Wednesday, 25 November 2015

Maxaad ka taqaanaa, Somaliland iyo Sagaalka waddan ee kale, ee aan Xubnaha ka ahayn Qaramada Midoobey?



Maxaad ka taqaanaa, Somaliland iyo Sagaalka waddan ee kale, ee aan Xubnaha ka ahayn Qaramada Midoobey?


Halkan hoose waxaan idiinku soo gudbinayaa, Tobbanka Waddan ee Caalamka ku yaala ee Xuquuqdooda la dafiray, Tobbankaas waddan oo aan ka mid ahayn Qaramada Midoobey. waxaa ku jira waddanka Somaliland. Haddaba Sida waddamadaasi ay Caalamka Ictiraafka uga kala haystaan iyo wadddan kasta inta Ictiraafsan ayaan halkan ku wadaageynaa.
1. Republic of Abkhazia. Jamhuuriyada Abkhaasiya, waxay xornimadeeda si resmi ah ugu dhawaaqday, 12 October 1999. Caasimada waddankan waxaa la yidhaahda "Sukhumi". badka dhulka ee uu ku fadhiyaana waa 8,660 km2. Waddankani wuxuu ka go'ay waddanka la yidhaahdo "Georgia". Jamhuuriyada Abkhaasiya waxaa waddan ahaan u aqoonsan, Afar waddan oo xubno ka ah Qaramada Midoobey, kuwaas oo kala ah, Russia,Nicaragua, Venezuela iyo Nauru.Waxa kale oo aqoonsaday labbada waddan ee kala ah Tuvalu iyo Vanuatu Lakiin aqoonsigii dib ayay ugala noqdeen 2013 iyo 2014 kii.Waxaa kale oo aqoonsan saddex waddan oo iyaga laftoodu aan xubin ka ahayn Qaramada Midoobey, Ictiraafna doonaya, kuwaas oo kala ah South Ossetia, Transnistria iyo Nagorno-Karabakh.
2. Republic of South Ossetia. Jamhuuriyadda Koonfurta Ossetiya, waxay xornimadeeda si resmi ah ugu dhawaaqday, 21 December 1991. Caasimada waddankan waxaa la yidhaahda "Tskhinvali''. badka dhulka ee uu ku fadhiyaana waa 3,900 km2. Waddankani wuxuu isna ka go'ay, waddanka la yidhaahdo "Georgia". Jamhuuriyada Koonfurta Ossetiya, waxaa waddan ahaan u aqoonsan, Afar waddan oo xubno ka ah Qaramada Midoobey, kuwaas oo kala ah, Russia,Nicaragua, Venezuela iyo Nauru. Waxaa kale oo aqoonsan saddex waddan oo iyaga laftoodu aan xubin ka ahayn Qaramada Midoobey, Ictiraafna doonaya, kuwaas oo kala ah Abkhazia, Transnistria iyo Nagorno-Karabakh.
3. Sahrawi Arab Democratic Republic. Jamhuuriyada Dimuqraadiga Carabta Saxaraha. waxay xornimadeeda si resmi ah ugu dhawaaqday, February 27, 1976. Caasimada waddankan waxaa la yidhaahda "Laayoune". Waxayse ku meel gaadh ahaan u usticmaalan oo dawladdu u degen tahay "Tifariti".
Waddankani wuxuu xoriyaddiisa ku dhawaaqay ka dib markii ay jabhadii Polisario Front, dagaalka kaga adkaatay gumeystihii Spanishka ee xooga ku heystey, nasiib darose markii uu Spanishku ka baxay, waxaa markiiba qabsaday labbada waddan ee Morocco iyo Mauritania. kol ay Mauritania markiiba ka baxday oo dagaalkii ay Polisario kula jirtay lagaga guuleystey. Waxaase aan ka tanaasulin sheegashada waddankan, waddanka la yidhaahdo Marooko. Jamhuuriyada Dimuqraadiga Carabta Saxaraha, waxaa aqoonsaday 84 waddan oo weliba xubno ka ah Qaramada Midoobey, nasiib darose, waxaa aqoonsigii kala noqday ama si kaleba u hakiyay 39 waddan. Waxaase weli aqoonsan 45 waddan. Jamhuuriyadan Sahrawi Arab Democratic, bedka dhulkeedu waa 266,000b km2,. Waxayse gacanta ku haysaa oo maamushaa wax ka yar 20% ilaa 25%. Waxayna xubin buuxda ka tahay Ururka Midowga Afrika,African Union (AU).Dhawr jeer oo la isyidhi ummadda waddankan ku nool Afti ka qaada ay madaxbanaani resmiya ku helaan, dhawrka jeerba Marooko ayaa dacareysey, oo marba dhibaato iyo waxaan loo fadhiyin ku furtay.
4.Turkish Republic of Northern Cyprus. Jamhuuriyada Turkiga ee Waqooyiga Qubrus. waxay xornimadeeda si resmi ah ugu dhawaaqday,15 November 1983. Caasimada waddankan waxaa la yidhaahda "North Nicosia" badka dhulka ee uu ku fadhiyaana waa 3,355 km2. Waddankani wuxuu ka go'ay waddanka la yidhaahdo Republic of Cyprus. Jamhuuriyaddan Waqooyiga Qubrus, waxaa waddan ahaan u aqoonsan, hal waddan oo xubin ka ah Qaramada Midoobey, waana waddanka Turkey ama Turkiga. Waxaa sabab u ahaa waddankani in uu Qubrus intiisa kale ka go'o waddanka Turkiga.Waddan kale oo Ictiraafsanina ma jiro waddankan.
5.Palestine. ama Waddanka Falastiin, waxay xornimadeeda si resmi ah ugu dhawaaqday 15 November 1988. Caasimada waddankan waxaa la yidhaahda "Jerusalem (East)". badka dhulka ee uu ku fadhiyaana waa 6,220 km2. Falastiin xaaladdeeda waad la wadda socotaan, waxaana dal ahaan u aqoonsan 136 waddan oo xubno ka ah Qaramada Midoobey. Waxayna xubin goob jooge ah ka tahay Qaramada Madoobey. Waddankan Falastiin inay Xubin rasmiya ka noqoto Qaramada Midoobey waxaa hortaagan Israel oo Kaashaneysa Maraykanka. hore ayuuna Maraykanku ugu balan qaaday Xubinimada Falastiin ee Qaramada Midoobey inuu diid mada qayaxan ee "VETO" isku hor taagi doono.
Lasoco Qaybta labbaad ee Waddamada Xuquuqdoodii la dafiray ee aan Qaramada Midoobay ka midka ahayn, oo ay Somaliland ku jirto.
Blogger; hajicami.blogspot.com




No comments:

Post a Comment

Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...