Tuesday, 13 October 2015

Mujaahid Muuse Biixi Waa Nin Go'aan Adag Waxyaabaha Madaxweynaha Lagu Xushona Waxa Ka Mid Ah...Saxardiid Caddaani

Hargaysa(HWN)Wasiiru Dawlaha Maaliyadda Somaliland Md Cismaan Cabdilaahi Saxarddiid  (Caddaani), ayaa faahfaahin ka bixiyey sababtu uu isaga iyo Xubno ay isku beel yihiin oo Golaha dhexe ee Kulmiye ku jiraa ay taageeradda Codkooda ugu hibeeyeen u lana garab istaageen Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, waxaanu taxay  qodobo uu ku sifeeyey in uu Murashax Muuse hogaaminta  Somaliland iyo Mansabka ugu sareeya ee Madaxweynenimadda qabto.
Md Cismaan Cabdilaahi Saxarddiid (Caddaani)waxa uu hoosta ka xariiqay in Muuse Biixi Cabdi uu yahay shaqsi Abaal badan Somaliland wakhtigii Halgankii SNM Shacabka Somaliland u soogalay isla markaana in uu Muuse yahay Siyaasi go’aan adag oo leh sifo kasta oo hogaamiye looga baahan yahay.
Cismaan Cabdilaahi Saxarddiid (Caddaani)  oo arintaasi ka hadlayey waxa uu yidhi  “Waxa weeye Xisbiga Kulmiye waa Xisbig Dimquraadi ah waligiina Dumquraadi ayuu ahaa oo waa Xisbi aan ku faanayo in aan ku jiro raga la sheegayo ee Qoodha ahna rag kale oo Qoodh ah iyo Hablaba ayaan hore u kala saarnay , rag badan oonu saaxiib nahay oo aanu soo wada halganay ayaa Kulmye Murashaxiin ka ah rag aanu Wasiiro wada nahay ayaa Murashaxiin ka ah oo rag waliba Wasaaradda aan joogo wasiir ka ahaa ayaa murashax ka ah oo Xildhibaano ayaa Murashaxiin ah aanu saaxiibo nahay, laakiin anigu arintayda waan cadeeyey oo ragaasi aanu saaxiibka nahay oo runtii ah rag Khibrad leh hadii ay Wasiirada yihiin iyo hadii ay raga kale yihiin ay yihiin rag dalkan wax u tari kara una taray ay yihiin”Ayuu yidhi isaga oo la hadlay Homcable Tv.
Wasiir Caddaaani  waxa uu sheegay in 20 ka mid ah Ergada golaha dhexe ee Kulmiye oo ay Beeshisa ka soo jeeda ay Muuse Biixi taageersan yihiin waxaanu yidhi  “Laakiin Maanta waxa la eegayaa yaa dalkan wax ka noqon kara , mustaqbalka Xisbiga Kulmiye yaa murashax ka noqon kara aniga iyo inta reerkayaga oo reero ayaa lagu bixiyaa Ergooyinka golaha dhexe, waxa soo raaca waa wasiiradda oo ilaa 26 ayaanu ku jirnaa reerkayagu waanu falanqeynay arintan oo waanu iskaga nimid oo isla eegnay oo dhinac kasta waanu ka eegnay waxay na la noqotay tiro 20 ku dhaw oo 26-ka ka mid ahi in aanu taladda dalka iyo hogaaminta dalka aanu saarno guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee maanta Murashaxa u ah Madaxweynenimadda ee Somaliland oo dhami u wada taqaano ee taariikhda caanka ah leh oo ah ninka la yidhaahdo Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaanu taladda dalka saarano , waxa weeye hadii uu ikhtiyaarku noqon lahaa in dalka ay Madaxweynayaal ka noqdaan Laba ama Saddex Madaxweynayaal malaha arintu sidan way ka duwanaan laheyd, laakiin hogaaminta dalka waxa weeye in Madaxweyne kali ah uun aynu u doorano nin uumbaana Kulmiye murashax ka noqon kara”
Cismaan Cabdilaahi Saxarddiid (Caddaani), waxa uu ugu dambeyn ka hadlay Siyfooyin uu Muuse Biixi Cabdi ka bixiyey in uu hogaaminta Somaliland ugu qalmo waxaanu yidhi “Anagu waxaanu qabnaa talo sax ah inay tahay oo umadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo 6 Xubnood ee reerkayaga naga maqanba inay na soo raacaan oo umadda Somaliland ee Kulmiye ku jirtaana aanu rabno inay nagu soo raacaan , waanu sababeynaynaa waxaanu sidaasi u nidhi oo waxaanu ku sababeynaynaa wax ay umadda Somaliland leedahay waayo Muuse Biixi Cabdi waa nin Mujaahid ah, Ciiddan ayuu hogaamin jiray balaadhan berigii halkanka SNM lagu jiray ee la dhimanaayey ee la baabayey ee la silcaayey ee meela aan lagu nabadgeleyn ragii iyo shaqsiyaadkii Somaliland naftooda u huray ayuu ka mid ahaa, halganka dheer uu soo galay umadda Somaliland shaki kaga ma jiro wixii uu ahaa iyo sida uu naftiisa u soo horay , waa nin go’aan adag dalkana waxa uu u baahan yahay nin go’aan adag waxyaabaha Madaxweynaha lagu xushona waxa ka mid ah in qofka go’aankiisu adag yahay”

Fb:Abdiasiis Jama Haji Cami
Hargeisa Somaliland

“Muuse Biixi Waxaan Leeyahay Nin Laba Libaax Abti U Yihiin Baad Tahay Maanta”- Suldaan Aadan Suld. Faarax

“KULMIYE Wuu Ka Dheeryahay Nin Doonaya Inuu Kursi Ku Fuulo” Guddoomiye Muuse Biixi
                                                                                                                      
Hargeysa (Hubaal)- Xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE ugu jirta Beesha Koonfurta Hargeysa (Ciidagale), ayaa si rasmiya u shaaciyey taageero buuxda oo ay la garab-joogaan murraxshimada Madaxweynenimo ee Guddoomiyaha KULMIYE  Md. Muuse Biixi Cabdi, kadib Madaxweyne Siilaanyo.
Xaflad ballaadhan oo casuumad qado lagu qabtay huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa maanta, kana qaybgaleen hoggaanka KULMIYE, wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin, madaxdhaqameed iyo waxgarad ka tirsan beesha Ciidagale, ayaa lagu soo bandhigay taageerada xubnaha golaha dhexe ee beeshu u muujiyeen murrashaxnimada Muuse Biixi, iyadoo halkaasi ay goob-joog ku ahaayeen 14 xubnood ka mid ah 18 qof oo Golaha Dhexe ee KULMIYE ugu jira beesha. Waxaanna madasha lagu asteeyey khudbado xambaarsan weedho hiil taageero iyo dhoolo-tus siyaasadeed ah oo ay jeediyeen siyaasiyiin iyo salaadiin ka mid ah martida goobta isugu tagtay.
La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Bulshada, ahaana qabanqaabiyaha xafladdaasi Mr. Maxamed Iid Dhimbiil oo ka mid ahaa aasaaseyaashii xisbiga KULMIYE oo uu hore xilal kala duwan uga soo qabtay, ayaa ka warramay mowqifka xubnaha beeshiisu qaateen iyo sababaha ku kellifay, isagoo xusay in tartanka xooggaysanaya ee xisbiga dhexdiisu muujinayo biseyl dimuquraadiyadeed iyo hufnaan siyaasaddeed oo lagu yaqaan, balse haddana uu bannaanka ka sii muuqdo qofka lagu aamini karo masiirka umadda, marka uu saaxada banneeyo Madaxweyne Siilaanyo.
“Tirada guud ee golaha dhexe ee beeshu ku leedahay KULMIYE waa 18 xubnood, wax ku yimi magaca beesha, wax ku helay xil iyo wax ku yimi maamuus kaleba, markaa 18-kaa xubnood waxa goob-joog ah oo halkan fadhiya 12 xubnood, laba xubnood oo kalena cudur-daar adag ayey ku maqan yihiin oo midkood geeri ku dhacday buu ku maqanyahay. Sidaas darteed, 14-kaa xubnood oo dalka gudihiisa jooga waxaan caddaynayaa inay si buuxda u taageersan yihiin Muuse Biixi Cabdi, afarta kalena waxaan leeyahay kamaanaan rajo-dhigin,” ayuu yidhi Maxamed Iid, isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey, “Tartankaa xisbiga KULMIYE, ninkasta oo murrashax ah waxaan leeyahay wuxuu muujinayaa dimuquraadiyad la yaable, dadka wax baynu baraynaa, ninkastoo wax ismoodayna wuxuu doonayaa inuu aad isaga warramo oo uu is-sheego oo is muujiyo, laakiinse ninbaa laga hayey; ‘Loogaa la yidhaahdaa’ markaasaa lagu yidhi, “lagaaga gole fadhiyaa.”
Suldaan Aadan Suldaan Faarax Cumar oo ka mida madaxdhaqameedka beesha Ciidagale, ayaa daboolka ka qaaday inay la-garab taaganyihiin Guddoomiye Muuse hiil aan hagrasho lahayn, waxaannu hadalkiisa ku iftiimiyey waxyaabaha uu Muuse Biixi dheeryahay ragga kale ee hankooda murrashaxnimo “Waxa farxad ii ah in beeshii oo dhami maanta halkan taageeradeeda ku caddeysay oo qoladaa aannu walaalaha nahay berigii waxay Ina Cigaal ugu coddeeyeen Abti baanu u nahaye, maanta labadii reerba inay meesha fadhiyaan farxad bay iyaduna noo tahay, markaa Muuse Biixi waxaan leeyahay nin laba Libaax abti u yihiin baad tahay maanta. Muuse Biixi waxaan leeyahay Suldaanka hadlay wax ma dooranayee ee golaha dhexe ayaa wax dooranaya,” ayuu yidhi Suldaanku.
Sidoo kale, Suldaan Axmed Cismaan Cadde-gude, oday Aadan Xujaale, oday Cali Quulle Faarax oo ka mida odayaasha Deegaanka Koonfurta Hargeysa iyo Dr. Ismaaciil Cali Jaamac oo ka tirsan xubnaha golaha dhexe ee KULMIYE, ayaa iyaguna hadallo ay madasha ka jeediyeen ku ayiday taageerada beeshoodu siisay Guddoomiye Muuse Biixi, iyagoo tilmaamay inay ku kalsoon yihiin inuu ku guulaysan doono jagadaas marka la gaadho shirka Golaha dhexe xisbiga.
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga Jaamac Shabeel oo iyaguna  halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inaanay sheegid iyo shaacin toona u baahnayn Taageerada ay xubnaha Golaha dhexe ee Beesha Cidagale u muujiyeen Musharaxnimada Guddoomiye Muuse, balse ay tahay qadiyad sida cad-ceeda u ifaysa oo hore loo filayey. Labada masuul waxa kaloo ay farriin adag u direen siyaasiyiinta ku jira xisbiga ee dabada ka riixaya murrasharixiinta aan kalsoonida buuran haysan ee hanka madaxnimo galay, kuwaasoo ay ugu baaqeen inaanay lugayn.
Xildhibaan Axmed Wayso-cadde oo ka tirsan Golaha Wakiillada, kuna hadlayey afka guddida beelaha Subeer Awal isku-duba-ridka taageerayaasha Guddoomiye Muuse Biixi ee Golaha dhexe ee xisbiga, ayaa ka mahadceliyey taageerada beesha Ciidagale oo uu ku tilmaamay hiil wayn oo looga fadhiyey, isla markaana waxa uu ugu warramay taageerada beeshiisu u hayso murrashax Muuse.
“Ergada Golaha Dhexe ugu jirta beesha Subeer Awal, boqolkiiba shan iyo sideetan (85%) waxay ku daba-fayleen oo la socdaan murrashax Muuse Biixi Cabdi, murrashaxiintuna markay cod ka haystaan xaafadooda ayey cod kalena u badheedhi karaan oo ay cid kale inay waydiistan, markaa kuma khaldanidin haddaad tihiin beesha Daa’uud Ismaaciil inaad ku biirtaan halka ay u badantahay taageeradii beesha Subeer Awal oo aad codkiina Golaha dhexe siisaan. Waanay caddahay cidda haysata aqlabiyadda Golaha Dhexe ee KULMIYE, halkan inta nooga caddaysay ayaa ku filan in looga qiyaas qaato murrashaxa aqlabiyada Golaha Dhexe haysta,” ayuu yidhi Waysa-cadde.
Dhinaca kale, waxa iyaguna halkaas ka hadlay Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi iyo Xildhibaan Saleeban Cawad Cali (Bukhaari) oo ka tirsan Golaha Wakiilada, isla markaana kala metelayey xubnaha Golaha dhexe  ee xisbiga ugu jira Beelaha Harti iyo Habar-yoonis siday u kala horreeyaan ee taageersan murrashaxnimada Guddoomiyaha KULMIYE, kuwaas oo iyaguna soo dhaweeyey go’aankan la mid ah kii hore beelahoodu u qaateen, halka La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo) oo uu madasha ka shaaciyey in aqlabiyadda xubnaha golaha dhexe ee beeshiisa Arab ay maalmaha soo socda shaacin doonaan taageerada Muuse Biixi.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo khudbad kooban jeediyey, ayaa mahadnaq iyo bogaadin uu ka siiyey beesha Koonfurta Hargeysa taageerada ay u caddeeyeen, taas oo uu ka dhigtay faan uu dheer yahay murrashaxiinta la tartamaysa, “Inta iminka tartanka KULMIYE ku jirtaa waa isku reer, laakiinse nasiib wanaag abtin uun baan dheeraaday,” ayuu yidhi.
Waxa kaloo uu ka warramay siyaasadda xisbiga KULMIYE ee mustaqbalka iyo qorsheyaashiisa ku lammaan hanka Madaxweynenimo ee uu ku hamiyayo inuu ku hoggaamiyo Somaliland, waxaannu yidhi, “Anigu xisbiga Guddoomiyihiisii baan ahay, odaygiisii baan ahay, raadkii odaygaygii horaa la raacayaa, xisbigana in laga ilaaliyo wixii duul-duul ah, haddii la tartamayana si hufan loo tartamo oo wax walba laga horumariyo xisbinimada. KULMIYE wuxuu ka joogaa halgan hore, mustaqbal fog buu leeyahay.”
“KULMIYE wuu ka dheeryahay nin doonaya inuu kursi ku fuulo, aniga haddii Golaha dhexe aan joogo, haddaan guddoomiye ahay iyo haddii kaleba, waxa igu waajib ah inaan xisbiga isku-hayo, inaan sharciga xisbiga u hoggaansamo, inaan mustaqbalka xisbiga eego, taas baa aniga igu waajiba,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Fb: Abdiasiis Jama Haji Cami
Hargeisa Somaliland

“Muuse Biixi Waxaan Leeyahay Nin Laba Libaax Abti U Yihiin Baad Tahay Maanta”- Suldaan Aadan Suld. Faarax

“Muuse Biixi Waxaan Leeyahay Nin Laba Libaax Abti U Yihiin Baad Tahay Maanta”- Suldaan Aadan Suld. Faarax

  • “KULMIYE Wuu Ka Dheeryahay Nin Doonaya Inuu Kursi Ku Fuulo” Guddoomiye Muuse Biixi 
  • Hargeysa (Hubaal)- Xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE ugu jirta Beesha Koonfurta Hargeysa (Ciidagale), ayaa si rasmiya u shaaciyey taageero buuxda oo ay la garab-joogaan murraxshimada Madaxweynenimo ee Guddoomiyaha KULMIYE  Md. Muuse Biixi Cabdi, kadib Madaxweyne Siilaanyo.

Dagaalka Bariga Dhexe iyo Saamaynta Dhaqaale ee Geeska Afrika

  Bariga Dhexe waa mid ka mid ah gobollada ugu xasaasisan dunida marka laga hadlayo siyaasadda, amniga, iyo dhaqaalaha. Xiisadaha iyo dagaal...