Skip to main content

Guddoomiyaha UCID Muxuu Ka Yidhi Eedaha Musharaxa Iscasilay U Jeediyay



Guddoomiyaha UCID Muxuu Ka Yidhi Eedaha Musharaxa Iscasilay U Jeediyay
 
Burco(Hubaal) – Eng Faysal Cali Waraabe, guddoomiyaha Ucid ayaa isagoo ku sugan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer wuxuu diiday eedaha musharax xigeenkii xisbiga Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan oo iscasilay u jeediyay ee ah in guddoomiye Faysal burburinayo xisbiga. Waxa uu sheegay inuu tacab badan xisbiga soo galiyay sidaas darteedna aanu gacantiisa ku burburayn.
Eng Faysal waxa uu sheegay in xisbigu galayo dib u qiimayn dhinaca musharaxiinta ah islamarkaana la eegi doono cidda xisbiga soo saari karta “Xisbiga waa la qiimaynayaa, waa la is dul taagayaa, yaa soo saari kara, yaa musharax xigeenka ku soo bixi kara ee xisbiga soo saari kara, hawshaas ayaa la galayaa, markaa waxaanu malaynayaa in Cabdirashiid ka baqday in lala tartami doono ama la caqabadayn doono oo aanu xisbiga taageero iyo dhaqaale midna aanu keenayn,” ayuu yidhi Egn Faysal.
Guddoomiyaha Ucid oo sii hadlaya ayaa sheegay inay la socdaan heshiisyo musharax xigeen Cabdirashiid la galay xisbiyada kale “ Waxba kama jiraan arrinta ah in khilaaf jiro, wuxuun buu ka cararay Cabdirashiid waar waa la is qiimaynayaa, arrintii way is bedeshay, xisbigu siduu u soo bixi lahaa ayaa dib loo eegayaa, markaa wax kale oo dhibaato ah oo na dhex taalaa ma jirto,” ayuu yidhi Eng Faysal.
Guddoomiye Faysal oo qorshaha cusub ee Ucid ka sii hadlaya ayaa yidh “ Qof walba waa la qiimaynayaa, xataa aniga ayaa la I qiimaynayaa markay shir weynaha gaadho bal inaan sii wadi karo iyo in la I bedelayo, qof kasta waa la qiimaynayaa waxani “wax Kitaab ku qoran oo Qur’aan ah maaha, Facebook iyo Chating Siyaasi laguma noqdo,” markaa waa in la eegaa, waar yaa wadanka wadi karaya, waar yaa umadda isku hayn karaya, waar yaa Somaliland iibin karaya, waa sidaas uune musharax ma ahana ma odhan,xumaan aan u hayaana ma jirto,” ayuu yidhi Eng Faysal.
Musharax kuxigeenka iska casilay xisbiga Ucid aqoonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa ku dooday in xisbiga Ucid burbur ku soo foolleeyahay, balse dadka siyaasadda Odorosa ayaa sheegaya inay suuro gal noqoto khilaaf xisbigaasi wajaho. Arrintan ayaa salka ku haysa musharaxnimada Muuse Biixi Cabdi ee Kulmiye, iyadoo hogaanka Ucid qaarkood hore u muujiyay inaanu Jamaal Musharax ka noqon karrin Ucid, iyadoo loo eegayo isku degaanka ay ka soo jeedaan Muuse Biixi oo ay adkaanayso inay codad ay ku soo baxaan kala helaan, balse arragtidaasi waxaa hore uga jawaabay Jamaal xilli uu ku guda jiray barnaamij su’aalo lagu waydiinayay, wuxuuna ku dooday in si kasta oo ay tahay uu musharax ahaanayo, nasiibkiisana ka qaadayo doorashada.



Comments

Popular posts from this blog

Somaliland international partners urge political stakeholders to agree on a timely roadmap election.

  For the first time ever, Somaliland's foreign allies have officially spoken out against the extension of President Bihi's tenure by the house of elders by two years. The international partners emphasized the significance of a consensus-driven process that enables elections to be held as soon as possible in a manner consistent with the technical considerations laid out by Somaliland's National Electoral Commission, without specifically stating whether or not the mandate extension was appropriate. In a statement, they urged the political stakeholders to work together constructively to agree on a timely roadmap for the elections for Somaliland’s democratic credibility and stability. The declaration was made only a few days after opposition parties explicitly criticized the house of elders' decision to extend President Bihi's term by two years and stated they would no longer accept him as "a legitimate president" when his term ends on November 13. a

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE.

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE . Waxaan Hargeisa imid iyada oo dalka lagu jirey dhowr bilood 1991-kii. Waxaana an ka bilaabey shaqo mushaharkeedu yahay $400 bishii. Waxey aheyd mushahar uugu sareeya ee xiligaa qof qaadan jirey. Dalku sida uu dhanyahayba qof mushahar qaataa muu jirin, marka laga reebo dhowr qof oo hey’ado u shaqeyn jirey mooyaane. Madaxweyne ilaa Wasiir iyo Taliye Ciidan ilaa Xildhibaanka Golaha Dhexe ee SMN ka tirsanaa, muu jirin qof hal shilin oo mushahar ah qaadan jirey, haddey bil noqoto iyo haddey sannad noqoto iyo afar sanadood noqotaba. Bal adigu ka warran ummad dhan oo dawlad ah, oo ciidan leh oo bileys leh oo wasiiro leh, oo macalimiin leh oo dhakhtaro leh, oo dawladda hoose leh, oo jeel maxaabisi ku xidhantahay leh, oo maxkamado leh, oo idaacad aroor iyo habeenba hadasha leh, oo hadana aanu ku jirin hal qof oo mushahar qaataa. Dadkaasi sida ay dhanyihiin wey soo shaqo tagaan aroor kasta 8-da

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA”

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA” - Guddoomiyaha/ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyey duhurkii Maanta. Muuse Biixi Cabdi oo kolkii la soo dhaweeyey kaddib fagaare kala hadlay Taageerayasha soo dhaweeyey, ayaa u mahad naqay bulshada reer Burco ee halkan ku soo dhaweeyey, isagoo ku hambalyeeyey doorka ay kaga jiraan guulaha xisbiga Kulmiye tan iyo markii la aasaasay . guddoomiyaha ayaa sidoo kale shacbiga Gobolka Togdheer ku booriyey inay ka qayb-qaataan diwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee laga bilaabayo Gobolka Togdheer. waxaan salaan idiinka sidaa Madaxweynaha Somaliland, aasaasihii Kulmiye, guddoomiyihii SNM ee halganka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo Shacbiga la hadlayey. ” waxa kale oo aan idiinka mahad naqaya codkii