“Muuse Biixi Waxaan Leeyahay Nin Laba Libaax Abti U Yihiin Baad Tahay Maanta”- Suldaan Aadan Suld. Faarax
“Muuse Biixi Waxaan Leeyahay Nin Laba Libaax Abti
U Yihiin Baad Tahay Maanta”- Suldaan Aadan Suld. Faarax
“KULMIYE Wuu Ka Dheeryahay Nin Doonaya Inuu Kursi
Ku Fuulo” Guddoomiye Muuse Biixi
Hargeysa (Hubaal)- Xubnaha Golaha Dhexe ee
xisbiga KULMIYE ugu jirta Beesha Koonfurta Hargeysa (Ciidagale), ayaa si
rasmiya u shaaciyey taageero buuxda oo ay la garab-joogaan murraxshimada
Madaxweynenimo ee Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, kadib
Madaxweyne Siilaanyo.
Xaflad ballaadhan oo casuumad qado lagu qabtay
huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa maanta, kana qaybgaleen hoggaanka
KULMIYE, wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin, madaxdhaqameed iyo waxgarad ka
tirsan beesha Ciidagale, ayaa lagu soo bandhigay taageerada xubnaha golaha
dhexe ee beeshu u muujiyeen murrashaxnimada Muuse Biixi, iyadoo halkaasi ay
goob-joog ku ahaayeen 14 xubnood ka mid ah 18 qof oo Golaha Dhexe ee KULMIYE
ugu jira beesha. Waxaanna madasha lagu asteeyey khudbado xambaarsan weedho hiil
taageero iyo dhoolo-tus siyaasadeed ah oo ay jeediyeen siyaasiyiin iyo
salaadiin ka mid ah martida goobta isugu tagtay.
La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha
Bulshada, ahaana qabanqaabiyaha xafladdaasi Mr. Maxamed Iid Dhimbiil oo ka mid
ahaa aasaaseyaashii xisbiga KULMIYE oo uu hore xilal kala duwan uga soo qabtay,
ayaa ka warramay mowqifka xubnaha beeshiisu qaateen iyo sababaha ku kellifay,
isagoo xusay in tartanka xooggaysanaya ee xisbiga dhexdiisu muujinayo biseyl
dimuquraadiyadeed iyo hufnaan siyaasaddeed oo lagu yaqaan, balse haddana uu
bannaanka ka sii muuqdo qofka lagu aamini karo masiirka umadda, marka uu
saaxada banneeyo Madaxweyne Siilaanyo.
“Tirada guud ee golaha dhexe ee beeshu ku
leedahay KULMIYE waa 18 xubnood, wax ku yimi magaca beesha, wax ku helay xil
iyo wax ku yimi maamuus kaleba, markaa 18-kaa xubnood waxa goob-joog ah oo
halkan fadhiya 12 xubnood, laba xubnood oo kalena cudur-daar adag ayey ku maqan
yihiin oo midkood geeri ku dhacday buu ku maqanyahay. Sidaas darteed, 14-kaa xubnood
oo dalka gudihiisa jooga waxaan caddaynayaa inay si buuxda u taageersan yihiin
Muuse Biixi Cabdi, afarta kalena waxaan leeyahay kamaanaan rajo-dhigin,” ayuu
yidhi Maxamed Iid, isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey,
“Tartankaa xisbiga KULMIYE, ninkasta oo murrashax ah waxaan leeyahay wuxuu
muujinayaa dimuquraadiyad la yaable, dadka wax baynu baraynaa, ninkastoo wax
ismoodayna wuxuu doonayaa inuu aad isaga warramo oo uu is-sheego oo is muujiyo,
laakiinse ninbaa laga hayey; ‘Loogaa la yidhaahdaa’ markaasaa lagu yidhi,
“lagaaga gole fadhiyaa.”
Suldaan Aadan Suldaan Faarax Cumar oo ka mida
madaxdhaqameedka beesha Ciidagale, ayaa daboolka ka qaaday inay la-garab
taaganyihiin Guddoomiye Muuse hiil aan hagrasho lahayn, waxaannu hadalkiisa ku
iftiimiyey waxyaabaha uu Muuse Biixi dheeryahay ragga kale ee hankooda
murrashaxnimo “Waxa farxad ii ah in beeshii oo dhami maanta halkan
taageeradeeda ku caddeysay oo qoladaa aannu walaalaha nahay berigii waxay Ina
Cigaal ugu coddeeyeen Abti baanu u nahaye, maanta labadii reerba inay meesha
fadhiyaan farxad bay iyaduna noo tahay, markaa Muuse Biixi waxaan leeyahay nin
laba Libaax abti u yihiin baad tahay maanta. Muuse Biixi waxaan leeyahay
Suldaanka hadlay wax ma dooranayee ee golaha dhexe ayaa wax dooranaya,” ayuu
yidhi Suldaanku.
Sidoo kale, Suldaan Axmed Cismaan Cadde-gude,
oday Aadan Xujaale, oday Cali Quulle Faarax oo ka mida odayaasha Deegaanka
Koonfurta Hargeysa iyo Dr. Ismaaciil Cali Jaamac oo ka tirsan xubnaha golaha
dhexe ee KULMIYE, ayaa iyaguna hadallo ay madasha ka jeediyeen ku ayiday
taageerada beeshoodu siisay Guddoomiye Muuse Biixi, iyagoo tilmaamay inay ku
kalsoon yihiin inuu ku guulaysan doono jagadaas marka la gaadho shirka Golaha
dhexe xisbiga.
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE
Maxamed Kaahin Axmed, guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga Jaamac Shabeel oo
iyaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inaanay sheegid iyo shaacin toona
u baahnayn Taageerada ay xubnaha Golaha dhexe ee Beesha Cidagale u muujiyeen
Musharaxnimada Guddoomiye Muuse, balse ay tahay qadiyad sida cad-ceeda u ifaysa
oo hore loo filayey. Labada masuul waxa kaloo ay farriin adag u direen
siyaasiyiinta ku jira xisbiga ee dabada ka riixaya murrasharixiinta aan
kalsoonida buuran haysan ee hanka madaxnimo galay, kuwaasoo ay ugu baaqeen
inaanay lugayn.
Xildhibaan Axmed Wayso-cadde oo ka tirsan Golaha
Wakiillada, kuna hadlayey afka guddida beelaha Subeer Awal isku-duba-ridka
taageerayaasha Guddoomiye Muuse Biixi ee Golaha dhexe ee xisbiga, ayaa ka
mahadceliyey taageerada beesha Ciidagale oo uu ku tilmaamay hiil wayn oo looga
fadhiyey, isla markaana waxa uu ugu warramay taageerada beeshiisu u hayso
murrashax Muuse.
“Ergada Golaha Dhexe ugu jirta beesha Subeer
Awal, boqolkiiba shan iyo sideetan (85%) waxay ku daba-fayleen oo la socdaan
murrashax Muuse Biixi Cabdi, murrashaxiintuna markay cod ka haystaan xaafadooda
ayey cod kalena u badheedhi karaan oo ay cid kale inay waydiistan, markaa kuma
khaldanidin haddaad tihiin beesha Daa’uud Ismaaciil inaad ku biirtaan halka ay
u badantahay taageeradii beesha Subeer Awal oo aad codkiina Golaha dhexe
siisaan. Waanay caddahay cidda haysata aqlabiyadda Golaha Dhexe ee KULMIYE,
halkan inta nooga caddaysay ayaa ku filan in looga qiyaas qaato murrashaxa
aqlabiyada Golaha Dhexe haysta,” ayuu yidhi Waysa-cadde.
Dhinaca kale, waxa iyaguna halkaas ka hadlay
Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi iyo Xildhibaan Saleeban Cawad Cali (Bukhaari)
oo ka tirsan Golaha Wakiilada, isla markaana kala metelayey xubnaha Golaha
dhexe ee xisbiga ugu jira Beelaha Harti iyo Habar-yoonis siday u kala
horreeyaan ee taageersan murrashaxnimada Guddoomiyaha KULMIYE, kuwaas oo
iyaguna soo dhaweeyey go’aankan la mid ah kii hore beelahoodu u qaateen, halka
La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka Maxamed Ibraahim Aadan
(Qabo) oo uu madasha ka shaaciyey in aqlabiyadda xubnaha golaha dhexe ee
beeshiisa Arab ay maalmaha soo socda shaacin doonaan taageerada Muuse Biixi.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md.
Muuse Biixi Cabdi oo khudbad kooban jeediyey, ayaa mahadnaq iyo bogaadin uu ka
siiyey beesha Koonfurta Hargeysa taageerada ay u caddeeyeen, taas oo uu ka
dhigtay faan uu dheer yahay murrashaxiinta la tartamaysa, “Inta iminka tartanka
KULMIYE ku jirtaa waa isku reer, laakiinse nasiib wanaag abtin uun baan dheeraaday,”
ayuu yidhi.
Waxa kaloo uu ka warramay siyaasadda xisbiga
KULMIYE ee mustaqbalka iyo qorsheyaashiisa ku lammaan hanka Madaxweynenimo ee
uu ku hamiyayo inuu ku hoggaamiyo Somaliland, waxaannu yidhi, “Anigu xisbiga
Guddoomiyihiisii baan ahay, odaygiisii baan ahay, raadkii odaygaygii horaa la
raacayaa, xisbigana in laga ilaaliyo wixii duul-duul ah, haddii la tartamayana
si hufan loo tartamo oo wax walba laga horumariyo xisbinimada. KULMIYE wuxuu ka
joogaa halgan hore, mustaqbal fog buu leeyahay.”
“KULMIYE wuu ka dheeryahay nin doonaya inuu kursi
ku fuulo, aniga haddii Golaha dhexe aan joogo, haddaan guddoomiye ahay iyo
haddii kaleba, waxa igu waajib ah inaan xisbiga isku-hayo, inaan sharciga
xisbiga u hoggaansamo, inaan mustaqbalka xisbiga eego, taas baa aniga igu
waajiba,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.
E-mail: Samater2013@gmail.com
Fb: Abdiasiis Jama Haji Cami
Hargeisa Somaliland
Comments
Post a Comment