Skip to main content

Guddoomiye Cirro Oo Sii Macal-sallaamaynnaaya Kursiga Wakiillada Iyo Xubnaha Orodka ugu jira



Guddoomiye Cirro Oo Sii Macal-sallaamaynnaaya Kursiga Wakiillada Iyo Xubnaha Orodka ugu jira.

 


Hargaysa(HWN):-Sida ay sheegayaan warar aanu ka helnay Ilo lagu kalsoon yahay oo u dhuun daloola Arrimaha Xisbiga Waddani, waxa dhawaan Xilka uu ka hayo Golaha Wakiillada iska Casili doona Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, kadib muddo dheer oo uu kursigaas kusoo fadhiyey. Warku waxa uu intaas ku darayaa in Guddoomiye Cirro wada-tashi iyo talooyin badan la yeeshay saraakiisha Xisbigiisa, isla-markaana uu xilligan ku qancay inuu gebi ahaanba ka tago Xilka Guddoomiyenimo ee uu Golahaas kasoo hayey iyo waliba Xubin-nimadaba, isagoo uban baxaya Arrimaha Xisbiga uu Guddoomiyaha ka yahay oo haatan wajahaya Xaalad adag oo xagga horumarinta Barnaamijkiisa siyaasadeedka. Mudane Cirro waxa uu uu Go’aankan qaatay kadib markii uu soo dhammaaday Murankii dheeraa ee Xisbiga Kulmiye dhexdiisa yaallay, isla-markaana

- uu Xisbigaasi yeeshay Murrax   Madaxweyne iyo Ku-xigeen, iyadoo taasi  Guddoomiyaha ku dhalisay inuu gudo galo Barnaamijkii uu kula tartami lahaa Musharrixiinta Dhiggiisa ah oo haatan noqday qaar aan qarsoonayn oo la wada yaqaanno..
Mudane Cirro waxa uu markii hore shaki badani kaga jirey Musharraxnimada Madaxweyne Siilaanyo oo uu hore usii qorshaystay haddii uu musharaxnimadiisa kusii adkaysto inuu isaguna Kursigiisa kusii adkaysto ilaa ay Doorashooyinka dalka ka qarshaysani soo dhawaanayaan. Kadib markii ay dibadda usoo baxeen wararka sheegaya inuu Guddoomiye Cirro Kursiga Wakiillada maca salaamayn doono, ayaa waxa dhinacooda tartan aan qarsoonayn galay Xildhibaanno Golaha katirsan oo ay ka go’an tahay inay Kursigaas ku fadhiistaan, kuwaas oo kasoo jeeda Beelaha Harti oo  aaminsan inay Kursigaas si gaar ah u lahaayeen ka hor Cabdiraxmaan Cirro. Xubnaha Guclaha ku jira ayaa isku garbinaya Ergooyin ay madaxweynaha ugu tegayaan, isla-markaana ugu sheegayaan inuu la raadiyo Guddoomiyenimada Golaha kadib is-casilaadda Cirro, waxana iyagoo isku duuban iyo iyagoo kala gaar ah madaxweynaha u laqimeen inay kursigaas iyagu xaq u leeyihiin, maadaama ay u arkaan in saami badan oo xagga kuraasta dalka ugu sarraysa ahi ka maqan yahay. Xubnaha Madaxweynaha sida gaarka ugu tegay ee la filayo inay kursigaas ku fadhiistaan waxa ugu cadcad Xildhibaan Saleebaan yuusuf Cali(koore)oo isagu olole ballaadhan ugu jira Kursigaas, waxana isagoo odayaal iyo waxgarad deegaankiisa kasoo jeedda wata uu madaxweynaha hordhigay hankiisa, waxana wararku sheegayaan inuu madaxweynaha ka helay waxoogaa madax-raaricin ah oo la xidhiidha inuu la jecel yahay kursigaas haddii uu bannaanaado. Mudane Koore oo kamid ah mudanayaasha ugu khibradda badan, isla-markaana wakhti dheer Golahaas kusoo jirey, ayaa isu arka inuu ku haboon yahay Guddoomiyenimada Wakiillada, isagoo ka faa’iidaysanaya Xidhiidh wanaagsan uu haatan la leeyahay Madaxweyne Siilaanyo, waxana loo arkaa shakhsiga ugu fursadda fiican xubnaha Kursigan doonaya. Xubnaha kale ee Kursigan u cararaya, ayaa waxa kamid ah Guddoomiye-ku-geenka koowaad ee Wakiillada Md Baashe Maxamed Faarax, kaas oo ay wiiqeen Xurgufo ka dhashay khilaafkii dhawaan Kulmiye dhexdiisa ka qarxay, waxana uu tebaya Xidhiidhkii fiicnaa ee uu madaxweynaha la lahaa oo aan haatan jirin, balse waxa uu wadaa dhaqdhaqaaqyo uu Kursigaas ku raadsanayo. Waxana ololihiisa laga dareemayaa  Beeshiisa dhexdiisa, waxana xubno siyaasiyiin ah oo uu shirar hoose la galay ugu bandhigay Rabitaankiisa arrintan la xidhiidha.
Mudane Baashe oo haatan aan lahayn awooddii uu hore u lahaa maadaama ay madaxweynaha iyo Xisbigaba kala go’een, ayaa isu arka qofka ku haboon kursigaas, maadaama uu Shir-guddoon muddo dheer soo ahaa, isla-markaana uu Golaha fadhiyadiisa qaar badan oo kamdi ah soo guddoomiyeye. Baashe maxamed Faarax waxa ay wararka qaarkood sheegayaan inuu madaxweynaha ergo ugu dirsaday Arrintan darteed, balse lama hayo weli jawaab cad oo uu madaxweynuhu kusoo celiyey, waxase laga dhursugayaa sida maalmaha soo socda wax u dhacaan. Kursiga Xubnahani haatan doonayaan ayaa waxa hore ugu soo fadhiistan xubno ay isku deegaan kasoo jeedaan oo ay kamid ahaayeen Axmed Maxamed Aadan(qaybe) iyo Waliba Axmed Cabdi Xaabsade, waxana ay ku doodayaan in la gaadhay xilligii ay heli lahaayeen Xaqaas muddada ka maqnaa. Fadhiyada soo socda ee Golaha oo lagu wado inay furmaan Maalinta Sabtida soo socota, ayaa lagu wadaa in  wax badani ku kala caddaadaan, iyadoo Guddoomiye Cirro maanka ku hayo Qabyooyinka siyaasadeed ee horyaalla iyo waliba Su’aasha la xidhiidha labada xi loo ay dad badani wali is-weydiinayaan oo looga fadhiyo inuu meesha ka saaro.




Comments

Popular posts from this blog

Somaliland international partners urge political stakeholders to agree on a timely roadmap election.

  For the first time ever, Somaliland's foreign allies have officially spoken out against the extension of President Bihi's tenure by the house of elders by two years. The international partners emphasized the significance of a consensus-driven process that enables elections to be held as soon as possible in a manner consistent with the technical considerations laid out by Somaliland's National Electoral Commission, without specifically stating whether or not the mandate extension was appropriate. In a statement, they urged the political stakeholders to work together constructively to agree on a timely roadmap for the elections for Somaliland’s democratic credibility and stability. The declaration was made only a few days after opposition parties explicitly criticized the house of elders' decision to extend President Bihi's term by two years and stated they would no longer accept him as "a legitimate president" when his term ends on November 13. a

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE.

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE . Waxaan Hargeisa imid iyada oo dalka lagu jirey dhowr bilood 1991-kii. Waxaana an ka bilaabey shaqo mushaharkeedu yahay $400 bishii. Waxey aheyd mushahar uugu sareeya ee xiligaa qof qaadan jirey. Dalku sida uu dhanyahayba qof mushahar qaataa muu jirin, marka laga reebo dhowr qof oo hey’ado u shaqeyn jirey mooyaane. Madaxweyne ilaa Wasiir iyo Taliye Ciidan ilaa Xildhibaanka Golaha Dhexe ee SMN ka tirsanaa, muu jirin qof hal shilin oo mushahar ah qaadan jirey, haddey bil noqoto iyo haddey sannad noqoto iyo afar sanadood noqotaba. Bal adigu ka warran ummad dhan oo dawlad ah, oo ciidan leh oo bileys leh oo wasiiro leh, oo macalimiin leh oo dhakhtaro leh, oo dawladda hoose leh, oo jeel maxaabisi ku xidhantahay leh, oo maxkamado leh, oo idaacad aroor iyo habeenba hadasha leh, oo hadana aanu ku jirin hal qof oo mushahar qaataa. Dadkaasi sida ay dhanyihiin wey soo shaqo tagaan aroor kasta 8-da

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA”

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA” - Guddoomiyaha/ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyey duhurkii Maanta. Muuse Biixi Cabdi oo kolkii la soo dhaweeyey kaddib fagaare kala hadlay Taageerayasha soo dhaweeyey, ayaa u mahad naqay bulshada reer Burco ee halkan ku soo dhaweeyey, isagoo ku hambalyeeyey doorka ay kaga jiraan guulaha xisbiga Kulmiye tan iyo markii la aasaasay . guddoomiyaha ayaa sidoo kale shacbiga Gobolka Togdheer ku booriyey inay ka qayb-qaataan diwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee laga bilaabayo Gobolka Togdheer. waxaan salaan idiinka sidaa Madaxweynaha Somaliland, aasaasihii Kulmiye, guddoomiyihii SNM ee halganka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo Shacbiga la hadlayey. ” waxa kale oo aan idiinka mahad naqaya codkii