Skip to main content

Posts

Showing posts from December, 2015

Musharax Muse Biixi Oo Reer Abtigii U Muujiyeen Taageero yo Xaalmarintii Suldaanka Guud.

Musharax Muse Biixi Oo Reer Abtigii U Muujiyeen Taageero yo Xaalmarintii Suldaanka Guud.   Hargeysa (Horseednews.com) Guddoomiyaha, ahna murrashaxa madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa Casuumad casho sharaf la isku arkay ah loogu sameeyey huteelka Star ee degmada Maxamuud Haybe ee koonfurta magaalada Hargeysa xalay. Casuumaddan oo uu sameeyey Gancsade Cismaan Cabdi Xasan oo ah mulkiilaha shirkadaha ganacsiga Star Group, waxa ka qayb-galay madax-dhaqameed uu horkacayey Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, wasiirro, agaasimayaal iyo maareeyayaal ka tirsan madaxda xukuumadda, siyaasiyiin, ganacsato, dhallinyaro iyo marti sharaf kale oo dhammaantood ka soo jeeda deegaanka Koonfurta Hargeysa (Ciidagale), kuwaas oo soo dhawayn iyo bogaadin ku qaabilay Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi murrashaxnimada jagada madaxweynenimo ee xisbiga KULMIYE loogu doortay dhawaan. Oday Aabi Xujaale oo ku hadlayey afka ganacsade Cismaan Cabdi Xasan, ayaa uga mahadceliyey murrash

….Jamaal, Saddex Sanno Horteed Baanu Sharraxnay, Immikana Haddii Uu Leeyahay La Ilama Tartami Karo, Taas Isagu Xaq Uma Laha Oo Waa Arrin Xisbi

….Jamaal, Saddex Sanno Horteed Baanu Sharraxnay, Immikana Haddii Uu Leeyahay La Ilama Tartami Karo, Taas Isagu Xaq Uma Laha Oo Waa Arrin Xisbi”   Eng. Feysal Cali Waraabe Oo Iska Barraxay Tabashooyinka Musharraxiisa Iyo Isa-seega Soo Noqnoqday Ee Xisbigiisa  Haggaasiyey  “Cirro [Guddoomiyaha WADDANI]  Isagoo Aanay Cidi Aqoon Baan [Anigu] Somaliland Oo Dhan Dusha Ka Saaray Kadibna Wuu Igu Kibray Waanu I Mijo xaabiyey,  Tolkiina….” “Xisbigii Uu  Feysal  Aasaasay 2012-kii buu dhammaaday, kanse NEW UCID baa la yidhaahdaa” Hargeysa ( Hubaal ) – Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa markale ka Hadlay khilaafka xisbigiisa ka dhex jira, waxana uu si cad ugu celiyey in Musharraxnimada Xisbiga loo tartami doono, isagoo eedona dusha ka saaray Guddoomiye Cirro oo ay wakhti isku jaal ahaayeen iyo waliba Musharrax Jamaal Cali Xuseen. Guddoomiye Faysal oo isaga oo ku sugan magaalada Luwanda ee caasimadda wadanka Angola oo uu shir kaga qayb galay ayaa waraysi u

Laba Wariye Oo Ku Dhaawacmay Shil baabuur Oo Maanta Ka Dhacay Galbeedka Magaalada Ceerigaabo

Laba Wariye Oo Ku Dhaawacmay Shil baabuur Oo Maanta Ka Dhacay Galbeedka Magaalada Ceerigaabo, Ceerigaabo(Hadhwanaagnews) Shil Baabuur Oo Sababay Dhaawaca Laba Wariye Oo ka Kala Tirsan Horncable Tv iyo Tv Qaranka Ayaa Waxa Saaka Subaxnimadii Hore Uu ka Dhacay Galbeedla Magaalada Ceerigaabo Wariyayaashan Oo Magacyadooda La Kala Yidhaahdo Cali Aadan Daahir Oo Horncable tv  Ceerigaabo Uga Soo Warama Iyo Maxamed Maxamuud Saraaf Isuduwaha Wasaarada Warfaafinta Gobolka Sanaag Ahna Wariyaha Tvga Qaranka Uga Soo Warama Magaalada Ceerigaabo Ayaa Xiliga Gaadhigu La Gadoomay Labdan Wariye  Waxay Hawlo Shaqo ugu Safrayeen  Degaanka Fadhigaab Oo Ah Halka Ay marayso Dhismaha Wadada Isku Xidha Gobolka Sanaag Iyo Gobolka Togdheer  Isla Markaana U Dhaxaysa Degmada Ceelafweyn Iyo Gar.adag Ee Galbeedka Gobolka Sanaag. -Waxna Labadan Wariye  Soo Gaadhay Shil Sahlan Kaasi Oo ka Soo gaadhay Feedhaha iyo Wareega Dhabarka hase Yeeshe Xaladooda Caafimaad Ay Aad U Sahlantahay Waxana Wakhtigan l