Skip to main content

Posts

Showing posts from November, 2015

Qaybtii Labbaad. Maxaad ka taqaanaa, Somaliland iyo Sagaalka waddan ee kale, ee aan Xubnaha ka ahayn Qaramada Midoobey

Qaybtii Labbaad. Maxaad ka taqaanaa, Somaliland iyo Sagaalka waddan ee kale, ee aan Xubnaha ka ahayn Qaramada Midoobey . Republic of Kosovo. Jamhuuriyadda Koosofo waxay xornimadeeda si resmi ah ugu dhawaaqday, 17 February 2008 . Caasimada waddankani waxaa la yidhaahda "Pristina". badka dhulka ee uu ku fadhiyaana waa 10,908 km2,Waddankani wuxuu ka go'ay waddanka la yidhaahdo. ""Serbia" Jamhuuriyada Koosofo waxaa waddan ahaan u aqoonsan,108 waddan oo xubno ka ah Qaramada Midoobey, iyo weliba waddanka Taiwan oo aan xubin ka ahayn Qaramada Midoobey. Waddankani weli Qaramada Midoobey umuu gudbin codsi ah inuu ka mid noqdo Qaramada Midoobey. Sababta ugu weyna waxa weeye, waxay ogyihiin in Ruushku codsigaas is hor taagi doono! 7. Republic Nagorno-Karabakh, Jamhuuriyada Nagorno Karabakh, waxay xornimadeeda si resmi ah ugu dhawaaqday, 2 September 1991. . Caasimada waddankani waxaa la yidhaahda " Stepanakert". badka dhulka ee uu ku fadhiyaa

Laamaha Ammaanka Somaliland Oo Hargaysa Ku Xidhay Laba Saxafi.

Laamaha Ammaanka Somaliland Oo Hargaysa Ku Xidhay Laba Saxafi . ciidanka Booliska Somaliland ayaa goor dhaweed xabsiga u taxaabay Guddoomiyihi Iyo Tifaftirihii Wargayska Hubsad Rashiid Nuur Wacays Iyo  Saciid Khadar . Xadhiga labadan saxafi ayaa waxa amray xeer ilaaliyaha guud ee Qaran sida ay xaqiijinayaan warar xogogaal ahi. Wargayskan Hubsad ayaa maalmo kooban soo baxay magaalada Hargaysa inkasta oo markii danbe la xanibay, iyadoo la sheegay in aanu dhamaysan shuruucda loogu ogolaado furashada wargaysyada. ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay dhinmaca laaamaha Ammaanka oo ka hadlaaya xadhiga labadan saxafi. www.hajicami.blogspot.com E-mail: Samater2013@gmail.com

Dalku Waa 3,000 oo Nin oo Murmaya iyo 5 Malyuun oo Kuwaa Naf ka Sugaya!

Dalku Waa 3,000 oo Nin oo Murmaya iyo 5 Malyuun oo Kuwaa Naf ka Sugaya! Dadku waa kun dawladda ka tirsan oo ama xilhaya oo wasiiro ah, ama golayaasha ah ama “Darafu-Dawlo ah” oo difaacaya dawladda. Iyo kun kale oo ka soo horjeeda oo badankoodu ka tirsanayeen dawladihii hore iyo tanba oo hadafkooduna aanu dhaafsiisneyn xil loo dhiibo ama in xisbigoodu meesha qabsado, iyo kun sadexaad oo waxan uun ka faaloonaya oo an anigu ku jiro. Saddexdaa kun oo intooda badani joogto Hargeisa marka ad la noolaato ama dhageysato maba moodin iney jirto umad kale oo hadhey oo la rabey in loo shaqeeyo. Kunkan dawladdu xoogooda iyo wakhtigooda intiisa badan waxa ay geliyaan sidii ay iskaga caabiyi lahaayeen ee ay uugu jawaabi lahaayeen kunkan mucaaridka ah, halka kunka mucaaridka ihina ay shaqadoodu ku soo ururtey eed iyo iney canbaareeyaan dawladda, kunka an anigu marmarka qaarkii ka mid aheyna waxa an nahay daawadayaasha oo kolba waxa labadan kun sameeyaan ayuunbaan ka faaloonaa. Sadexd