Skip to main content

Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deegaanka Ee Magaalada Bristol oo Booqatay Xarunta Dhexe Ee Xisbul-xaakimka Somaliland



Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deegaanka Ee Magaalada Bristol oo Booqatay Xarunta Dhexe Ee Xisbul-xaakimka Somaliland

Hargeysa  (Hubaal)- Muwaadinad u dhalatay Jamhuuriyadda Somaliland, ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka magaalada Bristol ee dalka Ingrisiiska Marwo Hibaaq Jaamac, ayaa booqasho ku tagtay xarunta dhexe ee xisbal-xaakimka KULMIYE ee caasimadda Hargeysa maanta.
Xildhibaan Hibaaq Jaamac oo dhawaan socdaal ku timi Somaliland, ayaa iyadoo ay wehelinayeen xubno waalidkeed iyo qaraabadeed ka mid ahi ay tagtay xarunta xisbiga KULMIYE gelinkii hore ee maanta, halkaas oo hoggaanka iyo hawladeennada xisbigu si wayn ugu soo dhaweeyeen, una muujiyeen qalbi-furnaan iyo dhiirrigelin ku wajahan dalkeeda hooyo ee ay dib ugu soo laabatay.

Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa farxad iyo qiimo wayn ku tilmaamay booqashada Xildhibaan Hibaaq oo uu sheegay inay door wayn ka qaadatay aqoonsigii golaha deegaanka Shefield siiyeen madaxbannaanida Somaliland sannadkii 2014-kii.
“Xildhibaan Hibaaq waxay dalkeeda u timi inay soo booqato dalkeeda oo ay eegto dawladaha hoose iyo goobaha waxbarashada, iyadu xisbi walba (axsaabta Somaliland) way ka tirsan tahay, bulsho kastoo reer Somaliland ahna way ka tirsan tahay, markaa aad iyo aad baanu u soo dhawaynaynaa,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin, waxaannu shacabka reer Somaliland ee ku dhaqan Ingiriiska, gaar ahaan deegaanka Bristol ka codsaday inay Marwo Hibaaq gaadhsiiyaan inay ka mid noqoto Golaha Baarlamanka guud ee dalkaasi, maadaama ay calanka Jamhuuriyadda Somaliland markii u horreysa ka dhex ka taagtay Boqortooyada UK.
Sidoo kale, Guddoomiye-ku-xigeenka Garabka Haweenka heer Qaran ee KULMIYE Marwo Dalays Faarax Shire iyo Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Garabka Haweenka xisbiga Marwo Xusni Maxamed, ayaa iyaguna erayo soo dhawayn iyo bogaadin ah ku qaabilay xildhibaan Hibaaq oo ay u hogo-tusaaleeyeen xaaladda dalkeeda hooyo uu joogo iyo kaalinta haweenku ku leeyihiin horumarka iyo saaxadda siyaasaddaba.
Ugu dambayntii, Xildhibaan Hibaaq Jaamac oo hadal ka jeedisay madasha lagu qaabilay ee xisbiga KULMIYE, ayaa si wayn ugu mahadnaqday hoggaanka, hawlwadeennada iyo dadka kale ee soo dhaweeyey oo ay xustay in aanay marnaba filayn inay la kulmayso dad sidan u fara badan oo madax iyo mijaba leh oo ku midoobay jacaylkeeda ama taageeradeeda.
Marwo Hibaaq waxay faahfaahisay golaha deegaanka Bristol ee ay xildhibaanka ka tahay iyo doorkii ay ku lahayd aqoonsigii mudanayaasha deegaanka Shefield siiyeen Somaliland, waxaanay tidhi, “Sidaa la idiin sheegay anigu golaha deegaanka Bristol baan xildhibaan ka ahay, calanka Somaliland-na waan taagay iyadoon hore dalka Ingiriiska looga sharfin calanka Somaliland, ujeeddada ka dambaysay ee aan ugu dhaqaaqay arrintaasina waxa ka mid ahaa, sannad bay ku buuxday intii aan xildhibaanka ka ahaa Ingiriiska, anigoo arkay in qaran kasta dunida ah maalintooda la xuso oo calankooda la sharfo oo la gartay inay yihiin ummad taariikh iyaga u gaar ah leh, markaa sidaas si le’eg ayaan aniguna u doonay Somaliland inay hesho. Haseyeeshee, waxa jira in hadal badani igaga yimi oo la yidhi Hibaaq ummaddii Soomaaliyeed bay kala qaybisay, laakiin Somaliland waa waddan jira oo jinsiyad gaar ah leh, waana in adduunyada meel kastoo aynu joognaba kor u qaadno magaceeda, taasi maaha mid anigu aan ka xishoonayo ama aan dadayo oo aan doonayo in aan ka fogaado. Alxamdullilaah wax wanaagsan oo aannu samaynay ayey ahayd aqoonsigii Somaliland, waana nalagu dayday oo waa nalaga dabaqaaday, in shacabka reer Somaliland si wayWaxa kaloo ay ka hadashay ujeeddada socdaalkeeda iyo xidhiidhka danaha labada waddanka, gaar ahaan dhanka ammaanka, “Somaliland waxaan u imi in aan aad u eego meelaha god-daloolooyinka ka jiraan oo aan idinkala shaqeeyo wixii daldaloolkaa buuxin lahaa, haddii aannu nahay dawladda Ingiriiska iyo dawlaha hoose ee dalkaasi annaga dan baa noogu jirta in Somaliland nabadgalyada ay haysato maanta aannu wax ugu sii darno oo aannu garab-istaagno, waayo waynu la soconaa dunida iyo dalal badan dhibaatada ka jirta, nabadgalyana maanta waa waxa ugu qaalisan, waana ta aad haysaan (Somaliland), markaa waxaan idin odhan lahaa halkaa ka sii wada,” ayey hadalkeeda ku soo ururisay Xildhibaan Hibaaq Jaamac.


Comments

Popular posts from this blog

Somaliland international partners urge political stakeholders to agree on a timely roadmap election.

  For the first time ever, Somaliland's foreign allies have officially spoken out against the extension of President Bihi's tenure by the house of elders by two years. The international partners emphasized the significance of a consensus-driven process that enables elections to be held as soon as possible in a manner consistent with the technical considerations laid out by Somaliland's National Electoral Commission, without specifically stating whether or not the mandate extension was appropriate. In a statement, they urged the political stakeholders to work together constructively to agree on a timely roadmap for the elections for Somaliland’s democratic credibility and stability. The declaration was made only a few days after opposition parties explicitly criticized the house of elders' decision to extend President Bihi's term by two years and stated they would no longer accept him as "a legitimate president" when his term ends on November 13. a

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE.

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE . Waxaan Hargeisa imid iyada oo dalka lagu jirey dhowr bilood 1991-kii. Waxaana an ka bilaabey shaqo mushaharkeedu yahay $400 bishii. Waxey aheyd mushahar uugu sareeya ee xiligaa qof qaadan jirey. Dalku sida uu dhanyahayba qof mushahar qaataa muu jirin, marka laga reebo dhowr qof oo hey’ado u shaqeyn jirey mooyaane. Madaxweyne ilaa Wasiir iyo Taliye Ciidan ilaa Xildhibaanka Golaha Dhexe ee SMN ka tirsanaa, muu jirin qof hal shilin oo mushahar ah qaadan jirey, haddey bil noqoto iyo haddey sannad noqoto iyo afar sanadood noqotaba. Bal adigu ka warran ummad dhan oo dawlad ah, oo ciidan leh oo bileys leh oo wasiiro leh, oo macalimiin leh oo dhakhtaro leh, oo dawladda hoose leh, oo jeel maxaabisi ku xidhantahay leh, oo maxkamado leh, oo idaacad aroor iyo habeenba hadasha leh, oo hadana aanu ku jirin hal qof oo mushahar qaataa. Dadkaasi sida ay dhanyihiin wey soo shaqo tagaan aroor kasta 8-da

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA”

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA” - Guddoomiyaha/ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyey duhurkii Maanta. Muuse Biixi Cabdi oo kolkii la soo dhaweeyey kaddib fagaare kala hadlay Taageerayasha soo dhaweeyey, ayaa u mahad naqay bulshada reer Burco ee halkan ku soo dhaweeyey, isagoo ku hambalyeeyey doorka ay kaga jiraan guulaha xisbiga Kulmiye tan iyo markii la aasaasay . guddoomiyaha ayaa sidoo kale shacbiga Gobolka Togdheer ku booriyey inay ka qayb-qaataan diwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee laga bilaabayo Gobolka Togdheer. waxaan salaan idiinka sidaa Madaxweynaha Somaliland, aasaasihii Kulmiye, guddoomiyihii SNM ee halganka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo Shacbiga la hadlayey. ” waxa kale oo aan idiinka mahad naqaya codkii