Skip to main content

Madaxweyne Siilaanyo Oo Soo Xidhay Shirkii Golaha Dhexe Ee KULMIYE Iyo Muuse Biixi Oo Siilaanyo Siiyay Bilad Sharaf.



Madaxweyne Siilaanyo Oo Soo Xidhay Shirkii Golaha Dhexe Ee KULMIYE Iyo Muuse Biixi Oo Siilaanyo Siiyay Bilad Sharaf.


Hargeysa(Hubaal)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa soo xidhay shirkii golaha dhexe ee Kulmiye hotelka Maansoor ee Hargeysa uga socday  shalay iyo maanta. Shirkaasi oo shalay loogu doortay musharaxa madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, musharax xigeenna loogu doortay Madaxweyne Cabdiraxmaan Saylici ayaa maanta ajandihiisu ka duwaan kii shalay.
Kulanka maanta ayaa intii uu socday waxaa wax ka bedel lagu sameeyay shuruucda xisbiga Kulmiye, gaar ahaana qodobo ku saabsan sida xubnaha xilalka hayaa golaha dhexe ku soo galaan. Golaha dhexe oo ay hore xilalka ugu soo gali jireen xubnaha Kulmiye ee golaha wakiillada ku jira iyo kuwa golaha wasiirada ku jira ayaa hadda lagu kordhiyay in xubnaha Guurtidu xilal ku soo galaan golaha dhexe.
Kulanka ayuu sidoo kale khudbad 12 bog ka kooban ka jeediyay guddoomiyaha Kulmiye, ahna musharaxa xisbiga Muuse Biixi Cabdi, wuxuuna kaga hadlay arrimo door ah oo ay ka mid yihiin adkaynta ammaanka, kobcinta dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, tamarta, doorka haweenka, dhalinyarada iyo dadka la haybsooco. Waxa uu sheegay in xisbigiisu kor u sii qaadi doono arrimahaasi 5-ta sanno ee soo socota.
Madaxweynaha Somaliland oo kulankaasi soo xidhay wuxuu hogaanka Kulmiye iyo taageerayaasha xisbiga kula dardaarmay isku duubni iyo inay wada hadal ku dhammeeyaan khilaafaadka soo dhexe gala. Waxa uu madaxweynuhu bogaadiyay wasiirkiisa caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed oo shalay lagaga adkaaday musharaxnimada madaxweyne xigeen, waxaanu sheegay in Dr Xaglotoosiye sameeyay geesinimo bisayl siyaasadeed.
“Waxaan Hambalyeynayaa labada Musharax ee Xisbigu u doortay tartanka doorashada soo socda, waxaan u rajaynayaa guul. Waxaan u hambalyeynayaa Wasiirka Caafimaadka, Mudane Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), oo si fiican u tartamay, Inkasta oo aanu ku guulaysan damaciisii, hasa-yeeshee, wuxuu muujiyey dadaal iyo bisayl siyaasadeed oo badan.  Waxaan u mahadnaqayaa marti sharafta ka soo qayb gashay madashan. Waxaan idinka mahad-celinayaa shahaado sharafta aad igu maamuusteen. Waxaan ugu baaqayaa haldoorka Xisbiga Kulmiye in ay midooban, wixii turxaan iyo tabasho ah ee dhex timina ay wada hadal ku dhamaystiraan. Ugu dambayn, waxaan u dardaaraya, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ee ah murashaxa Madaxweynaha mustaqbalka, in uu dadaal dheer u galo midnimada iyo isku haynta Xisbiga,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.
Waxa ugu dambeyn madaxweynaha la gudoonsiiyay bilad sharaf uu ku mutaysatay sida uu uga tanaasulay inuu mar labaad u tartamo musharaxnimada madaxweyne ee xisbiga Kulmiye. Waxa shahaado sharafta guddoonsiiyay guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.



Blogger: Hajicami.blogspot.com
E-mail:Samater2013@gmail.com


Comments

Popular posts from this blog

Somaliland international partners urge political stakeholders to agree on a timely roadmap election.

  For the first time ever, Somaliland's foreign allies have officially spoken out against the extension of President Bihi's tenure by the house of elders by two years. The international partners emphasized the significance of a consensus-driven process that enables elections to be held as soon as possible in a manner consistent with the technical considerations laid out by Somaliland's National Electoral Commission, without specifically stating whether or not the mandate extension was appropriate. In a statement, they urged the political stakeholders to work together constructively to agree on a timely roadmap for the elections for Somaliland’s democratic credibility and stability. The declaration was made only a few days after opposition parties explicitly criticized the house of elders' decision to extend President Bihi's term by two years and stated they would no longer accept him as "a legitimate president" when his term ends on November 13. a

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE.

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE . Waxaan Hargeisa imid iyada oo dalka lagu jirey dhowr bilood 1991-kii. Waxaana an ka bilaabey shaqo mushaharkeedu yahay $400 bishii. Waxey aheyd mushahar uugu sareeya ee xiligaa qof qaadan jirey. Dalku sida uu dhanyahayba qof mushahar qaataa muu jirin, marka laga reebo dhowr qof oo hey’ado u shaqeyn jirey mooyaane. Madaxweyne ilaa Wasiir iyo Taliye Ciidan ilaa Xildhibaanka Golaha Dhexe ee SMN ka tirsanaa, muu jirin qof hal shilin oo mushahar ah qaadan jirey, haddey bil noqoto iyo haddey sannad noqoto iyo afar sanadood noqotaba. Bal adigu ka warran ummad dhan oo dawlad ah, oo ciidan leh oo bileys leh oo wasiiro leh, oo macalimiin leh oo dhakhtaro leh, oo dawladda hoose leh, oo jeel maxaabisi ku xidhantahay leh, oo maxkamado leh, oo idaacad aroor iyo habeenba hadasha leh, oo hadana aanu ku jirin hal qof oo mushahar qaataa. Dadkaasi sida ay dhanyihiin wey soo shaqo tagaan aroor kasta 8-da

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA”

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA” - Guddoomiyaha/ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyey duhurkii Maanta. Muuse Biixi Cabdi oo kolkii la soo dhaweeyey kaddib fagaare kala hadlay Taageerayasha soo dhaweeyey, ayaa u mahad naqay bulshada reer Burco ee halkan ku soo dhaweeyey, isagoo ku hambalyeeyey doorka ay kaga jiraan guulaha xisbiga Kulmiye tan iyo markii la aasaasay . guddoomiyaha ayaa sidoo kale shacbiga Gobolka Togdheer ku booriyey inay ka qayb-qaataan diwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee laga bilaabayo Gobolka Togdheer. waxaan salaan idiinka sidaa Madaxweynaha Somaliland, aasaasihii Kulmiye, guddoomiyihii SNM ee halganka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo Shacbiga la hadlayey. ” waxa kale oo aan idiinka mahad naqaya codkii