Saturday, 17 October 2015

Astaanii British Somaliland 1950.



Astaanii British Somaliland 1950.


Halkan waxaynu kaga hadleynaa Astaantii Somaliland uu Ingiriisku u sameeyay 18 December 1950.. Astaantan sidaa aad aragtaan way ka duwan tahay, tii Talyaanigu u sameeyay Soomaaliyadii uu gumeysan jiray. Waayo Ingiriisku Caadada iyo Diinta iyo Dhaqanka Ummada Somaliland ayuu Astaantan ku saleeyay.. Ee Sidii Talyaaniga,azzurri(Buluugley) iyo (Stella d’Italia). Kumuu salayn.
Sharaxa Astaantan.
1. Astaantan Xaga ugu sareeysa waxaad ku aragtaan Xayawaanka Goodirka la yidhaahdo oo dhulka Somaliland ka buuxi jiray Caana ay ku ahayd.
2. Waxaa goodirka ka hooseeya, waa labba Warran iyo Gaashaan, kuwaas oo Tilmaan u ah, Geesinimadii iyo Dagaal-yahannimadii Ummada Somaliland.
3. Gaashaanka iyo Labbada warran, waxaa ka hooseeya, labba Sawir, ka bidix Waa Baytkii illaahay oo ah Masaajid, taas oo Tilmaan u ah in Ummada Somaliland ay ummad Muslim ah ay ahayd, Ingiriisna arinkaas wuu ogsoonaa, sidaas ayuuu Masaajidka u raaciyay. Waxaa dhinaca midig Masaajidka ka xigaana waa Dooni badda Cas dhex maraysa, taas oo iyana tilmaan u ah Ganacsigii iyo xidhiidhkii badda ee ay ummada Somaliland,, ummadaha kale la laahayeen sida Caddantii uu Ingiriisku gumeysan jiray. Doonida waxa ka hooseeyaana waa Anchor, ama Baroosinka ay dhulka ku xidhato.
Haddaba Astaamahan iyo taariikhahan aynu ka sheekeenaynaa maaha inaynu isku colaad sanno, waa taariikh ay Ummada Somaliland iyo ta Somaliyaba ay soo mareen, waana wax qoran oo raad-raac leh, oo aan been iyo mala awaal toona geli karin.. Ummaduna xaq ayay u leedahay inay ogaadaan waxani halkay ka yimaadeen iyo siday ku yimaadeen iyo cida sameyseyba. Qofkii haya Taariikho ka duwan, waxan aynu qoraynaa, wuu soo bandhigi karaa ummadana wuu la wadaagi karaa, Cadaymaheedana wuu soo raacin karaa.




Suleyman Yusufdhakhtar.
www.hajicami.blogspot.com
E-mail: Samater2013@gmail.com
Fb: Abdiasiis Jama Haji Cami
Hargeisa Somaliland


No comments:

Post a Comment

Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...