Tuesday, 20 October 2015

BADHASAABKA GOBOLKA GABILEY!



Walahaay Inaanay Dhacayn Wasiir Gabiley Kasoo Jeeda In Lacag Baada Hargaysa Loogu Dirro” Badhasaabka Gobolka Gabiley.


 
Badhasaabka Gobolka Gabilay Mustafe Cabdi Shiine ayaa si kulul u dhaliilay faragalin uu sheegay in Gobolka gabilay ay ku hayaan wasiiro ka soo jeeda Gobolakasi ,waxaanu badhasaabku amaanay dadaalka uu gobolkiisu ku talaabsaday waxaanu si culus ugu duur xulay Xubnaha Golaha Deegaanka degmada Gabilay iyo Wasiirada ka soo jeeda Deegaanka Gabilay kana tirsan Xukuumada Madaxwayne Axmed Siilaanyo .
Badhasaabka Gabilay oo arrimhaasi ka hadlaya waxa uu yidhi
“Waxa jirat faragalin ay nagu hayaan Wasiiro Gobolka Gabilay ka soo jeeda ,waxan leeyahay marka aniga lay badalo ayuunbaa la badalayaa Maayirka Gabilay ,walaahay lacag halkan (Gabilay)laga qaado inaan wasiir Hargaysa jooga loo gaynayn ,wasiir baad lasiinayo walee ayaanu jirayn ,maayir aad leedahayna walaahy inaanu Gobolka imanayn,Madaxwaynuhu wuu noo mahad celiyaa oo horumar baynu samaynay”.
Badhasaabka Gabilay oo sii hadlaya waxa uu yidhi
“Ninka wasiirka ah ee doonaya in Gabilay ay yimaadaan daduu wataa walaahay inaany imanayn ,dad xora oo iimaan leh ayaa jooga  Maayir xora ayaa loo baahan yahay ,yeeli mayo wasiir doonaya inuu jeebka wax ku rito inuu anaga  na amro”.ayuu yidhi Badhasaabka Gabilay oo wajigiisa ay ka muuqatay cadho daran .


www.hajicami.blogspot.com
E-mail:Samater2013@gmail.com
Fb: Abdiasiis Jama Haji Cami
Hargeisa Somaliland





No comments:

Post a Comment

Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...