 13. a

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE.

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE . Waxaan Hargeisa imid iyada oo dalka lagu jirey dhowr bilood 1991-kii. Waxaana an ka bilaabey shaqo mushaharkeedu yahay $400 bishii. Waxey aheyd mushahar uugu sareeya ee xiligaa qof qaadan jirey. Dalku sida uu dhanyahayba qof mushahar qaataa muu jirin, marka laga reebo dhowr qof oo hey’ado u shaqeyn jirey mooyaane. Madaxweyne ilaa Wasiir iyo Taliye Ciidan ilaa Xildhibaanka Golaha Dhexe ee SMN ka tirsanaa, muu jirin qof hal shilin oo mushahar ah qaadan jirey, haddey bil noqoto iyo haddey sannad noqoto iyo afar sanadood noqotaba. Bal adigu ka warran ummad dhan oo dawlad ah, oo ciidan leh oo bileys leh oo wasiiro leh, oo macalimiin leh oo dhakhtaro leh, oo dawladda hoose leh, oo jeel maxaabisi ku xidhantahay leh, oo maxkamado leh, oo idaacad aroor iyo habeenba hadasha leh, oo hadana aanu ku jirin hal qof oo mushahar qaataa. Dadkaasi sida ay dhanyihiin wey soo shaqo tagaan aroor kasta 8-da

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA”

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA” - Guddoomiyaha/ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyey duhurkii Maanta. Muuse Biixi Cabdi oo kolkii la soo dhaweeyey kaddib fagaare kala hadlay Taageerayasha soo dhaweeyey, ayaa u mahad naqay bulshada reer Burco ee halkan ku soo dhaweeyey, isagoo ku hambalyeeyey doorka ay kaga jiraan guulaha xisbiga Kulmiye tan iyo markii la aasaasay . guddoomiyaha ayaa sidoo kale shacbiga Gobolka Togdheer ku booriyey inay ka qayb-qaataan diwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee laga bilaabayo Gobolka Togdheer. waxaan salaan idiinka sidaa Madaxweynaha Somaliland, aasaasihii Kulmiye, guddoomiyihii SNM ee halganka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo Shacbiga la hadlayey. ” waxa kale oo aan idiinka mahad naqaya codkii