Dalku Waa
3,000 oo Nin oo Murmaya iyo 5 Malyuun oo Kuwaa Naf ka Sugaya!
Dadku waa kun dawladda ka tirsan oo
ama xilhaya oo wasiiro ah, ama golayaasha ah ama “Darafu-Dawlo ah” oo difaacaya
dawladda. Iyo kun kale oo ka soo horjeeda oo badankoodu ka tirsanayeen
dawladihii hore iyo tanba oo hadafkooduna aanu dhaafsiisneyn xil loo dhiibo ama
in xisbigoodu meesha qabsado, iyo kun sadexaad oo waxan uun ka faaloonaya oo an
anigu ku jiro. Saddexdaa kun oo intooda badani joogto Hargeisa marka ad la
noolaato ama dhageysato maba moodin iney jirto umad kale oo hadhey oo la rabey
in loo shaqeeyo.
Kunkan dawladdu xoogooda iyo
wakhtigooda intiisa badan waxa ay geliyaan sidii ay iskaga caabiyi lahaayeen ee
ay uugu jawaabi lahaayeen kunkan mucaaridka ah, halka kunka mucaaridka ihina ay
shaqadoodu ku soo ururtey eed iyo iney canbaareeyaan dawladda, kunka an anigu
marmarka qaarkii ka mid aheyna waxa an nahay daawadayaasha oo kolba waxa
labadan kun sameeyaan ayuunbaan ka faaloonaa. Sadexdaa kun ee nin waxa tala ka
sugaya oo 5 malyuun oo shicib ah oo Ilaahey uun ogyahay intooda habeenkii casho
la’aan ku seexata.
Ibrahim Mohamoud Abyan (AHUN) ayaa
beri la weydiiyey oo la yidhi horta maxaa joornaalkan dawladda ee Xidigta
Oktoobar xafiiskaaga loo keeni waayey aroortii waata la geeyo xafiisyada kale e
dawladda oo dhan e? wuxu yidhi anigaa diiday oo idhi waxba ha ii keenina
wakhtiga uunbey iga qaadeysaaye. Waxa kaluu yidhi, Joornaalkuba aroorkasta waxa
uu ka sheekeynayaa 6 nin oo an jaar nahay oo labana dhooftey oo garoonka lagu
sii sagootiyey, iyo laba dalka ku soo noqotey oo garoonka lagu soo dhaweeyey iyo
laba kale oo siminaar ama shir meel ka furey. Lixdaba waa wasiiro anu jaar
nahay oo an maalin kasta is aragno. Ma lixdan nin uunbaan kolba kii dhoofey iyo
kii soo degey sheekadooda hayaa miyaaney jirin dano kale oo umadda beylah ka
ihi?
Bal hadda ka bax Hargeisa oo tag
tuulada Ceel-Gaal oo xaga jabuuti xigta ama haba fogaane kor u bax oo
tuulooyinkan Hargeisa u dhow ee Daba-Baargo iyo Cunaqabad gaadh, ama woqooyi u
bax oo Dawga-Cad booqo. Umadahaa dhulkaa ku nool oo dhan duruufo gaar ah ayaa
heysta oo ay kaala hadlayaan oo aan aheyn waxan magaalada lagu xiiqey.
Duruufaha iyo danaha heystaa sidaaba uuma weyna oo qaarkood taagtoodu waxa ay
taagantahay biyo la cabbo halka qaarna ka hadlayaan dawada kaneecada. 5ta
malyuun ee shicibka ah ee dalkeena ku nooli intooda badani dawladnimada wey
niyeysteen oo wey aamineen sida aynu inaba diinteena la inoo soo gaadhsiiyey ee
aynu qaadaney, balse manaafacaad badan kamey arag.
Marka ad magaalada joogto ee ad
dhageysta xamasadda iyo waxa laga doodayo, waxa ad arkeysaa in umaddiiba ku soo
ururtay 3,000 oo fadhi ku dirir ah iyo 5 malyuun oo shicib ah oo duruufi
heysato oo toodii cusleysey oo aan waxanba la socon. Labada wasiir ee xilka
kula kala wareegaya ee qaarkeen ka cadheysanyihiin sababta hebel loo bedeley,
halka qaarkeena ku faraxsanyihiin ka cusub ee la saarey iyo kuweenna kale ee
labadaa ka faaloonaya waxa ka maqan in dadka la rabo in loo shaqeeyo aaney
aheyn waxan an mashquulka ku nahay ee ay yihiin dad kale oo taag yar oo aan
awoodoodu gaadhsiin kareyn iney joornaal wax ku soo qoraan ama TV ka hadlaan
ama mudahraadaan oo cabashadooda muujiyaan.
Annaga oo baabuur wadana goor
habeenimo ah oo mareyna keyn cidlo ah oo u dhow tuulada Xeydaanle ayaan aragney
gabadh ilmo yar dhabarka ku sidata oo ayda dhex mareysa. Baabuurkii ayaan
joojinney oo an weydiiney waxay xiligan meesha la mareyso. Waxa ay noo sheegtey
iney ku socoto reero meel dheer jira. Gabadhii ayaan soo qaadney waanan
wareysanney oon nidhi maxaa xiligan ku socodsiiyey. Waxa ay noo sheegtey iney
ninkeedii isasoo laayeen ka dib markii ay iyada iyo sodohdeed is af dhaafeen.
Waxa ay sodohdeen isku afdhaafeen in yar oo biyo ah oo ay gabadho meel dheer ka
keentey oo ay sodohdo malaha dhow goor darsatey, oo markaa ay ku tidhi biyo ma
heysano berkedihii wey wada madahnyihiin intan yarna waxa an u heysanaa oo
keliya in dhuunta uun lagu qooyo ee biyaha noo madhxi. Sodohdiina wey ka
xanaaqdey ninkiina hooyaddii ayuu u hiiliyey, gabadhiina sidaasey reerkii kaga
soo duday.
Ragayaga baaburka wata nagama qasna
oo waxa an wadanaa dhowr kartoon oo biyo ah iyo shaqaab. Marka ad magaalada ka
timid xaalkaagu sidaa yahay wey kugu adkaaneysaa inad fahamto in reero dhan oo
caruur iyo sodoho lihi ay ku burburayaan daasad biyo ah awgeed, ama ay jiraan
dad aan meydhan bilo biyo la’aan awgeed ama ay jiraan dad u dhimanaya xanuun
fudu oo si sahlan loo daweyn karo haddii dawadiisii la hayo. Waxa an aad uuga
fikirey umadda dalka ku nool iyo duruufaha heysta ee aan Ilaahey mooyee cid
kale oo u gargaarta heysan, iyo inteena bariisku u bisil yahay ee shaqada ka
dhigtey “kaaley ila Muran”.
Waxa muhiim ah in la xuso in
dawladnimada runta ihi ay tahay ta la rabo iney u adeegto masaakiinta, inta
jilicsan, iyo kuwa caasimadda ka fog. Hargeisa waxa laga hadlayaa waa
wadooyinka oo jajaban, xashiiskii oo soo batey, bilicdii magaalada. Haddaad
hawdka 30 kiloomitir uuga baxdana waxa ad arkeysaa hablo yaryar oo caagad yar
sita oo baabuurta dhaafeysa biyo weydiisanayaa. Banka giriyaad iyo Cali Xeydh
haddaad martana waa la mid oo duruufo kuwaa la mida ayaa dadka heysta. Waxa
fiicnaan laheyn in 300 ee mumayaa ay bishiiba dhowr habeen tagaan reerohooda,
gaar ahaan kuwa ka fog magaalooyinka oo ay dhow habeen la soo noolaadaan iyaga
oo la cunaya waxa adadku cunayo, oo meel la seexanaya, la sheekeysanaya. Taasi
waxa ay keeni laheyd xamaasad iyo qiiro aynu ku ogaano in umad badan oo
jilicsani wax inaga sugeyso iyo ineynaan wakhtigeena ku dayicin hadal iyo muran
ee an dadka wax u qabanno.
Inteenan murmaysaa waa intii waa
kuweenii nasiibka helay. Waa inteena qootanyawmka heysata amaba soo heli karta
ama soo shaxaadi karta. Waana inteena 5 ta malyuun rajada ka qabto iney maalin
uun ka saaraan duruufaha iyo gaajada iyo jahliga. Maalinta la ina xisaabiyo ee
la ina yidhaa dedaalkii dib dhiska dalka bilaash xoogle yahow xageebaad ku
maqneyd? Maxaad ku jawaabeysaa? Ma waanigii hebel iyo xisbi hebel la murmayey
ayaan ku jawaabnaa. Ma hebel markii uu Hadley kii u jawaabey ee caayay baan
ahaa ayaan libin ka dhigana. Mise taariikhda ayaynu geli oo waxa an ku doodnaa
intaas oo kun oo caruur ah oo faqiir ah ayaan jahliga ka saarey oo an siiyey
hubkii ay gaajada kula dagaalami lahaayeen. Ama intaas oo deegaan amaan biyo
macaan oo nadiif ah u qoday oo maanta harraadkii ka baxdey. Saddexdeena kun ee
nin ee murmayow, ogaada iney ina sugayaan 5 malyuun oo rag iyo dumar ah oo
Ilaahey mooyee aan cid kale u maqneyn oo if iyo aakhiraba la inagula xisaabtami
doono waxa an u qabanney.
Ardaaga Bile
Aqoonta U Adeegta Nolosha
Blogger: hajicami.blogspot.com
E-mail: Samater2013@gmail.com
Comments
Post a Comment