Wasaarad kasta waxa jooga boqolaal shaqaale ah oo xirfadahoodu kala duwanyihiin, aqoon kala duwan oo kala sareysana leh, xilal kala duwanna ka haya wasaaradooda. Balse markasta oo ad warbaahinta dhageysato ee wasaarad la soo hadal qaado, samaan iyo xumaanba, waxa la xusaa waa Wasiirka oo keliya, ama ugu badnaan wasiir ku-xigeenka. Maqli meysid dadka kale ee madaxda ah ama shaqaalaha ah ama aqoon iyo xirfadda leh ee wasaaradaha ka shaqeeya oo la soo hadal qaadayo. Taasi waxa ay karaamadii ka qaadey shaqooyinkii kale oo dhan oo ay ka dhigtey in dawladnimadu tahay uun wasiir iyo wax la mida. . Marka ad wasaarad booqato, waxa ad arkeysaa hal ama laba xafiis oo lagu xoonsanyahay sidii shinada iyo 20 xafiis oo aan cidi hortaagneyn. Waxa la hortaaganyahay waa xafiisfkii wasiirka ama xafiiska agaasimaha lacagta. Haddii aanu wasiirku joogina waxa ay u muuqataa inaan wasaaradaba shaqo ka socon. Qof ayaad arkeysaa wasaarad albaabkeeda isasoo taagaya, oo waashmaanka weydiinayaa “Miyuu ku jiraa”, waashmaankiina wuxu ku jawaabayaa ama “haa”, ama “weli muu soo gelin”. Iyada oo laga yaabo in labada qof ee isweydiinayaa aaney is garaneyn, hadana waxan la isweydiinayaa waa la isla garanayaa oo waa wasiirkii miyuu joogaa mise ma joogo. Haddii jawaabto “Maya” tahay, qofku uu iskaga noqonayaa. Taasi waxa ay ka dhigeysaa in wasaaraduba tahay hal qof. . Qeybaha wasaaradaha ee aqoonta la adeegsado sida waaxaha qorsheynta ama kormeerka, ama shaqaalah, kuwaa iyaga cidi uuma gasho waxna lama weydiiyo. Waxa jira agaasimayaal waaxeed, waxa jira madax qeybeedyo, waxa jira khabiirro, waxa jiraa kormeerayaal. Waxay ku qurux badantahay in madaxda kale ay muuqdaan oo ay ka hadlaan ama ka talo bixiyaan arrimaha kale ee dhaqaalaha, siyaasadda iyo bulshada ku saabsan ee wasaaradoodu qaabilsantahay. Haddii inan yar oo fanaan ah la xidho ama qaxooti Soomaaliya ka yimid laga hadlayo ama quraarad khamri ah oo la qabtey laga hadlayo, Wasiir ama Taliyaha Guud ee Ciidamada Bileyska ayaa ka hadlaya. Fanaan la xidhey, sababtu waxa ay doonto ha noqotee maaha inu wasiir ama taliye ama afhayeen dawladeed ka hadlo, ee waxa ay aheyduun in loo daayo taliyaha bileyska ee saldhigga gegeda dayuuradaha. Waa shaqadii taliye saldhig. Maaha in Jamhuuriyadda ilaa halkii u sareysey isu soo qaawiyaan inan yar oo la xidhey o ay yidhaahdaan qarankaa la duminaya. Daciifnimo ayay muujineysa iyo inaan shaqo kaleba jirin. . Wasiirka iyo madaxda sare, hadalkooda ha keydsadeen si marka loo baahdo ee xaal adkaado loola soo baxo oo markaa hadalkooda iyo go’aankoodu macne u sameeyo. Iminkana wixiiba badheyse ayay ka dhigeen oo arinkii ay subixii lahaayeen ayuunbaa casar iska dhamaanaya. Qaxootigii Soomaaliya ka yimid ee ka soo degey dekedda Berbera iyo hadalkii ka dhashay mey aheyn inu Wasiir ka hadlo, xattaa mey aheyn iyo Maayarka Berbera ka hadlo, ee waxa ay ay aheyd inu ka hadlo taliyaha waaxda socdaalka ee Berbera oo xilka iska leh. Marka uu arintaasoo kale wasiirka ka hadlo, waxa uu karaamadii ka qaadayaa wixii madax ahaa ee Degmada Berbera iyo Gobolka Saaxil oo sawirkii ayaa u eekaanaya in madaxda halkaa joogtaa ay sawir uun yihiin. Wixii soo dhaafa taliyaha socdaalka ee Berbera, ee ka soo kordha qaxootigaa, waxay aheyd in la yidhaa Golaha Deegaanka Berbera waa hawl idiin taal. Dadka lama yareysto, mansab kasta oo uu hayo, inuunbuu tag leeyahay oo marka la karaameeyo ee xilna loo dhiibi, si uunbuu uuga soo baxayaa. . Arimahani waxa kale oo ay hoos u dhigeen damacii dhalinyarada. Qofka dhalinyarada ah ee dalka joogaa uumaba hungureyneyso shaqoonyinka kale ee wasaaradaha. Wasaaradiiba waxa ay la macno noqotey laba ama saddex shakhsi. Dhalinyaradii ma higsaneyso, mansabyada kale ee dawladda ee ama xil hoose ah ama axil dhexe ah waayo mabey maqal qof muuqda oo xilalkaa haya oo la tixgelinayana mey arag. . Siminaar haddii la furayo, ama la xidhayo, Wasiir ayaa taagan oo caawa TV ga ka soo baxaya, halkii ay aheyd inu Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha ee Wasaaraddaasi xidho ama furo tababarkaasi maadama ay tahay hawl isaga ama iyada hoos timaadda. Inkasta oo kor u qaadista aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha ay hoos timaaddo mas’uuliyadda waaxda shaqaalaha ee wasaaradaha, hadana weligey maan arag agaasime shaqaale oo siminar tababar ama furaya ama xidhaya. Iska daa furise, weligay maan arag agaasime shaqaale oo xitaa ka soo qeybgelaya. Haddii wafti yar oo farsamo yaqaani yimaaddo dalka, halkii laga odhan lahaa u geeya Agaasimaha waaxda qorsheynta isaga ama iyadaa ku shaqo lehe, Wasiir uunbaa la kulmaya. . Haddii wax kasta wasiir xuurteysto oo uu rabo inu maalin kasta ka muuqdo warbaahinta, yaa qabanaya hawlihii waaweynaa dalka? Yaa u jawaabaya Ban Ki Moon iyo warbixinta uu 3 bilood oo kasta ka soo saaro Soomaaliya ee ay Soomaaliland na ku jirto. Goormey Wasiiradu wakhti u heleyaan la soo xaajoodka dalalka kale ee lagala hadlayo kor u qaadista dhaqaalaha iyo ganacsiga? Goorma ayay wasiiradu wakhti u heleyaan iney la soo shiraan dawladaha kale oo ka raadiyaan waxbarashada ay siiyaan ardeydeena? Yaa aqoonsi raadinaya ama soo dhiirigelinaya iney baananka dunidu ka furtaan laamo dalka? Yaa soo casuumaya dadka caanka ah ee soo jiita indhaha dadka iyo warbaahinta ee laga yaabo in haddii ay ina soo booqdaan iney sumcad inoo kordhin karto? Wasiirkii waxan qaban lahaa haddii uu ku mashquulo shaqadii agaasimayaasha waaxaha ee 10 ka darajo ka hooseyso heerka Wasiirka, goormuu shaqadiisii wakhti u helayaa? Goormuu Wasiirku wakhti u heleya inu wax qoro? Goormuu akhriyayaa waraaqaha badan iyo warbixinada Wasaaradiisa? Goormuu wakhti u heleyaa booqashada gobolada dalka ee uu mas’uulka ka yahay ileyn waakan afarta hudheel ee Hargeisa uun ad isku weydaaraneysaan aroor oo dhan. . Waa muhiim in Wasiiradu ay beekhaamiyaan muuqaalkooda iyo kelmadooda oo ay la soo baxaan uun marka laga maarmi waayo. Iyana waa muhiim in shaqaalaha kale karaamadooda kor loo qaado oo loodaayo iney iyago maamulaan oo ka muuqdaan shaqooyinka ay mas’uulka ka yihiin si iyagana niyaddu uugu dhisanto, shaqaduna kor ugu kacdo. Wa.siirku shalay ayuu yimid, berina uu tegeyaa. Balse shaqaalaha iyo madaxda kale weeye kuwa kala wadaya shaqada wasaaraduu waan kuwa la rabo iney go’aamada shaqada yeeshaan. Ardaaga Maxamed Cali Bile Aqoonta U Adeegta Nolosha
Wasaarad kasta waxa jooga
boqolaal shaqaale ah oo xirfadahoodu kala duwanyihiin, aqoon kala duwan oo kala
sareysana leh, xilal kala duwanna ka haya wasaaradooda. Balse markasta oo ad
warbaahinta dhageysato ee wasaarad la soo hadal qaado, samaan iyo xumaanba,
waxa la xusaa waa Wasiirka oo keliya, ama ugu badnaan wasiir ku-xigeenka. Maqli
meysid dadka kale ee madaxda ah ama shaqaalaha ah ama aqoon iyo xirfadda leh ee
wasaaradaha ka shaqeeya oo la soo hadal qaadayo. Taasi waxa ay karaamadii ka
qaadey shaqooyinkii kale oo dhan oo ay ka dhigtey in dawladnimadu tahay uun
wasiir iyo wax la mida.
.
.
Marka ad wasaarad booqato, waxa ad arkeysaa hal ama laba xafiis
oo lagu xoonsanyahay sidii shinada iyo 20 xafiis oo aan cidi hortaagneyn. Waxa
la hortaaganyahay waa xafiisfkii wasiirka ama xafiiska agaasimaha lacagta.
Haddii aanu wasiirku joogina waxa ay u muuqataa inaan wasaaradaba shaqo ka
socon. Qof ayaad arkeysaa wasaarad albaabkeeda isasoo taagaya, oo waashmaanka
weydiinayaa “Miyuu ku jiraa”, waashmaankiina wuxu ku jawaabayaa ama “haa”, ama
“weli muu soo gelin”. Iyada oo laga yaabo in labada qof ee isweydiinayaa aaney
is garaneyn, hadana waxan la isweydiinayaa waa la isla garanayaa oo waa
wasiirkii miyuu joogaa mise ma joogo. Haddii jawaabto “Maya” tahay, qofku uu iskaga
noqonayaa. Taasi waxa ay ka dhigeysaa in wasaaraduba tahay hal qof.
.
.
Qeybaha wasaaradaha ee aqoonta la adeegsado sida waaxaha
qorsheynta ama kormeerka, ama shaqaalah, kuwaa iyaga cidi uuma gasho waxna lama
weydiiyo. Waxa jira agaasimayaal waaxeed, waxa jira madax qeybeedyo, waxa jira
khabiirro, waxa jiraa kormeerayaal. Waxay ku qurux badantahay in madaxda kale
ay muuqdaan oo ay ka hadlaan ama ka talo bixiyaan arrimaha kale ee dhaqaalaha,
siyaasadda iyo bulshada ku saabsan ee wasaaradoodu qaabilsantahay. Haddii inan
yar oo fanaan ah la xidho ama qaxooti Soomaaliya ka yimid laga hadlayo ama
quraarad khamri ah oo la qabtey laga hadlayo, Wasiir ama Taliyaha Guud ee
Ciidamada Bileyska ayaa ka hadlaya. Fanaan la xidhey, sababtu waxa ay doonto ha
noqotee maaha inu wasiir ama taliye ama afhayeen dawladeed ka hadlo, ee waxa ay
aheyduun in loo daayo taliyaha bileyska ee saldhigga gegeda dayuuradaha. Waa
shaqadii taliye saldhig. Maaha in Jamhuuriyadda ilaa halkii u sareysey isu soo
qaawiyaan inan yar oo la xidhey o ay yidhaahdaan qarankaa la duminaya.
Daciifnimo ayay muujineysa iyo inaan shaqo kaleba jirin.
.
.
Wasiirka iyo madaxda sare, hadalkooda ha keydsadeen si marka loo
baahdo ee xaal adkaado loola soo baxo oo markaa hadalkooda iyo go’aankoodu
macne u sameeyo. Iminkana wixiiba badheyse ayay ka dhigeen oo arinkii ay
subixii lahaayeen ayuunbaa casar iska dhamaanaya. Qaxootigii Soomaaliya ka
yimid ee ka soo degey dekedda Berbera iyo hadalkii ka dhashay mey aheyn inu
Wasiir ka hadlo, xattaa mey aheyn iyo Maayarka Berbera ka hadlo, ee waxa ay ay
aheyd inu ka hadlo taliyaha waaxda socdaalka ee Berbera oo xilka iska leh.
Marka uu arintaasoo kale wasiirka ka hadlo, waxa uu karaamadii ka qaadayaa
wixii madax ahaa ee Degmada Berbera iyo Gobolka Saaxil oo sawirkii ayaa u eekaanaya
in madaxda halkaa joogtaa ay sawir uun yihiin. Wixii soo dhaafa taliyaha
socdaalka ee Berbera, ee ka soo kordha qaxootigaa, waxay aheyd in la yidhaa
Golaha Deegaanka Berbera waa hawl idiin taal. Dadka lama yareysto, mansab kasta
oo uu hayo, inuunbuu tag leeyahay oo marka la karaameeyo ee xilna loo dhiibi,
si uunbuu uuga soo baxayaa.
.
.
Arimahani waxa kale oo ay hoos u dhigeen damacii dhalinyarada.
Qofka dhalinyarada ah ee dalka joogaa uumaba hungureyneyso shaqoonyinka kale ee
wasaaradaha. Wasaaradiiba waxa ay la macno noqotey laba ama saddex shakhsi.
Dhalinyaradii ma higsaneyso, mansabyada kale ee dawladda ee ama xil hoose ah
ama axil dhexe ah waayo mabey maqal qof muuqda oo xilalkaa haya oo la
tixgelinayana mey arag.
.
.
Siminaar haddii la furayo, ama la xidhayo, Wasiir ayaa taagan oo
caawa TV ga ka soo baxaya, halkii ay aheyd inu Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha ee
Wasaaraddaasi xidho ama furo tababarkaasi maadama ay tahay hawl isaga ama iyada
hoos timaadda. Inkasta oo kor u qaadista aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha ay
hoos timaaddo mas’uuliyadda waaxda shaqaalaha ee wasaaradaha, hadana weligey
maan arag agaasime shaqaale oo siminar tababar ama furaya ama xidhaya. Iska daa
furise, weligay maan arag agaasime shaqaale oo xitaa ka soo qeybgelaya. Haddii
wafti yar oo farsamo yaqaani yimaaddo dalka, halkii laga odhan lahaa u geeya
Agaasimaha waaxda qorsheynta isaga ama iyadaa ku shaqo lehe, Wasiir uunbaa la
kulmaya.
.
.
Haddii wax kasta wasiir xuurteysto oo uu rabo inu maalin kasta
ka muuqdo warbaahinta, yaa qabanaya hawlihii waaweynaa dalka? Yaa u jawaabaya
Ban Ki Moon iyo warbixinta uu 3 bilood oo kasta ka soo saaro Soomaaliya ee ay
Soomaaliland na ku jirto. Goormey Wasiiradu wakhti u heleyaan la soo xaajoodka
dalalka kale ee lagala hadlayo kor u qaadista dhaqaalaha iyo ganacsiga? Goorma
ayay wasiiradu wakhti u heleyaan iney la soo shiraan dawladaha kale oo ka
raadiyaan waxbarashada ay siiyaan ardeydeena? Yaa aqoonsi raadinaya ama soo
dhiirigelinaya iney baananka dunidu ka furtaan laamo dalka? Yaa soo casuumaya
dadka caanka ah ee soo jiita indhaha dadka iyo warbaahinta ee laga yaabo in
haddii ay ina soo booqdaan iney sumcad inoo kordhin karto? Wasiirkii waxan
qaban lahaa haddii uu ku mashquulo shaqadii agaasimayaasha waaxaha ee 10 ka
darajo ka hooseyso heerka Wasiirka, goormuu shaqadiisii wakhti u helayaa?
Goormuu Wasiirku wakhti u heleya inu wax qoro? Goormuu akhriyayaa waraaqaha
badan iyo warbixinada Wasaaradiisa? Goormuu wakhti u heleyaa booqashada
gobolada dalka ee uu mas’uulka ka yahay ileyn waakan afarta hudheel ee Hargeisa
uun ad isku weydaaraneysaan aroor oo dhan.
.
.
Waa muhiim in Wasiiradu ay beekhaamiyaan muuqaalkooda iyo
kelmadooda oo ay la soo baxaan uun marka laga maarmi waayo. Iyana waa muhiim in
shaqaalaha kale karaamadooda kor loo qaado oo loodaayo iney iyago maamulaan oo
ka muuqdaan shaqooyinka ay mas’uulka ka yihiin si iyagana niyaddu uugu
dhisanto, shaqaduna kor ugu kacdo. Wa.siirku shalay ayuu yimid, berina uu
tegeyaa. Balse shaqaalaha iyo madaxda kale weeye kuwa kala wadaya shaqada
wasaaraduu waan kuwa la rabo iney go’aamada shaqada yeeshaan.
Ardaaga
Maxamed Cali Bile
Aqoonta U Adeegta Nolosha

Comments
Post a Comment